Somali - SEIU Local 925

HESHIISKA
GOR-GORO
WADAREEDDA
OO DHEXMARAY
GOBOLKA WASHINGTON
IYO
URURKA SHAQAALAHA
CAALAMIGA AH EE XAFIISKA 925
LAGA BILAABO
1 LUULYO 2015 ILAA 30 JUUNYO 2017
2015-2017
SEIU XAFIISKA 925 SHAQAALAHA XANNAANNADA CARRUURTA
1 LUULYO 2015 – 30 JUUNYO 2017
QODOBKA
CINWAANKA
BOGGA
GOGOLDHIG
QODOBKA 1
1.1
1.2
AQOONSIGA URURKA SHAQAALAHA
Aqoonsiga Ururka Shaqaalaha
Midnimada Kooxda Heshiiska
1
1
1
QODOBKA 2
MIDABTAKOOR LA’AAN
1
QODOBKA 3
3.1
3.2
3.3
3.4
3.5
3.6
XUQUUQDA WAALIDKA/MASUULKA
Yaa Noqon Kara Waalid/Masuul
Xuquuqda Waalidka/Masuulka
Macluumaadka Khuseeya Waalidka/Masuulka
Sida Loo Xafidayo Xogta Waalidka/Masuulka
Xuquuqda Aan Marna La Is Duudsiin Karin
Waalidka/Masuulka Aan Cabasho Sameyn Karin
1
1
2
2
2
2
2
QODOBKA 4
4.1
4.2
4.3
4.4
4.5
4.6
4.7
4.8
4.9
XUQUUQDA URURKA SHAQAALAHA
Gaar ahaanshaha Ururka Shaqaalaha
Hawlaha Ururka Shaqaalaha
Wakiillada Ururka Shaqaalaha
Dhexdhexaadnimo
Liiska
Wacyigelinta Ururka Shaqaalaha
Ogeysiisyo
Is-gaarsiinta ka dhaxeeyo labada dhinac
Soo saarka heshiiska
3
3
3
3
3
3
4
5
5
5
QODOBKA 5
XUBIN KA NOQOSHADA IYO HOOS U DHIGGA KHARASHKA
IYO TABARUUCYADA
6
Xubinimada Ururka shaqaala
Dhibaato La’aan Iyo Waxyeello La’aan
Lacagta La gooyo
Dokumentiyada Bixiyayaasha
Hirgelinta Kharashka
6
6
6
7
7
5.1
5.2
5.3
5.4
5.5
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
Bogga 1 ee 4
QODOBKA 6
6.1
6.2
6.3
NIDAAMKA DACWADA
Sida Loo Xallinayo Khilaafaadka
Qeexid
Nidaamka Dacwada
Mushaarka Caadiga ah iyo Mushaarka Dheeraadka ah
7
7
7
9
11
6.4
Shati-u-helidda iyo Arrimaha Sharciyada
12
QODOBKA 7
7.1
SHIRARKA GUDDIGA SHAQAALAHA/MAAMULKA
Guddiga Maamulka Shaqaalaha
12
12
QODOBKA 8
8.1
8.2
8.3
8.4
8.5
SHURUUDAHA LA ISKA RABO
Dakhliga oo La Soo Caddeeyo
Lama Oggola Shaqo-joojin Iyo In Shaqada Irridaha Loo Laabo
Dukumiintiga Qofka Shaqaalaha ah:
Waraaqaha oo La Turjumo iyo in Turjubaan La Diyaarsho
Xuquuqda Shaqaalaha
12
12
12
13
13
14
QODOBKA 9
9.1
9.2
9.3
MUSHAAR-BIXINTA
Mushaarka oo Aan Soo Daahin iyo ikhtiyaakra Cadhbuunta
Mushaarka oo Lagu Saleeyo Shaqadii La Qabtay
14
14
14
15
9.4
9.5
9.6
9.7
Dhammaadka Taariikh Xusuusiyaha iyo Ogaysiiska
Shaqo kacadhaynta aan Qoshaysnayn – Iskuxidhka
Shaqada Daryeelka Ilamaha (WCCC) iyo Xiliga
Daryeelka Ilamaha (SCC)
Shaqo kacaydhinta Qorshaysan iyo ta Aan Qorshaysnayn
– Maamulka Carruurta (CA)
16
Kolka Mushaarku Khalad Galo
Isbeddalada Oggolaanshaha iyo Codsiyada Labaad
Wakhti loo Fasaxey Waalidka/Masuulka
17
17
18
LACAGAHA KALA DUWAN EE LA BIXIYO
Lacagta Is-diiwaan-gelinta
Saacadaha aan Joogtada ahayn iyo Mushahar bixinta Waqtiga
Dheeraadka ah
18
18
19
10.3
Lacagta Lagu Aado Dibad-bax Waxbarasho ah /Tayada
Lagu horumarinayo Lacagta
19
10.4
Baahi gaar ah
20
SICIRKA LACAGTA MUSHAARKA
Sicirka Lacag-Kordhinta
21
21
22
QODOBKA 10
10.1
10.2
QODOBKA 11
11.1
11.2
11.3
11.4
Kaladuwanaanshaha Lacagta mushaharka Ilamaha iyo
xadiga lagu horumariyey socod baradka xadiga saacadii
kasta
FFN Qiyaasta Saacadiiba
Nidaamka Lacag-isu-celinta
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
Bogga 2 ee 4
22
22
QODOBKA 12
12.1
12.2
12.3
12.4
12.5
12.6
12.7
12.8
DARYEELKA CAAFIMAADKA SHAQAALAHA
Kharashka Caafimaadka Lagaa Bixinayo
Ujeeddada Caafimaadka Shaqaalaha
Lacagta Dowladdu Shaqaalaha Ku Soo Biiriso
Sida Arrin Xaq Loogu Yeesho
Dhibaato La’aan Iyo Waxyeello La’aan
Xisaabi Xil Ma Leh iyo Xaqiijinta Shaqada Wanaagsan
Hay’ad Kale oo Lagu Doorto Haynta Ammaanada
Ciddii Lagu Bedeli Lahaa Hay’adda Ammaanada ee SEIU 775
Trust
23
23
23
23
24
25
25
25
25
QODOBKA 13
13.1
13.2
13.3
13.4
13.5
TABABARKA IYO AQOON-KORORSIGA
Bixiyayaasha ruqsada Haysta
Bixiyayaasha iyo Tababarada loogu talogalay FFN
Biilasha Tababarka Dhaqaale kaabista
Tababarka ku saaban Oggolaansho siinta WACs
Tababarka STEM
26
26
27
29
30
30
QODOBKA 14
GUUL GAAREYAASHA HORE
30
Sicirada Dib U celinta Kala heerarsan
Abaalmarinta Wanaajinta Tayada
Deeqyada Ku Salaysan Baahi
Dib u fure
31
31
31
31
QODOBKA 15
BARNAAMIJKA RAASHINKA
32
QODOBKA 16
16.1
16.2
16.3
FASAXYADA IYO MAALMAHA SHAQADA LAGA MAQNAADO
Fasaxyada
Maalmaha Shaqada Laga Maqnaado
Maalmaha Xirraanta
32
32
33
33
QODOBKA 17
17.1
17.2
17.3
17.4
17.5
17.6
XUQUUQDA GOBOLKA
Xuquuqda Maamulka Guud
Xuquuqda Gobolku Gaarka u Leeyahay
Waxyaabaha ka Baxsan
Dacwad Ku Oogista Gobolka
Fulinta Sharciga Waajibka ah
Waajibka Lagu Baayactami Karo
33
33
34
35
35
35
35
QODOBKA 18
18.1
18.2
