Getting a bond loan - Department of Human Services, Victoria

Helitaanka Deynta curaarta
Haddii aad doonayso inaad ijaarato guri gaar loo leeyahay, dadka guryaha leh waxay ku weydiin doonaan
inaad bixiso curaar (ama lacag la celin karo oo loo haysto caymis) ka hor inta aadan guriga degin.
Dhamaadka kiraysiga, cidda guriga leh ayaa laga yaabaa inay sheegato dhamaan ama qaar ka mid ah
curaartaadii iyaga oo magdhow ahaan u qaadanaya khasaarada guriga soo gaartay ama lacag kugu
baaqatay darteed.
Haddii aadan awoodin inaad bixiso curaarta adigu, waxaa laga yaabaa inaad ka amaahato lacag dulsaar
la’aana xafiiska agtaada ah. Taasna waxaa loo yeeraa deynta curaarta.
Deymankaasi waa curaarta keliya loomana isticmaali karo ijaarka ama kharajka guurida.
Waa in la soo celiyaa dhamaan curaarta dhamaadka kiraysiga. Haddii cidda guriga leh ay reebato qaar ka
mid ah curaarta lacag aan la bixin ama khasaaro guriga gaartay darteed, weli waxaa lagaa rabaa inaad
bixiso dhamaan lacagta aad ka amaahatay Wasaarada.
Mudnaanta
Waxaad mudan tahay deynta curaarta haddii aad buuxiso dhamaan shuruudaha hoos ku yaalla:
• In aad buuxiso xadka lagu bixiyo dhaqaalaha iyo dakhliga deynta curaarta ee Wasaarada
• Inaad tahay qof haysta deganaansho joogta ah ee Australia
• Heerkaaga ijaarku in aanu ka badnayn 55 boqolkiiba dakhligaaga labadii asbuuc (cashuurta ka hor)
• In aadan lahayn guri ama qayb lahayn guri falaat ama unit ah
• In aan lagugu lahay curaar deyn ah oo hadda taagan
• In aan lagugu lahayn wax lacag oo la xiriirta kiraysi hadda ah ama mid hore.
Waxaa jira dad aanay khusayn shuruucdaasi. Fadlan la xiriir xafiiska agtaada ah macluumaad intaas ka
badan.
Qiyaasta deynta
Qiyaasta aad amaahan karto waxay ku xiran tahay tirada qolalka ku yaalla guriga aad ijaaranayso iyo tirada
dadka halkaas ku noolaanaya. Xaalladaha qaarkood, qolka daraasada ama cuntada ayaa loo tirin karaa qol
jiif.
Lacagta ugu badan oo lagu bixiyo deynta waxay ku salaysan tahay gurigu inta uu le’eg yahay, waana in
joogto loo cusboonaysiiyaa. Tirada ugu badan ee deynta curaarta, booqo websaytka ah Bond loan scheme ,
ama la xiriir xafiiska agtaada ah.
Wasaaradu waxay wax u qiimaysaa dadka guriga ijaarkiisa bixinaya oo loo qaybiyey inta dalbanaysa deynta
curaarta ee guriga ku noolaanaysa.
Department of Human Services - Somali
Dalbashada deynta curaarta
Waxaad ka dalban kartaa xafiiska kuugu dhow ee agtaada ah adiga oo buuxinaya foomka deynta curaarta.
Waxaad u dalban kartaa naftaada, laba qof ahaan, ama adiga oo qayb ka ah dad guriga wadaagaya. Halkii
guriba waa in loo xereeyaa hal foom.
Wax lacag ah oo ah curaarta ha siin qofka guriga leh ama wakiilka ilaa laga ansixiyo deynta.
Marka laga saaro xaalladaha qaarkood, Wasaaradu dib kuuma siin karto qiyaasta deynta ah haddii aad
horay u siisay cidda leh ama wakiilka.
Mam dalban karto deynta curaarta ilaa cidda gurigaaga leh ama wakiilku ay aqbalaan arjigaaga si aad u
ijaarto guriga. Guriga aad kiraysanaysaa waa in uu ku yaallaa Fiktooriya gudaheeda.
Cidda guriga leh ama wakiilku waa in uu buuxiyaa dalabka deynta curaarta. Haddii cidda gurigaaga leh
aanay isticmaalin wakiilka guryaha la kiraysto, waa in aad ta’kiidisaa lahaanshahooda guriga ama aad na
siisaa ogolaansho aan taas kaga xaqiijino Golaha Degmada.
Dakhliga iyo hantida
Dakhliga iyo hantida arjiile walba waa in ay waafaqsan tahay xadka dakhliga iyo hantida Wasaarada. Taas
waxaanu badanaa ta’kiidinaa lixdii biloodba hal mar.
Centrelink Confirmation eServices
Centrelink Confirmation eServices (CCeS) waa adeeg online ah kaas oo kuu ogolaanaya inaad ka hesho
macluumaad toos ah Centrelink, si loo ta’kiidiyo xaq u yeelashada adeegyada gurisiinta.
