10 astaamood oo digniin ah Cudurka asaasaqiddu waxa uu

Waxa aad xaashidan ka akhriyi kartaa 10
astaamood oo digniin ah oo cudurka asaasaqidda lagu garto.
Cudurro kale ayaa kugu keeni kara astaamo la
mid ah kuwa asaasaqidda – tusaale ahaan
diiqadda aan la dawayn (ubehandlet depression),
walbahaar ama B12-fiitamiin la’aanta.
Haddii aad xasuusan tahay dhawr astaamood oo
ku yaalla xaashidan, waxa uu ururka Alzheimerforeningen kugula talinayaa, in aad la
xidhiidhdho dhakhtarkaaga. Waa muhiim in la
caddeeyo sababta astaamaha, iyo in laguu diro
dawayn degdeg ah.
Xasuusnow in ay jiraan cudurro asaasaqid oo gaar
ah, oo ay astaamahoodu ka duwan yihiin 10’kan
tusaale.
Ma u baahan tahay
taageero?
Waxa aad garaacdaa tilifoonka talosiinta
asaasaqidda: 5850 5850. Halkan waxa aad ka
helaysaa taageero iyo taakulayn qof iyo
talosiin la taaban karo.
Waa maxay cudurka
asaasaqiddu?
Asaasaqiddu waa hoos u dhaca xusuusta iyo
hawlwadeennada kale ee caqliga, cudur ku
dhaca maskaxda awgii. waxa jira in ku dhow
200 oo ah cudurada asaasaqidda.
Astaamaha lagu garto:
• gaar ahaan xusuusta wakhtiga gaaban oo
hoos u dhacda
• fiirsashada oo hoos u dhacada
• awoodda uu qofku wax isaga dhaadhicinayo
oo hoos u dhaca
• awoodda uu qofku hadalkiisa ku caddeeyo oo
saameyn ku timaado
• qofnimada, bashaashnimada iyo dabeedadda
oo is bedela.
Sida uu qof u qaado cudurka asaasaqiddu waxa
ay la kacdaa da’da. Hase yeeshee waa sheeko, in
uu cudurka asaasuqiddu yahay mid la socda
gabowga.
somalisk
Cudurka asaasaqiddu
waxa uu sanadkii
Denmark ku dhacaa
dad ku dhow 15.000
10 astaamood oo digniin ah
Xaashidan waxa lagu turjumay wadashaqaynta dowladda hoose ee Kobanheegan
Cudurka asaasaqa miyaa?
Taageer ururka
Alzheimer­foreningen
Ururka Alzheimerforeningen waa urur
madaxbannaan oo loogu talogalay dadka qaba
cudurka asaasaqidda iyo eheladooda. Waxa aanu
u shaqaynaa dhammaan dadka qaba cudurka
asaasaqidda – midkuu doono ha ahaadee.
Ku soo biir ama qaadhaan ku bixi
www.alzheimer.dk
La noolaw asaasiqidda
Ny Kongensgade 20, st. th. 1557 København K
Tilifoon +45 3940 0488 - mail [email protected]
www.alzheimer.dk
La noolaw asaasiqidda
arashada (isku wargeG
linta) wakhtiga iyo meesha oo la waayo
astaamodigniinood
Hoos u dhaca xusuusta
Waa wax caadi ah
... In la iloobo balan ama fariin mar dambe la
xasuusan lahaa.
Ma aha wax caadi ah
... In la iloobi meesha lagu socdo iyo qofkii
mar dhowayd lala hadlayay.
Adkaanshaha fulin hawl
adag oo la yaqaanno
Waa wax caadi ah
... In la iloobo in dabka lagu shido mishiinka
kaafiga, marka la samaynayo kaafiga.
Ma aha wax caadi ah
... In darmuuska (falaasta) la dul saaro gubaha
gaasta ama bilaydhka kariyaha ee korantada.
Dhibaatooyinka afka (luuqadda)
Waa wax caadi ah
... In mararka qaarkood dhibaato ka dhacdo
in la helo erayga saxa ah.
Ma aha wax caadi ah
... In erayo si toos ah loo iloobo oo lagu
bedelo erayo kale oo aan wax micno ah
samaynayn.
Waa wax caadi ah
... In khalad loo fahmo taariikhda ama aan
la heli karin dariiqa meelaha cusub.
Ma aha wax caadi ah
... In la meeraysto habeen iyo maalin ama
uu qof ka halaabo meel uu yaqaanno.
umaanta ama hoos u
X
dhaca awoodda xukunka
Waa wax caadi ah
... In aanu qofku qaadan dharka roobka –in
kasta oo ay roobabow tahay.
Ma aha wax caadi ah
... In la iloobo, in ay tahay jiilaal oo debedda
loogu baxo dharka xagaaga.
Dhibaatooyinka ka
fekerka waxa dahsoon
Waa wax caadi ah
... In dhibaato laga muto in la fahmo
micnaha maahmaah.
Ma aha wax caadi ah
... In maahmaahda loo fahmo eray.
Alaabta meelo khalad ah
Waa wax caadi ah
... In la hilmaamo, meelaha uu qofku
dhigay furayaashiisa ama muraayaddiisa.
Ma aha wax caadi ah
... In kaawiyadda lagu rido barafeeyaha ama
hilibka lagu rido khaanadda komodiinka.
Isbeddelka bashaashnimada iyo dabeecadda
Waa wax caadi ah
... In la niyad xumaado oo maalin aad u
xun lala kulmo.
Ma aha wax caadi ah
... In la yeesho bashaashnimo guurguurta, halkaas oo uu si cad sababl a’aan u
dhaco isbedelku wakhti ilaa wakhti kale.
Isbedelada qofnimo
Waa wax caadi ah
... In uhaysashooyinka iyo aragtiyuhu
isla bedeli karaan sanadada.
Ma aha wax caadi ah
... In uu qofku isu bedelo xoog iyo tusaale
ahaan uu dhakhso u noqdo mid isku
buuqsan, mushaki iyo cadhaysane.
Talokeennimo la’aan
Waa wax caadi ah
... In uu qofku la kulmo maalin aanu
hawlaha isu keeni karin.
Ma aha wax caadi ah
... In mar kasta la ahaado qof aan diiranayn, oo u baahan sheegid, dhiirigelin
iyo taageero uu ku bilaabo.
Garaac ama wac tilifoonka khadka asaasaqidda
(Demenslinien)