NIDAAMKA HESHIISKA
Arrimaha Ku Lammaan Kunturaadda Lagu Heshiiyo
Nidaamka Heshiiska
36
36
36
QODOBKA 19
HESHIIS BUUXA
36
14.1
14.2
14.3
14.4
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
Bogga 3 ee 4
QORAALLADA SHARRAXAADDA AH
QORAALKA SHARRAXAADDA A-1
Sicirka Aasaasiga Ugu Badan ee Xannaannada Carruurta Laga bilaabo 1 Luulyo
2015
A-1
QORAALKA SHARRAXAADDA A-2
Sicirka Aasaasiga Ugu Badan ee Xannaannada Carruurta Laga bilaabo 1 Luulyo
2016
A-2
QORAALKA SHARRAXAADDA B-1
Sicirka Ugu Badan ee Xannaannada Carruurta – Dib u celinta Heerarsan (Heerka 2)
A-3
QORAALKA SHARRAXAADDA B-2
Sicirka Ugu Badan ee Xannaannada Carruurta – Dib u celinta Heerarsan (Heerka 3)
A-4
QORAALKA SHARRAXAADDA B-3
Sicirka Ugu Badan ee Xannaannada Carruurta – Dib u celinta Heerarsan (Heerka 4)
A-5
QORAALKA SHARRAXAADDA B-4
Sicirka Ugu Badan ee Xannaannada Carruurta – Dib u celinta Heerarsan (Heerka 5)
A-6
QORAALKA SHARRAXAADDA C-1
Adeeg-bixiyayaasha Qoyska, Saaxiibada iyo Deriska ah
A-7
QORAALKA SHARRAXAADDA D
Kaalmo dhaqaale uu daboolo Heshiiska Gorgoro Wadareedka
A-8
QORAALKA SHARRAXAADDA E
A-9
ILOYINKA
WARQADAHA SAXIIXA
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
Bogga 4 ee 4
GOGOLDHIG
Heshiiskan waxaa wada galay oo uu u dhaxeeyaa Gobolka Washington (oo loogu yeerayo
“Gobolka”) iyo Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah ee Xafiiska Local 925, (oo isna loogu yeerayo
“Ururka Shaqaalaha ama SEIU”). Ururka Shaqaalaha iyo Gobolka waxa ay garawsadeen xiriirka
lagama maarmaanka ah ee ku saleysan sharciga RCW 41.56, kaas oo dhigaya in uu gobolku
yahay kan shaqada siiya shaqaalaha ku hawlan xannaannada carruurrta qoysaska iyada oo la isku
raacayo in la sameysto heshiis guud. RCW 41.56looma fasiran karo in uu yahay arrin uu
Gobolku xukuumad ahaan faraha iskala gali karo xiriirka u dhaxeeya waalidka/masuulka iyo
qofka shaqaalaha ah ee ku qoran xannaannada carruurta.
Labada dhinac waxa ay isku raaceen in ay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha soo socda:

Ururka Shaqaalaha iyo Gobolku waxa ka dhaxeeya qorshaha lagu xaqiijinayo in ay qoys
walba oo deggan gobolka Washington heli karaan xannaano tayo wanaagsan.

In La Helo xannaano tayo wanaagsan waxa ay aasaas u tahay qoysaska ka soo gudbaya
kaalmada dowladdu siiso si ay u shaqeystaan, sida kuwa danyarta ah ama dakhligoodu
meel-dhexaadka yahay ee dedaalka ugu jira sidii ay isku-filnaansho u gaari lahaayeen.

Shaqaalaha xannaannada carruurta qoysaska waxay qeyb ka yihiin Nidaamka
Xannaannada Carruurta, iyadoo lagu haqabtirayo waalidiinta shaqeysa oo gaaraya
kumannaan si loogu xannaanneeyo carruurta kharashkooda lagu daboolo barnaamijyada
kabista ah ee lagu faahfaahiyey Qoraalka Sharaxaadda D.

Shaqaalaha, Gobolka iyo qoysaska Washington, dhammaan waxa ay ku hawlan yihiin in
ay xannaannada carruurta ka dhigaan shaqo tayo wanaagsan oo meherad ahaan la
ixtiraabilood

Labada dhinac waxa ay isku raaceen in ay wada-jir ahaan u shaqeeyaan si ay u daboolaan
baahida waalidiinta shaqeeya iyo in ay adeegyada noocan ah u qabtaan sida ugu
wanaagsan.

Gobolka, Ururka Shaqaalaha, iyo Shaqaalaha, intuba waxa ay isu xaq-dhowri doonaan si
sharaf iyo xushmad leh.
Ma jirto arrin heshiiskan ku jirta oo loo qaadan karo in ay dhibaato u keeneyso xuquuqda
Waalidka/Masuulka, oo haddii ay doonaan soo xulan kara, beddeli kara, ama shaqada ka eryi kara
shaqaalaha carruurta u haya.
Ma jirto arrin gogoldhiggan ku jirta oo loo qaadan karo in ay tahay dacwad heshiiska lagu soo
daray.
QODOBKA 1
AQOONSIGA URURKA SHAQAALAHA
1.1
Aqoonsiga Ururka Shaqaalaha
Adeegga Ururka Shaqaalaha Caalamiga 925 waxaa loo aqoonsanyahay inuu yahay
wakiilka khaaska ah ee kaliya sida ku qeexan xeerka RCW 41.56 ee dhammaan loogu
talogaly Qoyska, Saaxiibada iyo Jaararka dhaqaale ee ahaan la kaabo (FFN) iyo
bixiyayaasha ruqsada u haysta daryeelka ilmaha qoyska.
Ujeeddada looga dan leeyahay Heshiishkan, bixiyayaasha FFN waxay ku ku qeexan
yihiin inay yihiin sida daryeel bixiyayaal aan rasmi ahayn, kuwaas oo lacagtooda loo soo
mariyo barnaamijka jeegga dhaqaale kaabista Gobolka, laakiin ay aanay ku jirin
shuruucda ruqsad-siinta daryeelka ilmaha Gobolka oo aan looga baahnayn inay
buuxiyaan qiyaasaha gaarka ah ee dhaafsiisan jeegga. Sida uu dhigayo xeerka WAC
170-290-0130 (7), isticmaalaha ayaa kormeeraya bey’ada iyo adeegga daryeelka ilmuha
ee laga helo bixiyayaasha FFN.