Waxaan soo jeedinaynaa inaad isticmaasho CCeS haddii aad tahay macmiile Centrelink si aan u
cusboonaysiino macluumaad ku saabsan dakhliga iyo hantida adeegyada gurisiinta.
CCeS waxay leedahay heerar amni iyo mid barayfasi oo adag, waana in aan hellaa raali noqoshadaada ka
hor inta aadan hellin macluumaadkaaga ku saabsan Centrelink.
Adiga iyo dadka kula degan ayaa bixin kara raalinoqosho adigoo saxiixaya Ka-raali noqoshada Ta’kiidinta
Centrelinklink e-services (Consent to use Centrelink Confirmation eServices) oo calaamad marinaya
Ta’kiidinta Dakhliga (Income confirmation) iyo/ama Caddaynta Cinwaanka iyo Cidda lala xiriirayo) Contact
and address verification sanduukha hubinta ee foomka arjiga. Wasaaradu waa isticmaali kartaa CCeS si ay
toos uga hesho macluumaadka ku saabsan dakhliga iyo hantida Centrelink. Taas macneheedu waxa weeye
uma baahan doonto inaad noo sheegto wixii ku saabsan dakhligaaga ama hantidaada (taas oo ka baxsan
lacag bixin goos-goos ah). Taasi waxay kuu sahlaysaa adiga annagana waa nooga sahlan in aan socodsiino
dalabkaaga deynta curaarta.
Markaad saxiixdo foomka ka raali noqoshada oo aad xariiq mariso Caddaynta Cinwaanka iyo Cidda lala
xiriirayo (Contact and address verification), waxaan isticmaali karaa CCeS si aan toos uga hello meesha
hadda lagaala xiriiri karo iyo faahfaahinta cinwaanka Centrelink. Waxaanu markaas ka dib kaala xiriiri karaa
arjiga deynta curaarta.
Caddaynta aqoonsiga iyo degaanka
Waxaa waajib kugu ah inaad na siiso aqoonsiga arjiilaha. Arag xaashida Caddaynta aqoonsiga (Proof of
identity factsheet) taas oo faahfaahisa nooca aqoonsiga dukumintiyada ay wasaaradu aqbali doonto.
Waxaa kale oo waajib kugu ah inaad bixiso aqoonsiga deganaanshaha xubin kasta oo ka mid ah kuwa
degaya guriga oo aan ku dhalan Australia, tusaale ahaan, Shahaadada Dhalashada Australiya, fiisada,
baasaboorka ama warqad ka timid Wasaarada Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudka (Department of Immigration
and Border Protection).
Getting a bond loan
2
Helista deynta
Haddii arjigaaga la ansixiyo, jeeg ku qoran oo la siin karo Hay’ada Curaarta iyo Kiraysiga Guryaha
(Residential Tenancies Bond Authority) ayaa lagu siin doonaa ama waxaa toos loogu soo diri doona cidda
guriga leh ama wakiilka guriga. Jeega waxaa la socon doona foomka xeraynta curaarta, taas oo cidda guriga
leh ay isticmaali doonto si loogu xereeyo curaarta Residential Tenancies Bond Authority.
Dib u celinta deynta
Dhamaadka kiraysiga, cidda gurigaaga leh, ama wakiilka ayaa ka codsan doona Residential Tenancies
Bond Authority in curaarta dib loogu celiyo Wasaarada. Haddii cidda gurigaaga leh ay reebtaan qaar ka mid
ah curaarta khasaare guriga gaaray ama lacag aan la bixin darteed, weli waxaa lagaaga baahan yahay
inaad dib u bixiso qaybtaada deynta.
Khilaaf kasta oo ka dhexeeya adiga iyo cidda guriga leh oo ku saabsan ijaar aan la bixin waa inay
go’aan ka gaartaa Maxkamada Maamulka iyo Arrimaha Madaniga ah (Victorian Civil and
Administrative Tribunal).
Xubin kasta oo ka mid ah cidda guriga degan oo dalbanaysa deynta curaarta waa inay saxiixdaa heshiis
lagu bixinayo deynta ayna ka qaybgashaa dacwad kasta oo sharciyeed si loo hello lacagta deynta ah.
Macluumaad intaas ka badan
Macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan helida deynta curaarta, la xiriir xafiiska agtaada ah ee
Department of Human Services.
Haddii aad jeclaan lahayd inaad ku hesho macluumaadkaan foom kale ah, fadlan la xiriir xafiiska agtaada ah
adigoo isticmaalaya Adeega Gudbinta Qaranka oo ah 13 36 77.
Macluumaadkaan waxaa laga helli karaa websaytka housing
Waxaa ansixisay oo daabacday Xukuumada Fiktooriya, 1 Treasury Place, Melbourne.
Sebteembar 2014
Getting a bond loan
3