Date : 28/06/2012 21:14:00 : التاريخ Ref : AAW/52/10 : المرجع WAR SAXAAFADEED Ujeedo: Cadayn ku aadan Isfahamkii Soomaaliya iyo Kenya Dhexmaray Mudanayaal iyo Marwooyin Walalaahayga Soomaaliyeed Waxaan maanta doonayaa in aan si hufnaan leh idinla wadaago war soo noqnoqday oo si khaldan loo macneeyey ama loo baahiyey. Waxaan uga dan leeyahay qoraalkan in aan anigu is macneeyo intii cid kale i macnayn lahayd Waxaan maanta doonayaa in aan qoraalkan ku cadeeyo Isfaham aan magaca Xukuumadda KMG ah ku saxiixay xilligii aan ka tirsanaa. Isfahamkaas wuxuu la xariiray Continental Shelves. Waxaa halkaan ku soo gudbiyaa sida ay wax u dhaceen iyo wixii dhacay. Sideey wax u dhaceen Waxay ahayd 06 dii bishii April 2009 markii Golaha wasiirrada ee Soomaaliya u fariistay inuu ka doodo mashruucan oo uu soo jeediyey Wasiirkii Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee xilligaas Prof. C/raxmaan Ibbi. Wuxuu Golohu warbixin ka dhegeystay Khubaro ka socota Qaramada Midoobay iyo Dawladda Norway. Goluhu markii uu dhagaystay khubaradii wuxuu go’aan ku gaaray in la saxiixo Isfahamka, waxayna u gudbiyeen madaxweynaha oo wafdigii qaabilay, ogoladaayna in is Afgaradka la saxiixo. Waxaa xusid mudan in xubnaha Golaha Wasiirrada ay dhammaantood wada noolaayeen xiligaas, waxayna ahayd ka hor intii uusan dhicin qaraxii Shaamow iyo dilkii Cumar Xaashiba ka hor. Ma hubo in dhamaan 39ka xubnood oo Golaha Wasiirrada ay fadhigaas wada joogeen sababtoo ah aniga ruuxayga ma joogin fadhigaas oo waxaan ku sugnaa Nairobi anigoo ka imid markaa wadanka Botoswana oo aan shir kaga qaybgalay. Markii golihii wasiirradu go’aanka gaareen madaxweynihiina uu ku raacay ayaa Ra’iisuwasaarahii waqtigaa Cumar C/rashiid ila soo hadlay oo uu iga codsaday in aan isfahamka saxiixo, wuxuu kaloo ii sheegay in ay jirto muddo lama dhaafaan ah (deadline) oo 07.04.2009 la dhaafi karin oo ay suurtogal tahay in Soomaaliya ay seegto Continental Shelves-ka haddii aan isfaham jirin, kadibna wuxuu ii sharraxay siday wax u dhaceen. Waxaan waydiiyey haddii uu khubaro sharci yaqaan ah arrinka kala tashaday, wuxuu ii sheegay in nin Garyaqaan Soomaali ah, Garsoorana ka ah Maxkamada Caalamiga ah ee Huge lana yiraahdo C/qawi Yuusuf uu kala tashaday isafgaradka, taladiisiina ay ahayd in Address: KM 4, Madina Street, Mogadisho, Somalia | Tel: +25269900851 +252618525933 Email: [email protected] - [email protected] | website: www.aawarsame.com aysan waxba ka khaldanayn. Waxaan ka codsaday Ra’iisuwasaaraha inuu qoraal kasoo dhigo farriintan ama hawsha uu iga dalbayo inaan xukuumadda u qabto kaasoo halkan ku lifaaqan. Kuma ekaan halkaas waxaan Taleefan kula hadlay Madaxweyne Shariif oo aan waydiiyey sida wax yihiin wuxuu ii sheegay inuu wafdiga qaabilay kuna qancay in Isafgaradka la saxiixo. Qaar ka mid ah wasiiradii oo aan lasoo hadlay waxay ii sheegeen in ay ku qanceen sida wax u dhaceen. Markii aan waxaasoo dhan xaqiiqsaday ayaan saxiixay Isfahamka anigoo u wakiil ah xukuumadda. Markii aan Saxiixayna waxaa la horgeeyey Baarlamaanka oo diiday Isafgaradkii. Maxaa dhacay Waxa aan saxiixay waa Isfaham ee ma ahayn Heshiis, sababtoo ah waxaan aaminsanahay in heshiis uu u baahan yahay dawlad Soomaaliyeed oo buuxda oo awood sharci iyo karti ay dalka ku difaacdo leh. Tan kale Isafgaradka aan saxiixay wuxuu ka hadlayey Contenantal Shelves ee kama hadlaynin Sumadayn Xuduud inaga iyo Kenya innaga dhaxaysa oo taas waxaa ka hadli kara dawlad rasmi ah oo shacabka ogolaansho buuxda ka haysata, dawlad ku meelgaar ahna awood uma laha in ay arrin xuduud ka hadasho. Waxaan ku noqnoqday dhowrjeer oo aan aqriyey intii aanan saxiixin. Waxaan ku takhasusay sharciga inkastoo aanan takhasus u lahayn