1.2
Midnimada Kooxda Heshiiska
Gobolku waxa uu aqoonsan yahay midnimada kooxda heshiiska u xilsaaran, sidaas
awgeed kooxdaas laguma sameyn karo wax waxyeello ah oo burburin ku noqon kara.
QODOBKA 2
MIDABTAKOOR LA’AAN
Gobolku waxa uu axdi ku galay in uusan wax midabtakoor ama leexin ah ku sameyn karin
shaqaalaha iyada oo loo eegayo jinsiyad, lab ama dheddig kii uu yahay, lab ama dheddig kii uu
guur ka damco, xaaladda xaas ahaaneed ama arrinta dhaqaalaha waalidka, asal ahaan meel laga
soo jeedo, siyaasadda uu qof raaco iyo/ama caqiido uu qof aamminsan yahay, ama naafannimo
xagga jirka ama maskaxda ah.
Qodobkan looma fasiran karo in uu hor istaagi karo xuquuqda waalidka/masuulka nagu xiran ama
nala soo xiriiri doona. Waalidka/masuulku waxa ay xaq u leeyihiin in ay soo xulan karaan,
shaqaaleyn karaan, isha ku hayn karaan shaqada loo hayo, iyo in ay shaqada ka eryi karaan cid
kasta oo shaqaale u ah oo uga shaqeysa xannaannada carruurtooda.
QODOBKA 3
XUQUUQDA WAALIDKA/MASUULKA
3.1
Yaa Noqon Kara Waalid/Masuul
Iyada oo la tixgelinayo heshiiska iyo sharciga waddanka, waalid/masuul waxaa noqon
kara shaqsiyaadka soo socda ee u xilsaaran go’aanka hal cunug (1) ama in ka badan oo ku
nool gobolka Washington, oo weliba cunugga u ah:
A.
B.
C.
Waalid, waalidka dhalay ama waalid soo korsaday;
Aayo ama adeerka hooyo qaba;
Masuul sharciyeysan oo waraaq sharci ah maxkamad ka haysta;
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
1
D.
E.
F.
G.
H.
I.
J.
Walaal Dhali kara ama walaal ay aayo dhashay; ama walaal uu adeer hooyo qaba
dhalay;
Qof weyn oo abti ama adeer loo yahay;
Eeddo;
Adeer;
Ayeeyo ama Awoowe; ama
Qaraabo kale eek u qoran F,G ama H oo ‘ayeeyo ama awoowe’ masuul ah noqon
kara; ama
Xannaaneeye mas’uul ka ah cunugga oo hawshiisa yahay inuu maalin walba
daryeelo iyo ilaaliyo cunugga iyo aan qaraabo la eheen cunugga sida uu ku qoran
yahay kor.
3.2
Xuquuqda Waalidka/Masuulka
Ma jirto arrin heshiisan ku jirta oo is-hortaagi karta xuquuqda aan la isku haysan ee
Waalidka/Masuulka, taas oo sheegeysa in qofka shaqaalaha ah kolkii la doono—iyadoon
wax sabab ama ogeysiis ah la haysan—shaqada laga joojin karo.
3.3
Macluumaadka Khuseeya Waalidka/Masuulka
Heshiiskan looma fasiran karo in Gobolka looga codsado xogta warbixinta shaqsiga ah ee
ku saabsan Waalidka/Masuulka ama carruur waalid hayo; kolka uu waalidka/masuulka
helayo dhaqaale dowladeed oo looga bixinayo xannaannada carruurta, Ururka Shaqaalaha
si ay xogta ku helaan waxa ay u baahan yihiin caddeyn qoraal ah oo ay u soo sixiixaan
waalid/masuul. Qaar ka mid ah warbixinta shaqsiga ah waxa ay noqon karaan: Magac,
cinwaan, lambar taleefan, cinwaanka intarnetka (email), wax kale oo noqon kara lambar
qof lagu garan karo, sida sagaalka lambar ee uu qof kasta leeyahay (Social Security
Number) ama wax kasta oo noqon kara warbixin uu shaqsi leeyahay.
3.4
Sida Loo Xafidayo Xogta Waalidka/Masuulka
Wakiillada ururka shaqaalaha iyo shaqaalaha xannaannada carruurta waxa ay ku dhaqmi
doonaan sharciyada adag ee lagu xafido xogta waalidka/masuulka iyo carruurta
go’aankoodu qof weyn hayo ee helaya dhaqaale dowladeed oo looga bixiyo xannaannada
carruurta, marna cid kale looma gudbin doono warbixinta shaqsiga ah ee ku lug leh
waalidka/masuulka iyo carruurta uu go’aankoodu qof weyn hayo, taas waxaa ku jira
warbixinta ka timaadda meel walba, inta aan warbixin la gudbin waa in kolka hore
oggolaansho qoraal ah laga helaa waalidka/masuulka ama waa in uu jiraa sharci sandulle
ku rabo warbixinta ama waa in ay jirtaa arrin kale oo sheegeysa in sharci ahaan loogu
baahan yahay.
3.5
Xuquuqda Aan Marna La Is Duudsiin Karin
Arrimaha la soo xusay ee xuquuqda waalidka/masuulka kuma jiraan ama lagama saarin
xuquuqda kale ee caadiga ah ee aan la soo sheegin, taas waxaa ka mid xuquuqda kale ee
waalidnimo ee ku qoran sharciga waddanka. In la ogsoonaado ama in aan la ogsoonaan
xuquuqda waalidnimo waxaa u madax bannaan waalidka/masuulka oo ugu dhaqmi kara
sidii la doono oo ay haddii ay doonaan isaga wareejin karaan.
3.6
Waalidka/Masuulka Aan Cabasho Sameyn Karin
Ma jirto wax ay waalid/masuul fali karaan oo tixgelinaya Qodobkan ama wax kale oo ah
xuquuqda waalidka/masuulka oo sameyn kara dawcad iyo nidaam gar-qaadasho ah oo ku
saleysan Heshiiskan.
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
2
QODOBKA 4
XUQUUQDA URURKA SHAQAALAHA
4.1
Gaar ahaanshaha Ururka Shaqaalaha
Gobolka ayaa la la kulmi doona, la hadli doona, la xaajoon doona, dhaqaale ahaan kaabi
doona ama wadahadal la yeelan doona urukii shaqaale ah ee kasta ama wakiilladiisa oo
kala hadli doona dhibaatooyinkii kasta ee la xidhiidha shuruudaha iyo xaaladaha shaqada
ee lagula gorgortamayo xubnaha ururka. Si kastaba ha ahaatee Ururka Shaqaalaha
wuxuu aqoonsan yahay in uu Gobolku ka soo baxo sharciga waajibka ah ee hoos
imaanaya RCW 43.215, kaasoo badanaaba ku lug yeelan kara wadahadalka ay ku
baayactamaan xubnaha ama kooxaha iyagoo aan ogeysiineyn ama aan u baahneyn
Ururka Shaqaalaha in uu u soo u xaadiro wqadahadalka.
