Wax ku Beerashada Ciidda Magaalada

Wax ku Beerashada Ciidda Magaalada
Marka aad dooraneysid dhul aad cunno ku beerato, waa muhiim in aad tixgelisid
ogaanshaha wixii horay dhulkaan loogu isticmaali jiray. Ciidda qaarkeed uma
suubana in wax lagu beerto ha ahaato meel magaalada dhexdeeda ama
banaankeedaba ah. Dhul loo istimaalay warshad ahaan, ganacsi ama dhul
beeraad, iyo dhul laga guuray waa noocyada dhulalka in ay sumeysan yihiin
ay dhici karto.
Hadii aad u maleyneysid in ciidda dhulkaaga ay sumeysan tahay, warbixinta
warqadaan ku qoran ayaa ku siineysa qaabab sahlan oo aad beertaada ugu
diyaarin kartid ku abuurista cunno caafimaad qabta lana cuni karo adiga oo
yareynaya saameynta ay ku yeeleanyso kiimikada ciidda magaalada la socota.
Kiimikooyin noocee ah ayaa laga helaa ciidda? Halkeese ka yimaadaan?
• Kiimikooyinka ciidda laga heli karo iyagoo heerkoodu sareeyo waxaa ka mida ah lead, cadmium, arsenic,
polycyclic aromatic hydrocarbons, iyo batroolka waxyaalo xiriir la leh. Kiimikkoyinkaan qaarkood si dabiici ah
ayaa ciidda looga helaa iyada oo uu heerkoodu hooseeyo (sida badanna waxaa loogu yeeraa heerarka hoose).
• Qaar ka mid ah meelaha ay ka yimaadaan kiimikooyinkaan waxay isugu jiraan:
o Kiimikkoyin ka daatay/qubtay warashado ama goobo ganacsi, beero ama guryo.
o Kiimikooyin hawada lagu sii daayay oo dib ugu soo laabtay ciidda.
o Kiimiko si sharci daro ah loo daadiyay.
o U isticmaalidda kiimiko beer ama doogga/cowska deyrka guryaha ku yaal.
• Warbixin ku saabsan taariikhda istimcaalka dhulka ka fiiri bogo internerka ee Minnesota Pollution Control (Ka
Hortagga Wasakhda Hawada Minnesota) www.pca.state.mn.us/index.php/data/whats-in-myneighborhood/index.html
Hadii ay ciiddu kiimiko leedahay, khudradda kiimikadii ma soo raaceysaa?
Baaritaank ayaa hadda ku socda kiimikada raacda khudradda ciidda lagu beeray. Cilmibaarista la sameeyay
waxay sheegeysaa in kiimikada qaarkeed ay soo raacdo khudradda laakiin xadigaasi waa ka yaryahay intii ciiidda
markii hore laga helay. Hadii aad raacdo talada wax beerashada ee warqaddan ku qoran, uma eka in ay kiimiko
badan soo raaci doonto khudradda lagu beeray beertaada.
Marka aad qorsheynta iyo diyaarinta beertaada ku guda jirto...
•
•
Ka samee beertaada khudradda meel ka fog meelaha ay ciideedu kiimikada ku soo ururto sida wadooyinka
mashquulka ah, aasaaska guryaha iyo meelaha biya saqafka iyo masharaafku ku soo hooraan.
Inta aadan dhulka qodin kahor si aad iskaga hubiso korontada, gaaska iyo tubooyinka biyaha ee dhulka ku
duugan wac Gopher State One Call 1-800-252-1166.
•
•
•
•
Isticmaal ciidda sare (topsoil) ee beerta oo illo lagu kalsoon yahay ka yimid adigoo u eegaya qotodheeridda
xididada dhirta inta ay gaarayaan ee dhamaan dhirta ama abuurka aad dooratay. Hadii dhulka lagu goglo
balaastic (liner) marka ciiddii hore laga xaaro oo ciidda cusubna laga sare mariyo waxay yareyneysaa khatarta
ay dhirta xididadeedu kiimikada u soo qaadayaan. Ciidda muuqata iyo hareeraha beerta ku dabool xashka
alwaaxda, ama dhirta dhulka lagu beero si looga hortago nabaadguurka, loona yareeyo dhirta aan la rabin
ee iskeed u soo baxda (weeds) iyo si aad u yareyso ciidda ku soo gaareysa adiga.
Isticmaaal beerta saxaaradaha lagu beero oo ciidda sare loo goglo blaastikada iyo ama weelasha wax lagu
beero in aad wax kula beerto meelaha aysan suurtogal ahayn in la qodo. Ka fogoow alwaaxda daawada la
mariyay sida alwaaxda wadadda tareenadu maraan hoosta laga geliyo ama alwaaxda awooda cadaadiska lagu
daweeyay. Ku fikir in aad istimaacsho waxyaalo kale sida bulukeeti/laban ama alwaax aan la daweynin.
Ku talagal in aad isticmaasho weelasha wax lagu beero marka aad beereyso dhirta xididadeedu aad u
hooseeyaan sida yaanyada iyo rhubarb. Xididada dhaadheer ee ay dhirtani leedahay waxuu koriinshahoodu
gaari karaa ilaa 48 inji (inches). Sidoo kale, isku day in aad isticmaasho nooca aan aadka u korin ee dhirta leh
xididada dhaadheer.
