Xeerka Canshuurbixiyeyaasha Waxaad u baahan tahay inaad ogaato © Commonwealth of Australia 2010 WAA DAABACEY Shaqadani waa xuquuq xafidan. Ka sokow isticmaal kasta oo uu ogol yahay Sharciga Xuquuqda Xafidan 1968 (Copyright Act 1968), qaybna lagama lama badin karo iyadoo la adeegsanayo nidaam kasta iyadoon hore looga heysan ogolaansho qoraal ah Dawlada dhexe.Codsiyada iyo weydiimaha khuseeya badinta iyo xuquuqda waa in lagu soo hagaajiyaa Maamulka Xuquuqda xafidan ee Dawlada dhexe, Wasaaradda Xeer ilaaliyaha Guud, 3-5 National Circuit, Barton ACT 2600 ama la geliyo http://www.ag.gov.au/cca Xafiiska Canshuuraha Australia Canberra Juun 2010 NAT 2548SOM-06.2010 JS 17120 Horudhac Nidaamyada Superannuation-ka iyo cashuurta Australia waa hantida bulshada dhammaanteena waxaynu leenahay door aynu ka ciyaarno daryeelkooda iyo dayactirkoodaba. Nidaamyadan ayaa go’aamiya hab nololeedka aynu ku raaxeysano Australia gudaheeda. Xubnaha bulshada waxay ka ciyaaraan qaybtooda iyagoo fulinaya masuuliyadooda sharciyeed, oo ay ka mid tahay inay awoodaan isticmaalka faa’iidooyinka ay heli karaan. Maamuleyaal ahaan, doorkeenu waxaa weeye in la dhiso kalsoonida bulshada ee nidaamyadan oo dhiirigelinaya dadka inay sameeyaan wixii saxda ahaa. Si loo kobciyo kalsoonidaas, waxaan u baahan nahay inaan yeelano xiriir bulshada oo ku saleysan isxushmeyn iyo kalsoonaan labada dhinacba ah. Waxaana ku korineynaa xiriirkaas anagoo ahaaneyna kuwo: n Furfuran, muuqda oo lagala xisaabtami karo macaamilkeena bulshada n Aqoon yahan ahaan, caddaalad iyo kuwo jawaaba, anagoo tixgelineyna xaaladaha dadka iyo dabeecadihii hore ee ay raaci jireen n Oo iskudeyaya inaan sidii suurtogal ah oo sahlan uga dhigno dadku inay la yimaadaan waajibaadkooda n Taageerayaha kuwa doonaya inay si hagaagsan uga qaybgalaan nidaamyadan n Ku adkaanta kuwa iskudeyaya inay ka leexdaan waajibaadkooda, iyo waxku oolnimada in iyaga laga dhigo kuwo lala xisaabtamo. Xeerka Cashuurbixiyayaasha ( Heerka) wuxuu sharxayaa waxaan naga rajeyn karto sameyntooda, iyo waxaana naga go’an raacideeda dhammaan la macaamilkaaga. Horudhac Xeerka waxaa loogu talagay qof kasta oo nagala macaamila cashuur, superannuation, cashuurta la saaro alaabta qaarkeed iyo shuruucda kale ee aan maamulno. Wuxuu dajinayaa sidaan u dhaqano markaan kula macaamileyno. Wuxuu kaa caawinayaa inaad fahamto: n Waxaad naga rajeyn karto anaga n Xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga n Waxaad sameyn kartid haddii aadan ku qanacsaneyn. xuquuqdaada Waxaad naga rajeyn kartaa anaga: Inaan kuula dhaqano si caddaalad ah oo macquul ah 2 Inaan kuula dhaqano inaad daacad tahay inaad sida kale u dhaqanto mooyee 3 Inaan ku siino adeeg aqoon leh iyo caawimaad 4 Aqbalno inuu wakiil kaa noqon karo qof kii aad doonto iyo inaad tallo hesho 5 In la xushmeeyo arimahaaga gaarka ah 6 U xafidida macluumaadka aan kaa hayno si qarsoon 7 Inaad naga heli kartid macluumaadka aan kaa hayno 8 Kaa caawino inaad waxyaalaha saxdo 9 Inaan kuu sharaxno go’aamada aan kaa gaadhno 10 Inaan xushmeyno xaqaad u leedahay dib u eegida arintaada 11 Inaan xushmeyno xaqaad u leedahay inaan cabasho sameyso 12 In laguu sahlo si aad sharciga u raacdo 13 Inaad noqoto qof lala xisaabtami karo 14 Waajibaadkaaga 15 Xuquuqdaada SI LAGUULA DHAQMO SI CADDAALAD AH OO MACQUUL AH Waxaan: nKuula dhaqmi doona si sharaf, tixgelin iyo xushmadba leh nU dhaqan si leh dareen xoog leh iyo daacadnimo nSame dhexdhexaadnimo nXushmee oo og kala duwanaanta bulshada reer Australia nSame go’aamo loo siman yahay oo cadaalad ah marka