4.2
Hawlaha Ururka Shaqaalaha
Gobolka ayaan oggolaanayn in bixiyana la dirsooco, loo caglo jugleeyo, la xanibin amase
aan la khasbin, iyadoo lagu takri falayo masuuliyada isticmaalka xuquuq kasta ee uu u
oggol yahay xeerkani ama Heshiiskani, ama masuuliyada xubinnimada amaxubinimo
la’aanta ama shaqooyinka sharciga ah iyaga oo matalaya Ururka.
4.3
Wakiillada Ururka Shaqaalaha
Ururka Shaqaalaha waxa uu Gobolka ogeysiin doonaa magacyada wakiillada xafiiskooda
iyo abaabuleyaasha, iyo haddii ay wax is beddelaan wixii isbeddel ah ee lagu sameeyo
wakiilladaas.
4.4
Dhexdhexaadnimo
Gobolku wuxuu dhexdhexaad ka ahaanayaa wixii su’aal ah ee khuseeya xubin-kanoqoshada ururka shaqaalaha iyo wixii kale ee ururka shaqaalaha wakiil uga noqonaya
Shaqaalahooda. Dhammaan su’aalaha Gobolka soo gaara ee khuseeya xubin-kanoqoshada ama wakiill-ka-noqoshada arrimaha Ururka Shaqaalaha waxaa loo soo
gudbinayaa Ururka Shaqaalaha. Gobolka waa inuu dhedhexaadnimada ururka ka dhiigo
qayb ka mid ah shuruudyadiisa heshiiska uu la leeyahay adeeg bixiyayaasha iyo
shaqaalahooda ee baxsho adeegyo raacsan heshiiskaan gorgoro wadareedka.
4.5
Liiska Shaqaalaha
Bil walba maalinta shan-iyo-tobanaad (15-aad) Gobolku waxa uu Ururka Shaqaalaha u soo
gudbin doonaa liiska Shaqaalaha iyada oo loogu soo dirayo kambuyuutarkooda. Liisku
waxa uu isugu jiri doonaa:
A.
Hawlaha xannaannada ee bishii hore la qabtay;
B.
Bishii hore magacyada Shaqaalaha la siiyey kabista dhaqaale oo dhan, taasoo ka
soo baxday ku-baayactanka shaqada;
C.
Lambarka qofka shaqaalaha ah;
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
3
D.
Cinwaanka ay lacagta qaansheegadka ah ka timaaddo;
E.
Cinwaanka qofka shaqaalaha ah;
F.
Lambarka taleefanka, ogaanshada haddii uu yahay khad dhul ama moobayl
G.
Haddii bixiyuhu uu yahay FFN amase uu yahay mid ruqsad u hayst shaqo
bixinta;
H.
Lacagta mushaarka ah ee la bixiyey;
I.
Inta carruur ee la hayey; Saacadaha shaqada (maalin nuskeed, hal maalin ama
saacad);
J.
Tirada carruurta la hayey;
K.
Lacagta loo gooyo Ururka Shaqaalaha ama Lacagta Kale ee laga gooyey
mushaarka Shaqaalaha
L.
Cinwaanka emailka Qofka Shaqaalaha ah
M.
Nooca gargaarka; iyo
N.
La bixinta waalidka.
Waxaa kaasi dheeraad u ah, Gobolka waa inuu Ururka siiyo lambarka adeeg
bixiyaha, magaca adeeg bixiyaha, nooca adeeg bixiyaha, magaca, cinwaanka,
lambarka telefoonka, iyo cinwaanka emailka bixiyayaasha cusub ee adeegga
xannaanada cunugga hal mil gudaheeda laga bilaabo goorta gargaarka loo
ogolaadey.
4.6
Wacyigelinta Ururka Shaqaalaha
Gobolka ayaa u oggolaan doona isticmaalka, muddo aan ka badnayn (30) daqiiqadood,
wacyigalinta bixiyayaasha ruqsada haysta, ee/ama tababar ka hor adeegga iyo tababar
dhaqaale kaabista tooska ah waaba, haddii ay jirto e. Gobolka ayaa ku wargalin doona
Ururka shaqaalaha e-mail muddo lixdan (60) maalmood ah ka hor dhacdadii kasta ee ku
qoran xagga sare, ayna ku jirto waqtiga la isla meel dhigayo waqtiga soo jeedinta Ururka
shaqaalaha. Wakiilka Ururka wuxuu codsan karaa waqti la isla heshiiyey si loo helo
wakiilnimada Ururka. Haddii uusan jirin codsigaas waqtiga horey loo qaban-qaabiyey
ayaa laga dhigi doonaa waqtiga la isla heshiiyey. Haddii wakiilada Ururku uu ka soo bixi
waayo waqtiga ballanta, isticmaalka Ururka ee tababarka fasalkaasi sidaas ayaa lagu
joojinayaa. Gobolka ayaa ku wargalin doona Ururka shaqaalaha e-mail sida ugu
dhaqsiyaha badan wacyigalin amase tababarka ayaa la joojinayaa ama dib ayaa waqti
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
4
kale loogu qoondeeynaaa. Mawduucyada Soo jeedinta Ururka shaqaaluhu wuxuu u
xadidnaan doonaa sida soo socota: ururka, xuquuqda wakiilashada bixiyaha, waxtarrada
ururka shaqaalaha, iyo qaybinta codsiga xubinimada. Gobolka ayaa dhexdhexaad ka
noqon doona arrinta la xidhiidha soo jeedinta Ururka shaqaalaha.
Ururka Shaqaalaha waxa uu Gobolka ku siin karaa hal (1) bog oo koobbi xayeysiis ah oo
ay ku qoran tahay heshiiska guud ee Shaqaalaha iyo faa’iidooyinka uu Gobolku ku
sheego shatiyeeyey alaabta codsiga FFN iyo waraaqaha wacyigelinta ah. Halkaas (1) bog
wuxuu ahaan doonaa mid ay ku qoran tahay qoraal ay ka muuqato dhexdhexaadnimo
kaas oo uu Gobolku aqoonsan doono ka hor inta aan la qeybin.
