Somali : Basic Food Safety (PDF)

Disaster Quick Tips: Basic Food Safety – Somali
Minnesota Department of Health
03/17/2010
Talooyin Looga Baxsado Masiibooyinka:
Raashinka Ay Dhibaato Kaa Soo Gaari Karto
Ha cunin raashin ay dhibaato kaa soo
gaari karto
Raashinka intiisa badan wax dhibaato ah kaama soo
gaari karto ilaa ay dhacdo in ay soo gaaraan biyo
daadad ah ama haddii aan la qaboojin. Iska tuur
raashinka iyo cabitaanka:
● Haddii aad ku aragto in ay xumaan karaan,
● Haddii aad ku aragto in ay is beddeshay
urtooda, midabkooda, ama muuqooda,
● Haddii aad ku aragto in ay soo gaareen biyo
daadad ah oo aan horay looga sii xijaabin
ama aan loo sameyn qorshe looga celin karo
in aysan wax biyo ah taaban karin,
● Haddii aad ku aragto in uu ku daboolan
yahay fur si fudud loo wareejin karo ama
“furka yar ee dusha uga xiran caagagga
biyaha,”
● Haddii aad ku aragto in ay gasacad ay ku
jiraan yeelatay daxal ama mirir, in uu
raahinku gasacadda ku dhex fuuray, in ay
gasacaddu duleel yeelatay, ama in ay
gasacaddu si xun u buusantay.
Gasacadaha uu raashinka ku jiro ee aan waxyeello
soo gaarin raashinka waa lagu keydsan karaa.
● Ka jeex waraaqda dusha uga dheggan,
● Saabuun iyo biyo nadiif ah ku meyr
gasacadda oo dhan,
● Hal qaaddo oo ah warankiilo iyo hal gaaloon
oo ah biyo nadiif ah isku qas oo jeermiska
uga sii qaad,
● Dusha uga qor magaca raashinka iyo taariikhda
uu dhacayo. Haddii aad ka shakiso, iska tuur!
Waa in aad ka warhayso raashinka u
baahan in lagu xafido qaboojiye
Iska tuur raashinka qaboojiyaha kuugu jira:
● Haddii ay ku sugan yihiin heerkul ka sarreeya
41digrii oo ah Feeranhaayt afar saac iyo wax
ka sii badan, ama
● Haddii ay ku sugan yihiin guriga dhexdiisa meel
aan qaboojiye ahayn laba saac iyo wax ka sii
badan.
Haddii ay korontadu kaa go’do oo aadan qaboojiyahaaga
furin, raashinka kuugu jira kaama xumaanayo afar ilaa
lix saacadood. Sidoo kale, laba maalmood kaama
xumaanayaan raashinka kuugu jira qaboojiyaha qeybtiisa
barafka lagu sameeyo haddii aad qeybtaas kala bar
firaaqo ka dhigto oo aad ku dedaasho in uu qaboojiyuhu
kuu xirnaado.
Isticmaal biyo nadiif ah
Biyaha nadiifka ah u isticmaal in aad cabto, in aad
raashin ku karsato, in aad baraf ka dhigato ama in aad ku
sameysato caanaha budada ah ee carruurta loo qaso, iyo
in aad ku meyrato gacmaha iyo weelasha. Haddii aad
biyaha ceel ka soo qaadato, oo ay ceelkaasi daadad soo
gaareen, biyaha ku jira ceelkaas nadiif ma aha.
Nadiifi gacmahaaga iyo meelaha ay
raashinku kuu yaallaan
Nadiif ka dhig dhammaan meelaha aad raashinka ku
diyaarsato, sida miisaska, meelaha aad alaabta ku
meyrato, suxuunta, maacuunta kale, iyo weelasha kale ee
aad ku ridato raashinka.
Si aad meel kasta nadiif uga dhigto, samee shanta qodob
ee hoos ku qoran:
1. Isticmaal saabuun iyo biyo diirran oo nadiif ah,
2. Biyo nadiif ah ku biyaraaci meelaha aad meyrto,
3. Hal daqiiqo si fiican isugu qas hal qaaddo oo ah
warankiilo iyo hal gaaloon oo ah biyo nadiif ah,
4. Biyaha aad warankiilada ku qastay si fiican ugu
nadiifi miisaska, suxuunta, iyo weelasha kale.
5. Meelaha aad nadiifisay u oggolow in ay iskood
u qallali karaan.
Inta aadan raahinka taaban, si fiican u meyr
gacmahaaga. Isticmaal saabuun aad
gacmahaaga ku rugto iyo biyo nadiif ah.
Environmental Health Division
625 Robert St. North, PO Box 64975
St. Paul, MN 55164-0975
651-201-5000
www.health.state.mn.us
Haddii aad dooneyso in aad warbixintan ku hesho si
kale, sida far waaweyn, barnaamijka ay dadka indhaha
la’ wax ku akhristaan (Braille), ama cajalad ahaan, la soo
xiriir 651-201-5000 ama 1-800-657-3908.
Dadka dhegaha la’ ama dadka dhegaha culus TTY:
651-201-5797.