sharciga la eego nU xali waxyaalaha aad saluudsan tahay , dhibaatooyinka ama cabashooyinka si cadaalad ah iyo sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. SAMEYNTA GO’AAMO LOO SIMAN YAHAY OO CADAALAD AH Waxaan u fulinaa sharciga si iskumid ah markaan gaadheyno go’aan ku saabsan arimahaaga. Si kastaba ha ahaatee, waanu ku dhageysaneynaa arimahaagana waanu tixgelineynaa haddii ay khuseeyaan go’aanka sharciguna noo ogol yahay. Wixii macluumaad dheeraad ah, gal website ah www.ato.gov.au oo raadi ‘Kuula maacmilada si cadaalad leh iyo macquulnimo’. 2 Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid Xuquuqdaada KUULA DHAQMIDA INAAD DAACAD TAHAY ILAA AAD SAMEYSO WAX KALE MOOYEE Waxaan qaadaneynaa inaad runta noo sheegeyso iyo macluumaadka aad na siisey uu dhammeystiran yahay oo uu sax yahay ilaa ay jirto sabab naga dhigeysa inaan u fekerno sida kale. Guud ahaan, waxaan diyaarinaa macluumaadka aad u baahan tahay si aad u dalbato waxaad xaq u leedahay iyo inaad fuliso waajibaadkaaga, ka dib waxaad na siineysaa macluumaadkaas anaga. Iyadoo ku saleysan macluumaadkan, waxaad helaysaa ama bixineysaa lacag. Waxaan aqoonsanay in dadku marmarka qaarkood ay sameeyaan khaladaad. Waxaan kala saarnaa khaladaadka iyo falalka ula kaca ah. Haddii aad khalad sameysid, waxaan ku siineynaa fursad aad ku sharaxdo. Waanu ku dhageysaneynaa kadibna waxaan tixgelineynaa sharaxaadaada. Waxaa naga saaran masuuliyad bulshada si aan u hubino in qof waliba uu raaco sharciga aan maamulno. Shuruucdan waxay na siineynayaan wakhti uun aan dib u eegno macluumaadka aad na siisey. Dib u eegida macluumaadkaaga micnihiisu ma aha inaan u malaynayno inaad dahay qof aan daacad ahayn, laakiinse haddii aan helno waxyaalo kala duwan, waxaan qaadnaa tallaabo daba gelid ah. Wixii macluumaad dheeraad ah, gal website keena ah www.ato.gov.au oo raadi ‘Kuula macaamilada si cadaalad leh’. Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid 3 Xuquuqdaada SIINTAADA ADEEG IYO CAAWIMAAD XIRFADYAQAANIMO Si aan tan usameyno, waxaan: nkaa caawinaa inaad fahamto xuquuqdaada iyo waxyaalaha aad xaqa u leedahay markaad nala macaamileyso nku siineynaa magacyadayada Xaalado aad u kooban dhexdooda – meesha ammaanku uu arin- waxaa laga yaabaa inaan ku siino nooc kale oo aqoonsi ah. Xaallado badan waxaan isku kaabareynaa magacayaga koowaad. Si kasta ha ahaatee, meeshii aan bilowno inaan kula xiriirno – tusaale, si aan u jeegareyno macluumaad aad na siisey- ama haddii aad si khaas ah naloo weydiiyo waxaan bixinaa magacyada oo buuxa. nWaxaan ku siineynaa faahfaahinta xiriirka si aad u hesho macluumaad dheeraad ah haddii aad u baahato, laakiinse haddii aad qabto weydiin ka sii adag, waxaan kula xiriirsiineynaa qof ku caawin kara nWaxaana kugu soo noqoneynaa markii aan nidhaahno waan kugu soo noqoneynaa, laakiinse aanan isla markiiba ku caawin Karin, waxaan kaa qaadaneynaa faahfaahinta xiriirkaaga dibaana kuugu soo noqoneynaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah nWaxaan u qasdeynaa inaan kaa siino jawaabo wakhtiyeysan weydiimahaaga iyo codsiyadaabada nWaxaan ka cudurdaaraneynaa khaladaadkeena waxaana u xalineynaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah nWaxaan iskudeyeynaa inaan ku isticmaalno luuqad cad oo fasaax ah macluumaadka daabacan iyo markaan kula hadleyno ama wax kuu soo qorno nWaxaan kugu siineynaa waxoogaa ka mid ah macluumaadkeena luuqado aan ahayn Ingiriis ee ku jira website keena ah www.ato.gov.au nWaxaan ku siineynaa tallo iyo macluumaad si fulineysa baahidaada meeshii suurtogal