Haddii dhexdhexaadnimada iyo tababarka adeegga ka hor laga heli karo internetka,
Ururka wuxuu Gobolka siin karaa macluumaad loo baahan yahay in lagu daro, oo ka mid
ah cinwaanka internetka Ururka. Tababarka internetka laga baxsho waxaa ku jiri doono
macluumaad khuseeya Ururka iyo cinwaanka internetka ee Ururka. Macluumaadkaan
waa in lagu raaco sharciyada gobolka ee ku saabsan anshaxa-guud, dhex-dhexaad ah
waxyaabaha ku qoran iyo ogolaadey Gobolka.
Gobolka ayaasi elektoonig ah Ururka xogta xiriirka eebixiyayaasha dhamaystirtay
tababarka kombuutarka lagu qaato. Macluumaadka lagala xidhiidhayo ayaa lagu dari
doonaa lambarka bixiyaha, magaca, cinwaanka, telefoon lambarka, iyo cinwaanka emailka.
4.7
Ogeysiis
Gobolka ayaa Ururka Shaqaalaha u keeni doona koobi waraaqo ah ama mid kambuyuutar
ah, kaas oo ay ku caddahay wax kasta oo uu gobolku ogeysiis ahaan ugu tala galo
Shaqaalaha oo dhan. Ogeysiiska waxaa loo diri doonaa Ururka isla markii loo diraayo
dhammaan bixiyayaasha. Waaxda Waxbarashada Ilmaha Yar (DEL) waxay cinwaanka
internetka Hagaha Isku-xirka Shaqeeyo ee Siyaasadda Xannaanada Cunugga u diri
doonaan xubinada DEL listserv markii hagaha la casriyeeyo.
4.8
Is-gaarsiinta ka dhaxeeyo labada dhinac
Ururka, OFM/LRD iyo DEL oo midkoodba leh hal xiriir si ay u qabtaan codsiga iyo ka
jawaabida su’aalaha, iyo beddelka is-gaarsiinta kale ee ururyada. Labada dhinac waxay
ku heshiiyey in si looga hortago in dadaalka laba mar la qabto iyo loo fududeeyo hawlgal fiican iyo garashada qofta loo xilsaarey in lala xiriiro mar walba lagu dari doono isgaarsiinta ka dhaxeeyo qoloyinka.
Gobolka waa inuu Ururka siiyo magacyada iyo macluumaadka xiriirka shakhsiyaadka
habboon in loo diro weydiimaha khuseeya kalmo-dhaqaale gaar ah.
4.9
Soo-saaridda Heshiishyada
Gobolka ayaa bixin doonaa boqolkiiba konton (50%) kharashaadka lagu soo saarayo ama
lagu daabacayo Heshiishkani qiyaas ku filan qaybinta loo qaybinayo xubnaha waaxda
gorgortanka galaysa, iyadoo lagaadhsiinayo ugu badnaan ilaa shan iyo labaatan kun oo
doolar ($25,000).
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
5
QODOBKA 5
XUBIN KA NOQOSHADA IYO HOOS U DHIGGA KHARASHKA IYO TABARUUCYADA
5.1
Xubinimada Ururka Shaqaalaha
Qoysaska baxsho adeegga xannaanada cunugga oo ogolaadey gargaarka adeegga
xannaanada cunugga waa inuu daboolo Heshiskaan. Ka dib markii ay helaan
fasaxa qoys baxsho adeegga xannaanada cunugga ama Ururka shaqaalaha,
Gobolka waa inay xubinada ururka shaqaalaha ka gooyaan bil walba kharash sida
ay ku heshiiyeen Ururka. Gobolka waa inuu kharshyada oo dhan uu gooyey siiyo
Ururka shaqaalaha.
Haddii uu jiro is-beddelka sharciga ama amar maxkamadeed ee awood ku leh
aagga oo ogol goynta kharashka ama kharash la mid ah oo qayb ka ah shuruudda
shaqada, labada dhinac waxay ku heshiiynayaan in la baxsho lacagta maqan ee
Heshiiska Gor-goro Wadareedka 2011-2013 sida uu qabo sharciga iyo la ogol
yahay.
5.2
Dhibaato La’aan Iyo Waxyeello La’aan
Ururka shaqaalaha iyo bixiyihii kasta ee u oggolaanaya mushaharka loo
qoondeeyey ujeedada mushaharka Ururka shaqaalha cashuurahan halkan ku xusan
ayaa isla qaadanaya inuu bilaabo sidii uu u dabooli lahaa oo aanu waxyeelo u soo
gaadhsiinin dhammaan sheegashooyinka oo dhan, dalabka, ama noocyada kale ee
masuuliyadeed taas oo ka soo shaacbaxaysa Gobolka ka mas’uulka ah lacag ka
jaristii kasta ee laga jaray mushaharka laga qaaday bixiyahaas oo oo kale.
Qaybtan loo qaadan kari maayo xaddidista xuquuqda Ururka shaqaaluhu si ay u
isticmaalaan Hanaan socodka Xalinta Khilaafkaadka uu ka kooban yahay
Heshiishkani si loo uruuriyo qaamaha, khidmadaha iyo qaaraammada lagu
leeyahay.
5.3
Lacagta La gooyo
A.
Gooynta Kharashka
Gobolka wuxuu qoys walba baxsho adeegga xannaanada cunugga ee
go’aamiyo inuu xubin ka noqdo Ururka ka goyn doonaa kharashka uu
ururka shaqaalaha ku leeyahay. Gobolka waa inuu qanciyo shuruudaha iyo
waajibaadyo walba ee qoyska baxsho adeegga xannaanada cunugga la
ogol yahay.
B.
Tabarruucyada Ikhtiyaarka
Markii qoyska baxsho adeegga daryeelka cunugga ama Ururka laga helo
ogolaanshada habboon si lacagtaas loo gooyo, Gobolka wuxuu goyn
doonaa iyo gudbin doonaa tabbaruucyada ikhtiyaarka ah.
C.
Habka Loo Gooyo
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
6
Gobolka wuxuu goyn doonaa kharashka ururka iyo/ama tabarruucyada
ikhtiyaarka iyo waxaa lagu shubi doonaa khasnadda ururka ama guddiga
iyo sidoo kaleba sicirada lacag bixinta shaqaale walba kaasoo ku salaysan
caddadka u go’aamiyo Ururka shaqaalaha iyo ogolaadey shaqaalaha.
Caddadka uu Uuruka kugu leeyahay bil walba waa in la baxsha ka hor
shan iyo tobanka (15ka) ee bisha.
5.4
Dokumentiyada Bixiyayaasha
Qansheegga biloodlaha waxaa ku qornaan doono lacagta la gooyey oo ku jiro
kharashyada, tabarruucyada, iyo caymiska caafimaadka adeeg-bixiyaha ee lacag
bixinta bishaas.
31ka Janaayo ee sanad walba, Gobolka wuxuu diyaarin doonaa dokumentiga
adeeg bixiyayaasha oo ku qoran caddadka kharashka, tabarruucyada uu Gobolka
siiyo Ururka iyo/ama Guddiga kadib marku ka qaado shaqaalaha kaasoo qayb ka
ah dakhliga la soo warbixiyey (dakhliga guud).
