“child care payments compliance”.

Macluumaadka Ku-dhaqanka Lacagbixinada xannaanada ilmaha
Oo loogu talagalaay qoysaska haysta Ilmaha ku
jira xannaanada ilmaha
Dowladda Australia waxay maalgelin weyn ku samaysaa xannaanada Ilmaha si si-fiican qoysaska
loogu taageero helidda xannaanada Ilmaha oo tayo iyo awoodidba leh oo lagu beegay kuwa aadka
ugu baahan.
Badiba qoysaska iyo adeegyada xannaanada Ilmaha wax sax ah bay sameeyaan waxay ku dadaalaan
inay si sax u soo sheegaan adeegga xannaanada Ilmaha iyo ujrooyinka. Si kastaba ha ahaatee, qaar
ka mid ah adeegyada xannaanada Ilmaha iyo qoysaska ayaan sidaas samayn. Taasi waxay ku yeelan
kartaa cawaaqib xumo daran adeegyada xannaanada Ilmaha iyo qoysaska adeegsada.
Waa maxay falalka aan-ku-dhaqanka ahayn?
Falalka aan-ku-dhaqanka ahayn waa ka mid ah:

Adeegyada soo sheeganaya daryeelka aan la qaban. Tusaale ahaan, sheegashada kulannada
daryeelka uusan ilmahaagu tegin, (adoo ogsoon in adeegyo badani ay soo sheegtaan kulano
xannaano, halkii ay sheegan lahaayeen tirada saacadaha kuwaas oo runtii daryeelka lagu
qabtay).

Soo-sheegida xannaanada Ilmaha iyo ujrooyinka oo aan saxda ahayn.
 Sheegashada xannaanada Ilmaha iyo ujrooyinka aadan xaq u lahayn.
Haddii adeegyada xannaanada Ilmaha uu soo sheegayo xannaanada iyo ujrooyinka aan saxda ahayn
waxaad galaysaa daynta Centrelink taas oo ay tahay inaad dib ka bixiso.
Waxaad masuul ka noqonaysaa daynta ayadoon loo eegayn inaad ka warqabto iyo
inaadan ogayn wax ku saabsan ujrooyinka aan saxda ahayn oo uu soo-sheegay adeegga
xannaanada ilmahaada.
Tusaale ahaan, qoys ayaa Centrelink kula talisey in Department of Education and Training ay soo
heshay in adeega xannaanada ilmahooda ay soo sheeganaysey kulano dheeraad ah oo xannaano la
siiyey ilmahooda markii uu ilmahoodu uusan runtii joogin xannaanada. Sababtoo ah adeegu wuxuu
soo sheegtay lacagta xannaanada oo ka badan intii ay xaqa u lahayd, qoysku wuxuu helay kabidda
xannaanada ilmaha oo ka badan intii ay heleen markaasna waxay galeen daynta kabidda
xannaanada ilmaha oo Centrelink ku leedahay oo dhan $14,000.
Opportunity through learning / Somali
Haddii aad doonayso inaad ka doodo ama aad ka hadasho deynta, waa inaad kala xiriirta Centrelink
13 61 50 ama waxaad tagtaa Xarunta Adeegga Macaamiisha Centrelink.
Maxay tahay inaad samayso?
Si loo hubiyo inaadan ka qaybgelin sheegashada lacag aadan xaq u lahayn, waa inaad:

Haysataa diiwaanka maalinta iyo saacadaha uu ilmahaagu tago xannaanada.

Dib-u-eeg caddaymaha ay bixiso Adeegga xannaanada ilmaha taas oo muujinaysa waqtigii uu
ilmahaagu uu joogay xannaanada, isugaynta ujrooyinka iyo xaddiga caawimaadda ujradda
xannaanada ilmaha ee la bixiyey. Waa inaad heshaa caddaymahaas ugu yaraan saddexdii bilood
oo kasta.

Hubi caddaymaha oo barbardhig diiwaannadaada. Haddii aadan helin caddaymaha, waxaad
hubisaa inaad la hadasho Adeegga xannaanada ilmahaaga.
 Soo-sheeg lacag-bixinnada taageerada ujradda xannaanada ilmaha oo aan caddayn.
Haddii adeeggaagu ay diido inay ku siiso caddaymahaas ama haddii aad wax dareen ah ka qabto wax
ku saabsan lacagaha xannaanada ilmaha aan la sharaxin, waa inaad kala xiriirtaa Department of
Education and Training taleefanka 1800 664 231 ama [email protected].
Sidee baan u hubinaynaa diiwaannadaada xannaanada
ilmaha?
Wasaaradda Department of Education and Training iyo Centrelink waxay ka wada-shaqeeyaan inay
hubiyaan oo isbarbar-dhigaan diiwaanada xannaanada ilmaha si loo joojiyo lacagaha aan saxda
ahayn oo la siiyo adeegyada xannaanada ilmaha iyo qoysaska.
Qoysaska waxaa loo dooran karaa si kala-sooc la’aan ah si loo xaqiijiyo macluumaadka xannaanada
ilmaha ay bixiso adeegga xannaanada ilmahaooda. Qoysaska la doortay waxay heli doonaan warqad
oranaysa in laga soo wici doono Wasaaradda si loogala hadlo wax ku saabsan hannaanka
xannaanada ilmahooda.
Wareysiyadani waxaa lagu qabtaa dhammaan adeegyada xannaanada ilmaha ee Australia,
macnaheeduna maahan in wasaaraddu ay wax dareeno ah ka qabto oo ku saabsan hannaanka
xannaanada ilmahaaga ama adeegga xannaanada ilmahaaga ee la doortay gaar ahaan.
Sidee baad usoo sheegaysaa falalka shakiga leh?
Haddii aad ka warqabto falal shaki leh kuwaas oo sharci darro ah ama khiyaano ah, waxaan kugu
dhiirigalinaynaa inaad la soo xiriirto Department of Education and Training taleefanka 1800 664 231
ama [email protected]
Macluumaadkaas waxaad soo sheegi kartaa adoon magacaaga sheegin.
Macluumaad dheeraad ah
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka Ku-dhaqanka Lacag-bixinada
xannaanada ilmaha ee wasaaradda, ka eeg www.education.gov.au oo ka baar “child care
payments compliance”.
2