ah, oo ay ka mid tahay isticmaalka adeegyada sida Adeega Turjumaada Afka iyo Qoraalka, Adeega Ugudbinta Qaranka ( ee loogu talagalay dadka dhegaha , ama maqalka ama hadalka wax ka qaba ama dhiman) iyo Aborjuniiska iyo xarunta Islander ka. 4 Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid Xuquuqdaada AQBALAADA INUU KU METELO QOFKII AAD DOORATO IYO INAAD TALLO HESHO Waxaad caawimaad ku heli kartaa arimahaaga iyo la macaamilkayagaba. Waxaad heli kartaa dad kala duwan oo nagala macaamila arimo kala duwan. Caawimaada waxaa laga yaabaa inay ka mid tahay diyaaritna xisaab-celinta canshuurta, qoraalada Bas ka iyo diidmada qiimeynta; iyo tallo ka helida ku saabsan arimahaaga. Waa inaad noo sheegtaa haddii aad dooneysid is meteshid ama aad nagala hadashid arimahaaga anaga. Xaaladaha badidooda waxaad dooran kartaa qofkii aad doonto inuu ku caawiyo laakiinse sharciyada ayaa dejiya ciddii ujro lacageed ka qaadi karta markay qabtaan caawimaadaan. Guud ahaan, wakiilka canshuurta ee diiwaangashan ama wakiilka BAS ka (wakiilka diiwaangashan) ayaa kugu dalaci kara ujro lacageed bixinta adeegyada wakiilka cashuurta. Guddiga Dadka Cashuuraha ka shaqeeya waxay masuul ka yihiin sharci u sameynta bixinta adeegyada wakiilka cashuurta diiwaangashan. Wixii macluumaad dheeraad ah, oo ay ka mid yihiin waxa ay dabooleyso ‘adeegyada wakiilka cashuurta diiwaangashan’ gal website ka Tax Practioners Board ee ah www.tpb.gov.au Waxaad weli masuul ka tahay xaqiiqda macluumaadka aad na siiso, xitaa haddii qof kale oo ay ka mid yihiin wakiilka cashuurta diiwaangashan, uu kaa caawiyo diyaarinta xisaabcelinta cashuurta ama dukumiintiyada kale ee cashuurta. Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid 5 Xuquuqdaada XUSHMADEYNTA ARIMAHAAGA GAARKA AH Anagoo sharciga maamuleyna, waxaan ururinaa macluumaad kugu saabsan. Waxaa laga yaabaa inaan macluumaadkan adiga ka helno ama dhinacyo kale. Waa inaan xushmeynaa arimahaaga gaarka ah oo aan u xafidnaa macluumaadkaaga si qarsoon. Xaaladaha qaarkood, sharciga ayaa noo logolaanaya inaan siino macluumaadkaaga kuwo kale iyadoo loogu talagalay ujeedooyin khaas ah. Haddii aad u maleynayso in arimahaaga gaarka ah ama qarsoonaanta macluumaadkaaga cashuurta in la jebiyey sababtoo ah facilkayaga awgii, tallaabadaada ugu horeysaa waxay noqoneysaa inaad isku deydo la xalinta sarkaalka cashuurta ee aad la macaamileysay (ama lambarka taleefanka ee lagu siiyey). Haddii aadan ku qancin, la hadal maareeyaha sarkaalka cashuurta. Haddii aadan weli ku qancin, waxaad sameyn kartaa cabasho ( eeg ‘Xushmeynta xaqaada si aad cabasho u sameyso’ bogga 12 naad. KUMASAARIYAHA ARIMAHA GAARKA AH IHaddii aadan ku qancin si maamuley cabashadaadii, Kumasaariyaha Arimaha gaarka ah ayaa laga yaabaa inuu ku caawiyo. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Kumasaariyaha Arimaha gaarka waxaa laga helayaa website keena ah www.privacy. gov.au ama waxaad taleefan u diri kartaa 1300 363 992. Wixii macluumaad dheeraad ah, gal webstie keena ah www.ato.gov.au oo raadi ‘Xushmeynta arimahaaga gaarka ah iyo qarsoodigaaga’. 