5.5
Hirgelinta Kharashka
Isbeddelka qodobkaan uga baahan yahay Kharashka barnaamajka Habka Lacagbixinta Adeegga Bulshada iyo dheeraad u ah kharashka kowaad uu baxshey
Ururka waa in Gobolka bixiyo. Kharashka caadiga ee la goosto iyo/ama
tabarruucyada khasnadda ururka ama guddiga la siiyo iyo tabarruuca caymiska
caafimaadka waa inuu Gobolka baxsho.
QODOBKA 6
NIDAAMKA DACWADA
Sida Loo Xallinayo Khilaafaadka
Gobolka iyo Ururka Shaqaalaha waxaa ka go’an in ay isu sheegtaan oo ay xalliyaan dareenka jira
iyaga oo si hooshoos ah wax u wada oo muujinaya caddaalad iyo dhaqan ay masuuliyad ka
muuqato, iyo in la isticmaalo dhexdhexaadin iyo haddii ay suuroobeyso in la isticmaalo farsamo
lagu xalliyo khilaafaadka. Xiriirkeennu waxa uu ku xiran yahay in aannu is xushmeyno iyo in
aannu is aamminno iyada oo aan xal u raadineyno wax kasta oo aannu isku raaci weyno. Inta aan
cabasho la buuxin ka hor, Ururka Shaqaalaha iyo Gobolku waxa ay isku dayi doonaan in ay
haddii ay suuragelyso xal u helaan wax kasta si markaas la isaga daayo dacwada rasmiga ah ee
qoraalka ah.
6.1
Qeexid
A.
Qeexidda Cabashada
Kolka ay cabasho jirto macnaheedu waa in uu jiraa khilaaf ka yimid sidii hawl
loo fulin lahaa iyada oo loo eegaayo shuruudaha Heshiiska ku cad sida ay soo
gudbiyeen Ururka Shaqaalaha ama qof Shaqaale ah. Ururka Shaqaalaha iyo
qofka Shaqaalaha ah midna lama imaan karo cabasho aan sharci ahayn oo ka
baxsan xeerxayndaabka Heshiiska, waxaa ka mid ah in uu Waalid/Masuul qof
Shaqaale ah keensado ama in uu qof shaqeynaya shaqada ka joojiyo, ama wixii
tallaabo kale ah oo uu Waalidka/Msuulka ku kaco.
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
7
B.
Xisaabinta Wakhtiga/Saacadaha
Wakhtiga la xaddiday ee ku jira Qodobkan waa in si adag loogu dhaqmo ilaa ay
labada dhinac qoraal ku beddelaan. Maalmaha lagu xisaabtamayo waa
maalmaha shaqada oo laga saarayo maalinta ugu horreysa laakiin lagu
xisaabinayo maalinta jadwalka bishaas ugu dambeysa. Marka ay maalinta u
dambeysa noqoto maalin Sabti ah, ama axad ah, ama maalin ciid ah, markaas
maalintii u dambeysay waxaa noqon doona maalinta xigta ee aan ahayn sabti,
axad, ama maalin ciid ah. Gunooyinka saluuga shaqaalaha, codsiyada iyo
jawaabaha ayaa qoraal ahaan doona, xadaynta waqtigana waxaa lagu dabbakhi
doonaa taariikhda qoraalka la helo.
C.
Ciddii ku Imaan Weyda Wakhtiga la Isku Ogyahay
Ciddii ku xadgudubta wakhtiyada ay isku ogyihiin Ururka Shaqaalaha waxa si
toos ah looga reebayaa cabashada. Ciddii ku xadgudubta wakhtiyada ay isku
ogyihiin Gobolka waxaa loo gudbin doonaa Ururka Shaqaalaha oo cabashadoodu
waxay ka bilaabaneysaa tallaabada ku soo xigta ee nidaamka cabashada.
D.
Tusmada
Cabashada qoraalka ah waa in ay ku jiaan macluumaadka soo socda:
1.
Qoraal ku lug leh xaqiiqooyinka ku xeeran arrimaha dabiiciga ah ee
cabashada;
2.
Taariikhda ama wakhtiga ay arrintu dhacday;
3.
Kolka la buriyo qodob gaar ah ama qeyb Heshiiska ka mid ah;
4.
Tallaabooyinka la qaaday iyada oo aan rasmi ahayn si loogu xalliyo
cabashada iyo dadka ku lug leh xalka la isku dayey;
5.
Xalka gaarka ah ee la codsaday;
6.
Magaca qofka cabashada wata;
7.
Lambarka qofka shaqaalaha ah ee cabashada qaba; Iyo
8.
Magaca iyo sixiixa wakiilka Ururka Shaqaalaha ama Qofka Shaqaalaha
ah ee xareynaya cabashada.
E.
Isbeddellada
Ma la sameyn karo wax dacwad cusub ah oo ka timaadda khaladaad iyo/ama xal
la gaaray ka dib marka la xareeyo cabashada qoraalka ah ee bilowga ah, waxa
kaliya oo dacwaddaas la aqbali karaa marka ay labada dhinac wadajir ahaan u
sameeyaan heshiis qoraal ah.
F.
Kor-gudbin
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
8
Tallaabo walba ee hab-socodkaan waa la gudbin karaa markii la baxsho
ogolaansho qoraal ah ee qoloyiinka heshiiska ku jiro markii kor-gudubka la
codsadey.
6.2
G.
Isu-tag
Gobolka iyo Uuruka waxay isu-tagi karaan khilaafyada ka soo baxo isla
xaqiiqoyinka, ayagoo sameynaayo heshiis ee qoloyiinka heshiiska galey si qoraal
ah ku ogolaadeen.
H.
Xallinta
Haddii uu Gobolku bixiyo wixii xal ah oo laga dalbaday ama wixii ay labada
dhinac wadajir ahaan isugu raaceen, cabashada waxaa loo tixgelin doonaa mid la
isla meel dhigay oo tallaabo kale uma sii gudbi doonto.
I.
Kanoqoshada Arrin Laga Noqdo
Wixii cabasho ah waxaa laga noqon karaa markii la rabo.
J.
Dib-ka-keenis
Haddii wax la xalliyo, ama laga noqdo. ama jadwalku socon waayo, wax cabasho
ah kol labaad lama soo diri karo.
Nidaamka Dacwada
A.
Qaraar Aan rasmiga ahay
Tallaabada 1-aad: Isku dayga lagu xalinayo arrintii kasta ee saluug shaqaale,
bixiyaha ee/ama wakiilka Ururka Shaqaalaha ayaa habboon inay kala hadlaan
wakiilka uu u qondeeyey Gobolku si loo faylka loo gesho saluuga shaqaalaha oo
qoraal an. La isku dayo in si aan rasmi eheen loo xalliyo dhibaatada, adeegbixiyayaasha waxay wici karaan lambarada habboon ee ku qoran Qoraalka
Sharraxaadda E.
