Dhisowka Mustaqbalka Meelaan ilmooga la ka haayaw way ku qeyb qaadidayana Barnaamijka Hunguriga Daryeelka Dadka wi wiin iyo Ilmooga (Child and Adult Care Food Program (CACFP), way waa barnaamij Federaal oo biyaw hunguri iyo af bilaw caafimaad in eh ilmaaga day keerka la ka haayo. Maalin kasta in ku badan 2.6 milyan oo ilmo ah ayaa ku qeyb qaadidayaan CACFP oo li ki haayo reerdheeda iyo xarumooga wadankan dhon. Qofka ilmooga haayaaw iyo ilmooga hunguri wal intoraw siyaw oona Waaxda Beerooga ee Maraykanka (USDA) shuruudiyooshe buuyo beesidiyo liin soo nagee. Barnaamijka door eed in weyn ayaa ku dheele hormarinta tayada day keerka oona way ku weele meel dadka daqlisho yaryo awoodaan. Hungurga CACFP reerdheeda iyo xarumooga way rahayanaa shuruudooga hunguriga oo USDA dijisi. Kuwa ku qeyb qadadoyan Dhismada Quraac: Qado ama Casho Caano Miro ama Qudaar Badar ama Rooti Caano Hilib ama hilib wal-laka bedeli Badar ama Rooti Lama nooc oo miro ama qudaar Af bilaw (Lama ku mid ah afarta noocyo:) Caano Hilib ama hilib wal-laka bedeli Badar ama Rooti Miro ama Qudaar Reer iyo xarumo badan oo shal duwan way ki shaqeeye CACFP oo way wadagana hal hadaf oo ayo in hunguri iyo af bilow nafaqo in sheenan kuwa ku qeyb qaadadooyaan. Dhismooyinka ku qeyb qaaditoyan way ku mid ayaa: • Xarumaha Daryeelka Ilmooga: Xarumooga ee ilmooga la ka hayaw kuwa shatiyaysan ama meelooga shacabka ee la ansaxiyi ama meelooga gaarka liin leyo, barnaamijyada Head Start, iyo xarumooga gooniga liin leyo. • Reerdheeda Day Keerka ee Familka: Reerooga shatiyaysan ama kuwa la ansaxiyi. • Barnaamijyada Daryeelka ee Iskoolka ku bacdi: Xarumooga meelooga dadka daqlisho yar way af bilaw bilaash eh siyaayana ilmooga iyo dhalin yarta da'da iskool. • Hoydheedha dadka reerka in qabne: Hooydheeda emerjensiga way ilmooga reerka inqabne siyaayana adeegdheeda hunguriga. Kuwa Xaq Inle Hay'adooga Gobolka way beeso inso nagayana meelooga luku day keerdheeda kuwa in degenayaane ilmooga soo so adaan: • Ilmooga 12 jirka iyo kuwa kuwiin, • Ilmooga koytada oo 15 jirka iyo kuwa ku yar, iyo • Dhalin yarta ilaa 18 jir ee barnaamijdheeda daryeelka iskoolka ka dib ee xaafidooga dadka baahida in qabaan. La xiriir: Haddii su’aal ku qabto wal ki saabsin CACFP, fadlan la xiriir mid ku mid kuwan soo socodaan: Ururka Wakiiladooyo Agaasime Gobolka, NYS CACFP NYS Department of Health Division of Nutrition 150 Broadway FL 6 West Albany, NY 12204-2719 1-800-942-3858 (NY dhatiyee bes) 518-402-7400 USDA waa shaqaaleysiye iyo biye fursad siman MaayMaay To report CACFP fraud please call Lori Gilchrist NYS Department of Health 1-800-942-3858 or 518-402-7104 or [email protected]
© Copyright 2026 Paperzz