6 Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid Xuquuqdaada U XAFIDIDA MACLUUMAADKA AAN KAA HEYNO SI QARSOON Sharciyada cashuurtu waxay leeyihiin waxyaalo ka hadlaya sirta ku saabsan isticmaalka iyo bixinta macluumaadkaaga. Waxaan eegi karnaa oo keliya, diiwaangelin karnaa, ama ka hadli karnaa ama bixin karnaa macluumaadka adiga kugu saabsan marka ay lagama maarmaan u tahay qayb ka mid ah shaqadeena ama meesha sharcigu tilmaamo inaano sameyno. Sababaha ugu caamsan ee lagu bixin karaa macluumaadkaaga waxaa weeye jeegareynta xaq u yeelashadaada lacagta dawlada iyo sababaha dhaqangelinta sharciga. Haddii aan nala soo xiriirto si aad noogalaha hadasho arimahaaga, waa inaad heysataa caddeynta aqoonsigaaga. Tan ayaa hubineysa in macluumaadkaaga shakhsiyeed in adiga keliya lagu siiyey, ama qof tusi kara in loo ogol yahay inuu ku metelo. Tusaale, haddii aad taleefan noo soo dirto, waad caddeyn kartaa aqoonsigaaga adoo sheegaya taariikhda dhalashadaada, cinwaankaaga ( sidii hore naloogu sheegay) iyo macluumaadka Ogaysiinta ay soo-dirtay ATO. Macluumaadka kale ayaa sidoo kale loo isticmaali karaa caddeyn ahaan, iyadoo ku xiran xaaladahaaga. Wixii macluumaad dheeraad ah, gal website keena ah www.ato.gov.au oo raadinaya ‘Xushmadeynta arimahaaga gaarka ah iyo qarsoodinimada’. Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid 7 Xuquuqdaada KU-SIINTAADA HELITAANKA MACLUUMAADKA AAN KAA HAYNO Sharciga Xoriyada Macluumaadka ee 1982 (Freedom of Information Act 1982) wuxuu xaq kuu siinayaa inaad hesho macluumaad kugu saabsan ee dukumiintaga aan heyno. Waxaad sidoo kale heli kartaa dukumiintiyada naga caawiya inaan go’aan gaarno, sida xukunka dadweynaha, Hab-raacyada iyo tilmaan-bixinaha ATO. Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad na weydiiso inaan bedelno macluumaad shakhsiyeed oo aan adiga kaa heyno haddii aad u maleynaysid macluumaadku ma dhameystirna, khalad, inuu dhacay ama uu jahawareer leeyahay. Waxaa laga yaabaa inaan diidno inaad hesho dukumiinti sababtoo ah waa dukumiinti laga soo reebayo – tusaale, meesha bixintiisu ay dhib u keeneyso baaritaan ama si fiican u maamulida sharciga. Kharashka codsiyada macluumaadka xoriyada waxaa dejiya sharciga. Haddii aad dooneysid inaad hesho wax ka mid dukumiintigeena, waa inaad nala soo xiriirtaa marka hore. Waxaan ku siin karnaa nuqulo ka mid ah qaar dukumiintiyada sida caamka ah loo soo codsado adigoon sameyn codsiga macluumaadka xoriyada. Tusaale, waxaan kaa siin karnaa nuqul qiimeyntaadii ogeysiisyada ee dhawaa, oo bilaash ah. Waxaan sidoo kale ku siin karnaa nuqulada mid kasta oo ka mid ah xisaab xirkaagii cashuurta ee dhawaa, inkastoo laga yaabo in tan ujro yar oo lacag ah lagaa qaadayo. Wixii macluumaad dheeraad ah, gal website keena ah www.ato.gov.au aoo raadinaya ‘ku helida macluumaadka Sharciga Xoriyada Macluumaadka’. 8 Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid Xuquuqdaada KAA CAAWINTA INAAD WAXYAALAHA SAXDO Waxaan qasdeynaa inaan bixino macluumaad cad oo iskumid ah si aan kaaga caawino inaad fahamto xuquuqdaada iyo waxyaalahaad xaq u leedahay iyo waajibaadkaaga. Macluumaadkeenu wuxuu u dhaxeeyaa macluumaadka daabacan ee ku saabsan si sharcigu badanaa u qabto si uu tallo kaaga siiyo shakhsi ahaan sida sharcigu uu u khuseeyo xaaladahaaga. Haddii aad u maleynayso in macluumaadka daabacan inuusan si buuxda u dabooleynin xaaladahaaga, ama aadan hubin sida uu kuu khuseeyo, nala soo xiriir waanu ku caawineynaa si aad uga shaqeyso waxa ugu haboonaanta badan baahidaada. HADDII MACLUUMAADKEENU UUSAN SAX AHAYN AMA MARIN HABAABIN LEEYAHAY Haddii aad raacdo macluumaadkeena oo uu noqdo mid aan sax ahayn, ama uu wax marin habaaninayo oo aad kaas awgii aad khalad sameyso, taas waanu tixgelineynaa markaan go’aamineyno tallaabada aan qaadayno, haddii ay wax jiraan, anaga ama adigu aad qaadeysaan. SIDII AAD U HELI LAHAYD MACLUUMAADKEENA Waxaad ka heli kartaa macluumaad website keena ah www.ato.gov.au ama waxaa boosta laguu soo dhigi karaa waraaqaha daabacan. Waxaad sidoo noo soo qori kartaawarqad ama taleefan nagula soo hadal. Wixii macluumaad dheeraad ah, gal webstie keena ah www.ato.gov.au oo raadi ‘Kaa caawinta inaad waxyaalaha saxdo’. Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid 9 Xuquuqdaada SHARXIDA GO’AAMADA AAN KAA GAADHNO Markii aan arimahaaga ka gaadhno go’aan, waanu kuu sharxeynaa go’aankaas. Waxaan sidoo kale ku siineynaa lambar xiriir ee qofka ama goobta ATO ee maamuleysa kiiskaaga. Waxaan iskudeynaa inaan u sharaxno go’aamadeena si cad. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad su’aalo qabtid, ama aad u maleynaysid inaan khalad sameynay ama inaan ku siin sabab wanaagsan oo ku filan go’aankayaga, nagala soo xiriir lambarka taleefanka aanu ku siinay. Guud ahaan, waxaan ku sharaxnaa go’aankeena qoraal. Haddii aan go’aankeena kaa siino afka, waxaan sidoo kale ku siineynaa sharaxaada isla wakhtigaas. Xaalado aad u xaddidan qaarkood, ma awoodi doono inaan u sharaxno go’aankeena si buuxda, inkastoo aanu weli ku siin doono macluumaadka ugu badan ee aan awoodno. Tusaale: nHaddii qof kale ku lug leeyahay, bixinta macluumaadka ku saabsan go’aankeena waxaa laga yaabaa inuu jebiyo arimaha hooda gaarka ah ama waxyaalaha sirta ah ee shuruucda cashuuraha nHaddii aan ka shakino lacag lunsi, ma bixin karno macluumaadka sababtoo ah waxaa laga yaabaa inuu waxyeelo baadhitaankeena. Iyadoo loo eegayo Go’aamada Maamulka Sharciga 1977(Dib u eegida Maxkamadaha) ADJR) (Administrative Decisions (Judicial Review) Act 1977 (ADJR)), waxaad xaq u leedahay inaad hesho qoraal bilaash ah oo qoraya sababaha go’aamada qaarkood ee aan ka sameyno arimahaaga cashuur celinta. Sharciga ma daboolo dhammaan go’aamada waxaana jira qaar waxyaalo laga soo reebayo- tusaale go’aamada qiimeynaha. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan ADJR, gal website keena ah www.ato.gov.au oo raadi ‘La xisaabtamida iyo Dib u eegida Go’aamada’. Waxaad u baahan doontaa inaad doorato sanduuqa ‘database sharciga ah’ ee ka hooseeya meesha wax raadinta. 10 Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid Xuquuqdaada XUSHMEYNTA XAQAAD U LEEDAHAY DIB U EEGIDA Markaan ku siino go’aan ku saabsan arimahaaga, waxaan kuu sharxeynaa sidii aad ku heli lahayd in go’aanka dib loo eego waxaana kuu sheegeynaa haddii uu jiro xaddidaad wakhtiyeed. Haddii ay jiraan dhawr fursadood oo dib u eegid, waxaan sharaxnaa siday kuwani ku kala duwan yihiin. Tusaale, qaar ka mid ah dib u eedigu waxay eegaan sharciga iyo kuwa kalena waxay ku lug leeyihiin jeegareynta inaan raacney nidaamka saxda ah ee gaareitaankeena go’aankan. Waxaan iskudeyi doona inaan xalino dhibaatooyin kasta sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Haddii aan khalad sameynay, waxaan dooneynaa inaan ku saxno isagoo ku kacaya kharashka ugu yar labadeenaba. Haddii aad dooneysid inaan dib u eegno go’aan, isticmaal faahfaahinta xiriirka ee aan bixino si aad ula xiriirto qofka ama goobta ATO ee maamuleysa kiiskaaga. Dib u eegida uu sameeyo sarkaal cashuureed ee aan sameyn go’aankii hore. Xaalado badan, haddii aadan ogolaan go’aankeena dib u eegida waxaad weydiisan kartaa dib u eegid madax bannaan, oo bannaanka ah. Go’aamada qaarkood waxaad yeelan doontaa go’aanka ah inaad ka dalbato Maxkamada Racfaanka Maamulka wixii dib u eegid ah ama racfaan Maxkamada Dawlada dhexe. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan xaqaad u leedahay in dib u eegida, gal website keena ah www.ato.gov.au oo raadi ‘Xuquuqda dib u eegida’. MAG-DHOW Xaaladaha qaarkood, waxaa laga yaabaa inaad xaq u yeelato in lagu siiyo magdhow. Haddii aad dareemeyso in falalkeenu ay si toos ah kugu sababeen inaad gasho khasaare lacageed, la xiriir khadka taleefankeena caawimaada magdhowga ee bilaashka ah 1800 005 172. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan magdhowga marka laga yaabo in la helayo, gal website keena ah www.ato.gov.au oo raadi ‘Magdhow’. Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid 11 Xuquuqdaada XUSHMEYNTA XAQAAGA AAD KU SAMEYN KARTO CABASHO Haddii aadan ku qanacsaneyn go’aankeena, adeega ama falalka, waxaad xaq u leedahay inaad sameyso cabasho. Waxaan ku talineynaa in: nAad marka hore iskudeydo inaad la xaliso dhibaatadaada sarkaalka cashuurta ee aad la macaamileysay ( ama lambarka taleefanka ee lagu siiyey) nHaddii aadan ku qancin, ama haddii ay kugu adkaato inaad arinta la soo qaado sarkaalka cashuurta, la hadal maareeyaha sarkaalka cashuurta nHaddii aadan ku qanacsaneyn sida cabashadaada loo maamuley , taleefan u dir khadkeena taleefanka cabashada ee 1800 199 010. Waxaad sidoo kale sameyn kartaa cabasho adoo: nInterneetka ka xareynaya foomka cabashada – gal website keena ah www.ato.gov. au oo raadi ‘Cabasho’ nAdoo noogu soo diraya fakis bilaash ah 1800 060 063 nAdoo warqad noo soo qoraya ATO Complaints PO Box 1271 ALBURY NSW 2640 Waxaan ula macaamilnaa cabashooyinka si daran. Haddii aad noola timaado dhibaatooyin ama cabashooyin, waxaan iskudeyi doona inaan u xalino sida ugu dhakhsaha badan oo cadaalad ah. Cabashooyinka sidoo kale waxay na siiyaan natiijocelin muhiim ah waxayna naga caawiyaan inaan ogaano sidii aan ku hagaajin lahayn adeegeena. OMBUDSMAN DAWLADA DHEXE Haddii aad cabasho leedahay, waa inaad iskudeydaa inaad anaga nala xaliso marka hore. Haddii aadan awoodin ama haddii aadan ku qanacsaneyn sida aan u maareynay cabashadaada, Ombudsman ka dawlada dhexe waxaa laga yaabaa inuu ku caawiyo. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Ombudsman ka waxaa laga helayaa website keena ah www.ombudsman.gov.au ama waxaad soo diri kartaa taleefan 1300 362 072. Wixii macluumaad dheeraad ah, gal website keena ah www.ato.gov.au oo raadi ‘Cabasho’. 12 Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid Xuquuqdaada KUU FUDUDEYNTAADA INAAD KU DHAQANTO Waxaan iskudeyeynaa in la macaamilkayagu oo ahaado mid toos ah oo haboon ilaa intii suurtogal ah anagoo: nIyadoo laguu fududeynayo adiga si aad u fahamto waajibaadkaaga iyo sidii aad u fulin lahayd nIyadoo laguu raqiisinayo inaad raacdo iyadoo la yareynayo inta shaqo ah ee lagaa rabo, wakhtiga iyo tamarta ku lug lehba nIyadoo la soo saarayo alaab iyo adeegyo micne kuu sameynaya oo ku haboon nidaamyada aad maalin walba isticmaasho. Si aad tan ugu sameyso si wax ku ool ah waxaan: nsi joogta ah ula tashanaa bulshada nogolaanaa in bulshadu ku lug yeelato qaabeynta alaabta iyo adeegyadayada nwaxaan ku tijaabinaa adeegyada iyo alaabta noocooda dadka isticmaali doona. Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid 13 Xuquuqdaada INAAN NOQONO KUWO LALA XISAABTAMI KARO Waxaan u qaadnaa baahida ah in nanala xisaabtamo oo aan fulino waxyaalihii naga go’naa sameyntooda ee xeerkan gudihiisa si aad u daran. Markaan sameyno go’aan ku saabsan arimahaaga, waxaanu sharaxnaa go’aankaas oo aan kuu sheegnaa xuquuqdaada iyo waajibaadka la xiriira. Waxaan sidoo kale ku siineynaa faahfaahinta xiriirka haddii aad qabto wax weydiimo ah ama aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah. Haddii aanan arinta si dhakhsaha u xalin Karin waxaan kula soo socodsiineynaa horumarkeena. Waxaan