Gobolka ayaa soddon maalmood gudahood (30) hasta si loo xaliyo dhibaatada
ama, haddii aan la xalin, waxaa la siin doonaa jawaab qoraal ah bixiyaha iyo
Ururka Shaqaalaha. Wakiilka Gobolka loo qoondeeyey ayaa siin doona
warbixin sannadkiiba mar soo baxda Ururka Shaqaalaha oo ay ka mid yihiin
tirada wacitaanada lagula hadlay khadadka saluugyada shaqaalaha sidoo kale
iyadoo ay ku jiraan tirada wacitaanka la xaliyey ama aan la xalin.
B.
Cabashada Qoraalka ah
Talaabada 2-aad: Haddii saluuga shaqaalaha aan lagu xalin Talaabada 1,
bixiyaha ee/ama wakiilada Ururka Shaqaalaha ayaa laga yaabaa in loo gudbiyo
saluug shaqaale oo qoraala Gobolka soddon casho gudahood (30) oo ka
bilaabanta taariikhda maalmaha uu dhacay ku xadgudbista lagu soo eedeeyey
ama soddon casho gudahood (30) oo ka bilaabanta maalmaha marka bixiyuha
ama Ururka Shaqaalahu ay si macquulaa u ogaadaan dhacdada ama dhicitaanka
kasoo shaac baxaya saluuga shaqaalaha. Haddii bixiyaha isku dayo inuu xaliyo
arrinta mushaharka loo sii marayo xalinta hanaan socodka aan rasmiga ahayn iyo
mushaharka dheeraadka ah ee aan xalin arrinta, bixiyaha ayaa muddo (15) casho
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
9
ah oo ka bilaabanta taariikhda taariikh tusaha kadib uu isagu/iyadu ay ku helo
mushaharka dheeraadka ah si faylka loo geshoo saluuga shaqaalaha ee Talaabada
2. Marka ay dhacdo lacag bixin khaldan, wakhtiga sheegashada ayaa ku qeexan
Qodobka 9, ee Qaybta 4.
Cabashada qoraalka ah qof ahaan ayaa loogu diri karaa boostada Maraykanka,
faagis ahaan ama e-mail ahaan, waxaana lagu hagaajin doonaa Waaxda
Xidhiidhka Shaqaalaha ee Xafiiska Maareeynta Maaliyada, nuqulka maamulaha
Waaxda Waqti hore u sii ogaanshaha heshiiska mushaharka iyo xaalada
shaqadaba.
Gobolka ayaa cabashada jadwal u sameyn doona oo taleefan ama si faal-ka-fool
ah ula xiriiri doona qofka wax eedeynaya iyo wakiilka Ururka Shaqaalaha muddo
ku siman shan-iyo-toban (15) maalmood marka ay ka soo wareegato kolkii la
helay cabashada qoraalka ah, dabadeedna waxaa xigi doonta in la wada hadlo oo
xal loo helo cabashada. Isla kulanka ku xiga kulanka, Haddii saluuga shaqaalahu
uu ku sii socdo isagoon la xallin, Gobolka ayaa bixin doona jawaab qoraal ah oo
ay kaga bixin doonaan saluuga shaqaalaha muddo soddon (30) casho ah
gudahood laga bilaabo taariikhda wacitaanka shirka ama kulanka. Haddii
jawaabtu aanay xalin saluuga shaqaalaha, Ururka Shaqaalaha ayaa laga yaabaa,
muddo shan iyo tobon (15) casho ah oo ka bilaabanta taariikhda la helay
jawaabta qoraalka ah, ayaa looga sii gudbi doonaa Talaabada 4aad, oo ah
Dhedhexaadin.
C.
(Ikhitiyaar) Dhexdhexaadin
Tallaabada 3-aad: Sida kala doorashada kahor dhexdhexaadinta kamadanbaysta
ah iyo dhexdhexaadinta khasabka ah ee ku xusan Talaabada 4, haddii arrinta aan
lagu xalin Talaabada 2 dhinacyada ayaa laga yaabaa inay doortaan heshiish loo
wada dhan yahay si loogu gudbiyo arrinta dhexdhexaaditna si loo xaloiyo arrinta.
Dhinaca codsanaya dhexdhexaadinta ee khilaafka waxaa waajib uu ka saaray
yahay inay ku wargaliyaan dhinaca kale muddo aan ka danbayn muddo (10) oo
ka bilaabanta taariikhda la helay rasiidhka Ururka shaqaalaha jawaabta Gobolka
ee ku qoran Talaabada 2aad. Dhinaca hela codsiga dhexdhexaadinta waxaa
waajiba inay ku wargalinayaa dhinaca kale muddo (10) casho ah gudahood
taariikhda la helay rasiidhka codsiga haddii ama ay ku raacaan si ay u
dhexdhexaadiyaan khilaafka. Haddii dhinaca hela codsigu aanu ku raacsanayn si
uu u dhexdhexaadiyo khilaafka Ururka shaqaalaha ayaa laga yaabaa, muddo shan
iyo tobon (15) caso ah taariikhda ogaysiinta ee go’aanka ah inaan la
dhexdhexaadin, waxaa looga gudbayaa Talaabada 4aad, ee ah dhexdhexaadinta.
Haddii dhinacyadu ay isku raacaan dhexdhexaadinta, waxay dooran doonaan
dhexdhexaadiye dhexdhexaada. Labada dhinacba waxay u gudbin doonaa
warbixin qoraala halka ay ka taagan yihiin arrinta. Dhexdhexaadiyaha ayaa laga
yaabaa inay si foolka foola iskuugu keenaan dhinacyada si ay ay iskuugu dayaan
xalinta arrinta.
Dhinacyada ayaa kii kastaaba bixin doonaa kala badh (1/2) kharashaadka ama
lacagaha, haddii mid kamida, dhexdhexaadiyaha dhexdhexaadka ah. Dhinicii
kasta ayaa ka masuul noqon doona kharashaadka iyaga u gaarka ah, oo y ku
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
10
jiraan kharashaadka wakiilashada, taageerista
wakiilada lamgacaabay.
iyo iyo kharashaadka dhinac
Haddii arrintu si guula loo xaliyo dhexdhexaadinta, go’aanka ayaa khasbi doona
dhammaan dhinacyada, ayaa, ilamaaa si gaara ay haddiise kale iskuugu raacaan,
u samayn doona nooc arrinta la mida. Haddii arrinta aan si guul leh aan loo xalin
dhexdhexaadinta, Ururka shaqaalaha ayaa laga yaabaa, muddo shan iyo (15)
casho ah taarikhda maalmaha la helao rasiidhka ku dhawaaqitaanka warbixinta
qoraalka ah ama diidista xalinta ay soo jeediyeen labada dhinac midkood, waxaa
looga gudbayaa Talaabada 4aad, ee Dhexdhexaadinta.