Baaritaanka heerka pH ka iyo nafaqada ciidda waxay kaa caawineysaa in aad fahamto sidii aad wax uga bedeli
lahayd habka nafaqeynta ciidda hadii ay ciiddaada sare sidaasi u baahan tahay. Marka aad isticmaaleysid
waxyaalo ciidda waxa looga bedalayo, ka digtoonoow waxyaalaha qaarkood sida maadooyinka bacriminta
ciidda ee bilaashka ah (free composts) oo aan baaritaan lagu sameyn kiimikadooda. Hadii aad u baahan tahay
warbixin dheeraad ah kuna saabsan bacriminta ciidda iyo xashka geedaha jiridooda la saaro, fiiri boga
internetka ee www.extension.umn.edu/distribution/horticulture/DG3296.html
Si aad uyareyso fursadda aad kiimikada ciidda la socota afka uga qaadan karto...
•
•
•
•
Si fiican u faraxalo/gacmahaaga u dhaq adiga oo isticmaalaya buraash
Ciidda iyo boorka oo qofka
marka aad beerta shaqo ka qabatid kadib kana fogoow in ciiddu dharkaaga
afka iyo sanka uu ka qaato
iyo kabahaaga soo raacdo marka aad guriga soo geleyso.
... waa sida ugu badan ee ay
Ka ilaali caruurta yaryar in ay ku ciyaaraan ciid aan weli wax lagu beerin.
kiimikadu dadka jirkooda ugu
Sida badan caruurtu afka ayey geliyaan farahooda iyo waxyaalaha ay ku
ciyaaraan taasi oo keenta in ay wasakhi afkooda iyo jirkoodaba gaarto.
gudubto marka ay beeraha
Si fiican u dhaq khudradda aad beerta ka soo goosatay inta aadan
falayaan.
cunin kahor.
Ka tuur caleenta la socota khudraddaha caleemaha leh khudaarta xididleyda ahna si fiican uga xoq/ka diir
xuubka sare.
Sidee baan ciidda kiimiko uga baari karaa?
Hadii aad qorsheynso in aad beerato dhul la isaga qaxay ama dhul horay u ahaan jiray dhul warshadeed, ciidda
baaritaan ku samee inta aadan wax beeridda bilaabin raacna talooyinka ku wajahan dhulka noocaan oo kale ah.
Wixii ah raadin warbixin dheeraad ah, eeg bogga internetka ee Environmental Protection Agency (Hay'adda
Dhowridda Deegaanka ) Growing Gardens in Urban Soils (Wax ku Beerashada Ciida Magaalada ) ee www.cluin.org/ecotools/urbangardens.cfm
Beer kasta uma baahna in baaritaan lagu sameeyo. Hadii aad jeclaan lahayd in aad hesho warbixin dheeraad ah
kuna saabsan marka, waxa iyo habka in baaritaanka lagu sameeyo ay tahay, fadlan eeg dukumintiga University of
Minnesota Extension Service ee Urban Gardens and Soil Contaminants ee
www.misa.umn.edu/prod/groups/cfans/@pub/@cfans/@misa/documents/asset/cfans_asset_287228.pdf
July 2012/Somali
Ilo Dheeraad ah:
Wax ku Beerashada Ciidda Magaalada:
Wax ku Beerashada Ciidda Magaalada (Growing Gardens in Urban Soils) eeg
www.clu-in.org/ecotools/urbangardens.cfm
Beerashada Khudaarta: Buuga yar ee dadka billoowga ah (Vegetable Gardening:
Handbook for Begeinners) eeg http://celosangeles.ucdavis.edu/files/97094.pdf
Sustainable Urban Landscape Information Series (Silsiladda Macluumaadka
Magaalo Wax Ku Beerasho La Xamili karo) eeg www.sustland.umn.edu/
Raised Bed Garden information (Macluumaadka Beerta Saxaaradaha Kor u Kacsan):
Raised Bed Gardens (Beeraha Saxaaradda Kor u Kacsan) eeg
www.extension.umn.edu/distribution/horticulture/M1254.html
Container and Raised Bed Gardening (Wax ku Beerashada Weelasha iy Saxaaradaha Kor u Kacsan) ee
www.extension.purdue.edu/new/ho-200.pdf
Organic Pest Control (Kahortagga Cayayaanka Beeraha Dabiiciga ah):
Insects (Cayayaanka) eeg www.extension.umn.edu/gardeninfo/components/info_insects.html#insectsfruits
Organic Pest Control in the Vegetable Garden(Kahortagga Cayayaanka Beeraha Khudaarta ee Dabiiciga ah) ee
http://county.wsu.edu/king/gardening/mg/factsheets/Fact%20Sheets/Organic%20Pest%20Control%20in%20the%2
0Vegetable%20Garden.pdf
Topsoil and Compost (Ciidda Sare iyo Bacriminta Xashka Geedaha):
Potting Mixes for Certified Organic Production (Dhoobada Qasan ee Shahaado u Heysata Dabiiciga ahaan) eeg
https://attra.ncat.org/attra-pub/viewhtml.php?id=47
Start Composting in Your Backyard (Ka Billoow Deyrka Gurigaaga Bacriminta xashka geedaha) eeg
www.pca.state.mn.us/index.php/living-green/living-green-citizen/yard-and-garden/start-composting-in-yourbackyard.html
Root Depth (Qotodheeridd Jiridda):
Vegetable Root Depth – To Gauge Watering Depth (Qotodheeridda Jiridda Khudaarta - Cabiridda Qotodheeridda
Qoyaanka Ciidda) ee http://celosangeles.ucdavis.edu/files/121762.pdf
Wixii warbixin dheeraad ah:
La xiriir Waaxda Caafimaadka Minnesota, Qeybta Qiimeynta Dhulka iyo Talooyinka
(Minnesota Department of Health, Site Assessment and Consultation Unit)
Talefoon 651-201-4897, ama lambarka bilaashka lagu waca 1-800-657-3908
Email: [email protected]
July 2012/Somali