qaadnaa dhammaan tallaabooyinka macquulka ah ee aan ku arki karno arimo intaan wax xalineyno. Waxaan ku daabacnaa adeegeena ( wakhtiga) heerarkiisa iyo waxqabad aan ku shaqeyno website keena ah www.ato.gov.au Waxaan la wadaagnaa faahfaahinta dadweynaha ee ku saabsan arimaha aan wajaheyno iyo natiijada falalkeena. Waxaan la tashanaa bulshada si loo cabiro aqoon xirfadeedkeena iyo sida ugu fiican ee aan qabaneyno waxyaalaha naga go’an inaan sameyno ee xeerkan ku qoran. Waxaa nala xisaabtama Baarlamaanka iyo bulshada Australia. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga, gal website keena ah www.ato.gov.au oo raadi ‘Xeerka’. Haddii aad qabto wax su’aalo ah ama faallo ku saabsan xeerka, waxaad noogu soo diri kartaa iimeyl [email protected] 14 Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid Waajibaadkaaga Waxaan ka rajeynaynaa inaad: Aad noqoto mid run badan Aad xafido diiwaanka loo baahan yahay Aad qaado taxadarka macquulka ah Aad ku soo xareyso wakhtigii loogu talagalay Aad ku bixiso wakhtiga la rabo Aad noqoto qof wada shaqeyn leh 16 16 16 17 17 17 Waajibaadkaaga RUN BADNIDU Nidaamyada superannuation ka iyo cashuuruhu waxay ku saleysan yihiin inaad adigu bixiso macluumaad sax ah oo dhammeystiran. Taas waxaa ku jira: nKu bixinta macluumaad sax ah xisaab celinta cashuurtaada, Qoraalka BAS ka iyo dukumiintiyada kale nBixinta xaqiiqaha dhabta ah iyo xaaladaha markaad tallo soo doonato nUga jawaabida su’aalaha si dhammeystiran, oo sax ah iyo daacadba. Wixii macluumaad dheeraad ah, gal website keena ah www.ato.gov.au oo raadi ‘Kuula macaamilida sidii qof daacad ah’. XAFIDIDA DIIWAANKA LOO BAAHAN YAHAY Sharcigu wuxuu dejiyaa diiwaanka lagaa rabo inaad xafido. Xafidida diiwaankaaga wuxuu kuu ogolaanayaa inaad xisaab xirkaada cashuur celinta si sax ah u sameysid, qoraalka BAS ka iyo dukumiintiga kale iyo sidoo kale inay kaa caawiso la socodka dhammaan arimahaaga lacageed. Guud ahaan, diiwaankaaga waa inuu ahaadaa Ingiriis waana inaad heysaa shan sanno. Waxaan ku soo daabacnaa macluumaad kala duwan oo ku saabsan u xafidida diiwaanka xaalado kala duwan. Haddii aad jeclaan lahayd macluumaad dheeraad ah, gal website keena ah www.ato.gov.au ama nala soo xiriir. QAADASHADA TAXADAR MACQUUL AH Waa inaad qaadaa taxadar macquul ah oo ah inaad bixiso macluumaad sax ah oo dhammeystiran xisaab xirka cashuur celintaada, qoraalka BAS-ka iyo dukumiintiga kale. Tan micnaheedu waxaa weeye waa inaad qaadaa inta taxadar ah ee qof macquul ah oo xaaladaada oo kale ku jiraa uu sameyn lahaa si uu u fuliyo waajibaadkiisa. Waxaad masuul ka tahay arimahaaga xitaa haddii qof kale, oo uu ku jiro wakiilka cashuurta ee diiwaangashan uu ku caawiyo. Wixii macluumaad dheeraad ah, gal website keena ah www.ato.gov.au oo raadi ‘Kuula macaamilida sidii qof daacad ah’. 16 Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid Waajibaadkaaga XAREYNTA TAARIIKHDA LOOGU TALAGALAY Xisaab xirka cashuur celinta, qoraalka BAS ka iyo tiro dukumiintiyo kale ah iyo macluumaadka waa in lagu xareeyaa taariikh loogu talagalay. Haddii aad kala kulmeysid dhibaato taariikhahan, nala soo xiriir ka hor inta dukumiintiga ama macluumaadka wakhtigii la rabay la gaadhin. Iyadoo ku saleysan xaaladahaaga, waxaa laga yaabaa inaan ku siino wakhti dheeraad ah oo aad ku soo xareyso. Xitaa haddii aadan bixin karin lacagta lagugu leeyahay weli waa inaad ku soo xareysaa xisaab xirka cashuur celintaada ama Qoraalka BAS ka wakhtigoodii. Waxaa laga yaabaa inaan kuu ogolaano wakhti dheeraad ah oo aad ku bixiso (eeg ‘Ku bixinta