Ku-xadgudubka Waayeelka Waa maxay ku-xadgudubka waayeelka? Ka faa’iideysi, waxyeeleyn, ama u hanjabid in aad waxyeeleyneyso qof waayeel ah. Waa kuwama ku-xadgudbayaashu? Xubin qoyska ah, saaxiib, xanaaneeye, xubin ka tirsan shaqaalaha goob xanaaneyn ama qof walba oo ay dadka waayeelka ahi isgu-haleynayaan baahidooda aasaasiga ah ama adeegyadooda ayaa xadgudubka geeysan kara. Xadgudub jireed Jug jireed oo laaadid, riixid, garaacid, timo ka jiidid ah Xabis xoog ah Ka reebidda waxa qofka jir ahaan ‘physical’ u baahan yahay Daawooyinka oo lagu badiyo ama lagu yareeyo Xadgudub maskaxeed/caadifadeed Ula dhaqmidda qofka waayeelka ah sida ilmo yar Baqdin-gelin, si ku talagal ah oo bulshada looga go’doomiyo, caay, hanjabaad, bah-dilid ama iska-indho-tirid qofka waayeelka ah xadgudub afka ah Xadgudub maaliyadeed Xatooyo ama isdaba-marin lacag ama hanti Lacagta ama hantida oo si khiyaano ah loo isticmaalo Awoodda Wakiil-ka-noqoshada sharciga ah (Power of Attorney) oo si khalad ah loo isticmaalo Wax isdaba-marin, baad ama been-abuur. Dayacid Cidleynta qof waayeel ah Gabidda u fidinta adeegyo caafimaad ama cunto-siin Gabidda u fidinta qofka waayeelka ah waxyaabaha lagama maarmaanka si-kutalagal ah ama aan ku-talagal ahayn Xadgudub jinsiyi Xiriir jinsiyi (sexual) oo aan ogolaasho qofka waayeelka ah laga heysan ama lala yeesho qof waayeel ah oo aan awood u lahayn inuu wax ogolaado waxaa loo tixgeliyaa xadgudub jinsiyi. Taabasho aan la dooneyn Kufsasho, Khaniisid, (dabo ka wasid) Ku khasbid qaawanaan, Sawirid galmo ahaan u muuqata Ama faallo laga bixiyo jirka qofka waayeelka ah iwm. Kaalmada Waayeelka-Peel Somali GARASHADA XADGUDUBKA Ka baqid xanaaneeyayaasha Dhaawacyo aan la sharaxin La daahid daawo raadsasho Daawada dadka dejisa/hurdeysiisa oo si xaddhaaf ahaan loo siiyo • Calaamado murxid oo aan caadi ahayn • Takhaatiir isku bedbedelid oo rikoor ugu jirta • Dhaawacyo madaxa ah. • Kilaankilada oo muruxsan – qofka laga yaabee in la jiiday. – murxid balaaran oo afka ah waxaa keeni kara in qofka afka laga xiray si loo aamusiiyo. • Is-qadarinta qofka oo hooseeya Xadgudub • Qofka oo ay ka muuqato xasil la’aan markuu joogo maskaxeed/caadifadeed xanaaneeyayaasha agagaarkooda • Qof wareersan • Qof isdilaya • Qof iska ilaalinaya xanaaneeye in aay indhahooda is qabtaan • Ka baqid in la cidleeyo • Caajis-dheeraad ah/Dadka ka-dhexbixid • Sheeyo maqan oo aan la sharixi karin Xadgudub maaliyadeed • Qaansheegatooyinka ‘bills’oo la bixin waayo • Aqoon aan sax ahayn oo dhinaca maaliyadda ah • Dardaaranka qoraalka ah oo si kedis ah loo bedelo • Waxyaabo lagama maarmaan ah oo la awoodi karo oo la iska daayo • Xisaabta bangiga oo si aan caadi ahayn lacag loogala baxo • Cuduro galmada la isugu gudbiyo; iyo/ama Xadgudub jinsiyi • Xanuun, cun-cun, dhiig ama murux xubnaha taranka agagaarkooda ah • Nafaqo-darro/biyaha oo ku yaraada jirka Dayacid • Wareeg aan laga warheyn • Kuleylayn la’aan /koronto • Muuqaal qaab-daran • Ilkaha la-gashado ‘dentures’, muraayadaha indhaha, qalabka wax lagu maqlo oo ka maqan • Xaalado xanuun maqaarka ah ama danqasho cadaadis ka timid • Dhibaatooyin caafimaad oo aan la daaweyn • Ku xadgudbid cabitaanka khamrada ama qaadashada daawooyinka Kaalmada Waayeelka-Peel Xadgudub jireed • • • • Po Somali
© Copyright 2026 Paperzz