sharciga Badaha (Maritime Law), haatanna waxaan hubaa in aanan saxiixin wax xuduud Badeed ka hadlaya ama aan u arkayey inuu ku jiro khalad ay ka ilduufeen madaxdii kale ee aan kasoo hadlay mawqifkooda iyo wadahadalkii na dhex maray. Mudanayaal iyo Marwooyin, Walaalahayga sharafta leh, Waxaan idiin xaqiijinayaa in aan daqiiqad ku talagelin in aan wax Dalkayga iyo Dadkayga wax u dhimaya aan qayb ka noqdo, waxaana taas ka marqaati ah taariikhdayda. Waxaan sameeyey dadaal intii macquul ah in aan hubiyo waxa aan saxiixayo, waxaan la tashaday dad badan, waxaana markasta qirsanahay in aan bani’aadam ahay oo aan qaldami karo, xukuumaduna khaldami karto Baarlamaanka waxa loo sameeyey ay tahay inuu hubiyo go’aanada iyo tallaabooyinka xukuumada ay qaadayso, oo uu saxo wixii khalad ula muuqada, shacabka Soomaaliyeedna ay dalkooda iyo diintooda u taagan yihiin, oo ay diidi karaan wixii khaldan ama khalad u arkaan, laakiin waxaan hubaa inaanan aniguna u gelin siyaasadda wax dalkayga iyo dalkayga wax u dhimayo inaan u bareero, ismana lihi in xukuumaddii oo idil ay sidaa u bareeraysay. Isafgaradku ma sax buu ahaa mise khalad waa arrin aan u dhaafayno khubarada sharciga iyo dadka ku xeeldheer sharciga Badaha. Hadiise uu khalad ahaa waxaan diyaar u ahay in aan mas’uuliyada wax ka qaato waxaase mas’uuliyaddaas ila wadaaga Golaha Wasiirada ee Xukuumadii xilligaas jirtay iyo Madaxweynaha intaba, ma ahan mid aniga igu gaar ah sababtoo ah wuxuu ahaa go’aan si wadajir ah loo qaatay. Address: KM 4, Madina Street, Mogadisho, Somalia | Tel: +25269900851 +252618525933 Email: [email protected] - [email protected] | website: www.aawarsame.com Arrintaasna Goobo badan oo uu Ra’iisuwasaarihii iyo qaar ka mid wasiirrada fadhiyaan ayaan ka sheegay sida kulankii London jaaliyadda noogu qabteen . Laakiin, waxaa meesh ku jirin dacaayadda, been abuurka iyo sumcad dhaawicid. Sideedaba been abuurku waa Taariikh soo jireen ah oo lagu dhaawaco magaca iyo sumcada dadka bulshada maqaamka iyo miisaanka ku dhex leh. Waxaa Tusaale idinku filan in Nabiga (SCW) iyo Qoyskiisa Allaha ka raali noqdee lagula kacay been abuur oo dad fitno soo abaabuleen. Dacaayadaas oo shaki weyn iyo muran xoog leh Saxaabadii dhexgelisay ilaa Ilaaheey Quraan kasoo dejiyey. Waxaa been abuur kaas la mid lagula kacay Nabi Yuusuf (CS) oo shirqool loo maleegay iyo masabidasho. . Mudanayaal iyo Marwooyin, Walaalayaal Haddaba haddii aan sharraxaad ka bixiyey sidii wax u dhaceen iyo wixii dhacay waxaan filayaa in aad garawshiyo ka bixisaan. Waxaan ogohay in ay jiraan dad daacad ah oo si khalad ah wax loogu sheegay Qasadka fariintaydu waa in xaqiiqada si hufnaan ku jirto ula wadaago been fariinka laga sameeyey arrinka iyo dadka badan ee si xun wax loogu sheegay. Waxaan u mahadcelinayaa inta si sax ah arrinta u qeexday iyagoo ka duulaya xogta iyo aqoonta ay arrinta u leeyihiin oo qura ama ay u wehliso aqoonta ay u leeyihiin shakhsiyadayda, waxaana ka codsanayaa in ay sii wadaan. Waxaa kaloo cafis iga ah intii iyagoon wax hubsan ama si khalad ah wax loogu sheegay talaxtag sameeyey. Waxaan ku kalsoonahay sooyaalkayga Taariikheed iyo qiimaynta intii aan shaqo, waxbarasho, deegaan, iyo siyaabo kale ee nololeed isugu nimid. Ma doonayo in aan ku dheeraado arrinkan waxaanse uga gol lahaa in aan iftiimiyo mugdiga ku jira arrinkan, waxaana Ilaaheey ka rajaynayaa inuu Quluubteena isku soo dhoweeyo, cafiskiisa iyo naxariistiisana ina huwiyo, kuwii wax hubsada inta aysan wax xukmina naga dhigo. Ma h a d s a n a d i i n Address: KM 4, Madina Street, Mogadisho, Somalia | Tel: +25269900851 +252618525933 Email: [email protected] - [email protected] | website: www.aawarsame.com
© Copyright 2026 Paperzz