wakhtigii loogu talagalay’). Waxaa laga yaabaa in ciqaabo lagu saaro haddii aadan wakhtigii ku soo xareyn. KU BIXINTA WAKHTIGII LOOGU TALAGALAY Waa inaad ku bixisaa cashuuraha iyo lacagaha kale ee aad qabtid wakhtiga loogu talalgalay. Haddii ay dhib kaa heysato inaad tan sameyso, nala soo xiriir sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah – nagoo doorbideyna intaan la gaadhin wakhtigii la rabay – si aan uga wada hadalno xaaladaada. Waxaa laga yaabaa inay suurtogal tahay in wakhti dheeraad ah lagu siiyo iyadoo lagugu dalicin dulsaar ama inaan kawada hadalno hab aad si yar si yar ugu bixineyso. Haddii aan galno habkaan, caadi ahaan waxaad bixineysaa dulsaar ah la daahida. NOQOSHADA MID LALA SHAQEYN KARO Waxaan doorbideynaa inaan kuula shaqeyno si iskaashi leh, anagoo ku siineyna caawimaad si aad ugu fuliso waajibaadkaaga si iskaa ah. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad tahay qof aan lala shaqeyn Karin ama shaqada hor istaagaya waxaa laga yaabaa inaan qaadno tallaabo ka sii adag. Tusaale, waxaan leenahay awoodo isticmaal toos ah oo aan ku ururin karno macluumaad oo aan isticmaalno haddii ay lagama maarmaan noqoto. Dadka shaqada hor istaaga waxaa xitaa laga yaabaa in maxkamad la taago. Waxaan ku weydiisaneynaa inaad nagula macaamisho isku xushmad, tixgelin iyo sharfida nalaga rajeynayo inaan ku siino. Haddii nala geliyo dabeecad edeb daran ama waxyeelo leh, waxaa laga yaabaa inaan joojino wareysiga ama wecitaanka taleefanka. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga, gal website keena ah www.ato.gov.au oo raadi ‘Xeerka’. Haddii aad qabto wax su’aalo ah ama faallo ku saabsan xeerka, waxaad noogu soo diri kartaa iimeyl ka ah [email protected] Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid 17 Waajibaadkaaga MACLUUMAAD DHEERAAD AH Waxaan bixinaa macluumaad fara badan oo ku saabsan supernnuation ka iyo cashuurta. Waxaad awoodaa: nInaad gasho website keena ah www.ato.gov.au nSoo wac khadadka caawimaada taleefankeena ( 24 saac maalintii, 7 maalmood toddobaadkii) – Caawimaad shakhsiyeed 13 28 65 – Caawimaada ganacsiyeed 13 72 26 nIsticmaal lamabarada hoose (8.00subaxnimo – 6.00galabnimo, Isniinta ilaa Jimcaha) si aad noola soo hadasho – Shakhsiyeed 13 28 61 – Ganacsi 13 28 66 – Supernnuation 13 10 20 – Deeqaha shidaalka 1300 657 162 – Xarunta Aborjuniiska iyo Islander 13 10 30 Haddii aadan Ingiriiska si fiican ugu hadlin oo aad nooga baahan tahay caawimaad anaga, taleefan u dir Adeega Turjumaada afka iyo qoraalka 13 14 50. Haddii aad dhega la’dahay, ama aad qabto waxyeelada maqalka ama hadalka , naga soo wac Adeega Gudbinta Qaranka ee (NRS) lambarada hoos ku qoran: nIsticmaalayaasha TTY, taleefan u dir 13 36 77 weydiina lambarka ATO ee aad u baahan tahay nHadal oo dhageyso ( hadal hadal u gudbinta) taleefan 1300 555 727 weydiina taleefanka ATO ee aad u baahan tahay nIsticmaalayaasha gudbinta interneetka, kala xiriira NRS www.relayservice.com.au oo weydiiya lambarka ATO ee aad u baahan tihiin. Taleefanada gurigaaga aad ka soo wacdo ee 13/1300 ee meel kasta oo Australia ka mid ah waxaa lagugu dalacayaa qadar lacageed oo go’an. Waxaa laga yaabaa qadarkaa lacagta ahi uu isbedelo marka loo eego adeeg bixiyayaasha taleefanada. Wicitaanada lambarada 1800 ee taleefanka gurigaaga waa bilaash. Wecitaanada taleefanka dadweynaha iyo taleefanka gacanta waxaa laga yaabaa in la wakhtiyeeyo oo lagugu dalaco qadar lacag ah oo ka sareeya. 18 Xeerka cashuur bixiyaha waxaad u baahan tahay inaad ogaatid NAT 2548SOM-06.2010
© Copyright 2026 Paperzz