Somali (PDF: 200KB/1 page)

Waa maxay "Suuqaqa Caafimaad-Qabka
Ah (“Healthy Markets”)?
Waaxda Caafimaadka Minnesota (MDH) iyo Waaxda Beeraha Minnesota (MDA)
ayaa iska kaashaday suuqaqa xoolaha nool si loogu dhaqaaqo “Suuqaqa
Caafimaadka-Qabka ”, oo ah olole horay loogu marinayo dhaqannada
caafimaad marka la joogo suuqaqa.
Hilibka iyo digaagga oo laga soo iibsado suuqa xoolaha nool ayaa dad badan u
ah caado dhaqameed oo muhiim ah, laakin fara-la-galka hilibka qaydhin iyo
taabashada ama ku dhowaadka oolaha ayaa keeni kara halisyo caafimaadeed.
Waxaan rabnaa inaan ku dhiirigalino waxyaabo fudud oo ay samayn karaan
macaamiishu suuqaqa markay joogaan sii ay u dhowraan caafimaadkooda iyo
caafimaadka xubnaha qoyskoodaba.
Ma ogtahay?
•
•
•
Xayawaanka ayaa dabiiciyan sita bakteeriya iyo fayrasyada u keeni kara
cudur dadka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Escherichia coli, Salmonella, iyo
fayrasyada hargabka
Minnesota gudaheeda, 600-800 xaaladood oo ahinfekshin
Salmonellaayaa laga soo warramaa sannad kasta.
Gudihii sanadka 2011, waxa jiray gudaha Minnesota ka dillaac weynaa
oo ahaa cudurka Salmonella loona gartay inuu xiriir la lahaa suuqaqa
xawayaanka nool. Cudur dillaacaas, kuwii ugu badnaa ee bukooday
waxay ahaayeen carruur
Maxaan sameeyaa si aan caafimaad qab u
ahaado?
Marka La joogo Suuqa:
• Iska dhaq gacmaha kahor iyo marka ka dambeysa booqashada xoolaha
• Ugu qaado guriga hilibka qaydhiin ama digaagga weelal ku habboon sida
bacda ama bakadaha qaboojiye oo nadiif ah.
• Ha soo galin aagga xayawaanka haddaad ka yar tahay da'da shan sano,
ama aad ka weyn tahay 65 jir, ama aad leedahay xaalado caafimaad oo
ah sida cudurka sambbabka, sonkorowga ama macaanka, wadno
xanuun, nidaamka difaaca oo diciif ah, ama xaaladaha
dareemayaasha maskaxda
Guriga Marka La Joogo:
• Qabowga firinjeerka ku hay hilibka iyo digaagga qaydhin illaa aad
diyaar u noqneyso karisteeda.
• Barafee hilibka iyo digaagga qaydhiin haddii aadan ku talajirin inaad
ku kariso 3 maalmood gudahooda.
• Ka ilaali hilibka iyo digaagga qaydhiin cuntooyinka aan la karin
doonin.
• Iska dhaq gacmahaaga, wiciyadaha cuntada, alwaaxyada googoynta
kahor iyo waxa ka dambeeya fara la galka hilibka iyo digaagga.
Healthy Markets Fact Sheet: Somali 1/2014
Wax Dheeraad Ah Ka Baro
• Foodsafety.gov
• Hoyga CDC ee badbaadada
cuntada
• Hargabka Ku Dhaca Xayawaanka
• Buugga Qalimaynta Suuqaqa
Caafimaad-Qabka
• Nooc Hargab
• Waxyaabaha Daabaca ah ee
Badbaadada Cuntada
Nala Soo Xiriir:
Waaxda Caafimaadka
Minnesota
P.O. Box 64975
St. Paul, MN 55164-0975
(651) 201 5414