D.
Dhex-dhexaadin
Tallaabada 4-aad: Haddii saluuga shaqaaluha aan lagu xalin Talaabada 2 ama 3,
Ururka shaqaalaha ayaa laga yaabaa inuu, waqti gudaheed sida xagga sare ku
xusan, loo faylgarayn doono codsiga dhexdhexaadinta Gobolka. Dhinacyada
ayaa dooran doona dhexdhexaadiye heshiish loo wada dhanyahay ama, ku
guuldaraysashada si la iskula loo ogolaado dhexdhexaadiyaha, Ururka
Shaqaalaha ayaa, muddo shan iyo (15) taariikhda maalmaha codsiga ee
dhexdhexaadinta, codsiga liiska todoba (7) dhexdhexaadiye oo ka socda Ururka
Dhexdhexaadinta Ameerikaanka.
Dhinacyada ayaa ka dooran doona si
iskubadala magacyada ugu caansan liiska todobada (7) dhexdhexaadiye. Dhururi
la tuuray ayaa lagu qeexi cidda qaadanaysa darbadda hore.
Dhexdhexaadiyaha ma yeelan doona awood uu wax ku daro ama ka jaro, ama ku
beddelo shuruudaha ama qodobada Heshiiska. Dhexdhexaadiyaha ayaa la lagu
xadidi doonaa go’aankiisa go’aankeeda arrimaha la xidhiidha arrimaha saluuga
ilamaa dhinacyadu ay isku raacaan dib u cusboonaysiinta. Sidoo kale,
dhexdhexaadiyahu ma bixin doono madhaw kasta oo kawayn inta ay tahay
saluugaha shaqadu inuu helo taas oo aan xadgudub kusamaynayn Heshiiskan.
Qofka garta goynayo dhinacii uu xaal u garto ayaa raalli lagu wada ahaan doona
oo labada dhinacba khasab ayey ku noqoneysaa. Dhinacyada ayaa kii kastaaba uu
bixin doonaa kala badh (1/2) kharashaadka Dhexdhexaaditna, oo ay ku jirto
kharashaadka Dhexdhexaadiyah iyo kharashaadkii kasta ee iyada lafahaanteeda
ka soo horumara. Haddaba dhinac walba waxa uu masuul ka yahay wixii kharash
ah ee danahooda uga baxa, Qareen iyo markhaatiyaal. Haddii ay dhacdo in dib
loo dhigo ama laga takhaluso dacwad dhexdhexaadin iyadoo ay ugu wacan tahay
mid ka mid ah labada dhinac ee is haya, dhinicii maqan ayaa dusha laga saarayaa
wixii kharash ah ee ka soo baxa dib u dhigista ama ka takhalusidda. Labada
dhinac si isle’eg ayey u wada qeybsan doonaan kharashka ka yimaada dib-udhigista ama ka takhalusidda wixii wadjir ahaan loogu heshiiyey.
6.3
Mushaarka Caadiga ah iyo Mushaarka Dheeraadka ah
Wixii khilaaf ah ee la xiriira arrimaha mushaarka (ee aan ka ahayn mushaarka khaldan ee
dheeraadka ah) waa in ay soo maraan nidaamka cabashada. Khilaafaadka khuseeya
mushaarka khaldan ee dheeraadka ah waa kan keliya ee lagu xalliyo Nidaam Dhageysi oo
Caddaalad ah.
6.4
Shati-u-helidda iyo Arrimaha Sharciyada
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
11
Arrimaha khuseeya shatiga shaqaalaha (kuwaas oo ay ku jirto diidmo, sidii la iska
filayey, in muddo yar la iska qaado, and in si toos ah la iskala noqdo shatiga) wax shaqo
ah kuma laha nidaamka cabashada.
Arrimaha ku lug leh awoodda uu Gobolku ku fulin karo WAC ee la xiriirta sida xaq
loogu yeesho shaqaalaha xannaannada carruurta ee aan shatiga laga rabin (kuwaasoo ay
ku jiraan laakiin aan ku ekayn xadka xannaannada, markhaatikaca qofka shaqaalaha ah,
in la soo baarto qofka taariikhdiisii hore iyo habsankii shaqada ee qofkaas), waxaasoo
dhan waxa ay ku lug leeyihiin nidaamka cabashada.
QODOBKA 7
SHIRARKA GUDDIGA SHAQAALAHA/MAAMULKA
7.1
Guddiga Maamulka Shaqaalaha
Si ay qasdi ahaan shaqaalaha iyo maamulkoodu u yeeshaan xiriir joogto ah iyo si ay
wadajir ahaan uga faalloodaan arrimaha khuseeya danaha labada dhinac, wakiillada
Gobolka ayaa la kulmi doona markii ay lagama maarmaan noqoto, laakiin waxay
noqoneysaa wax aan ka yareyn lixdii biloodba mar, iyadoo ay joogaan wakiillada Ururka
Shaqaalaha. Dhinacyada ayaa iswaydaarsan doona qodobada wadahadalada muddo
soddon (30) casho ah taariikhda maalmaha kahor taariikhda kulanka loo qabtay. Waxaa
jiri doona ugu yaraan saddex (3) toddobaad oo ah ogaysiiska ku saabsan kulanadan.
Xubinada guddiga waxaa ku jiro wakiilayaasha Ururka, Waaxda Waxbarashada
Horey iyo Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka.
Marka lagu daro arrimaha socda ee la xidhiidha dhibta loo wada dhan yahay, Guddiga
Maaraynta Shaqaalaha ayaa laga yaabaa inay martiqaadaan jiida ay ka kooban yihiin
khabiirada ka socda xafiisyada Laxidhiidha Gobolka (tusaale ahaan., Waaxda Waqti hore
Kabarashada iyo Waaxda Bulshada iyo Maamulka Adeegga Caafimaadka Carruurta,
Maamulka Adeeggyada Dhaqaalaha, iyo Nidaamka Mushahar bixinta Adeegga
Bulshada) si ay uga wadahadlaan jiidaha gaarka ah ee la xaqiijiyey, oo ay ka mid yihiin
laakiin aan uun ku xadididnayn arrimaha mushahar bixinta, horumarinta kartida ku jirta
barnaamijyada daryeelka ilmhaa Gobolka, iyo tayada gunooyinka loogu talogalya
daryeelka ilmaha qoyska.
QODOBKA 8
SHURUUDAHA LA ISKA RABO
8.1
Dakhliga oo La Soo Caddeeyo
Kolka uu jiro codsi la tixgelinayo oo ka yimaada qof Shaqaale ah ama qof kale oo
saddexaad oo oggolaansho qoraal ah ka haysta qofka Shaqaalaha ah, Gobolku wuxuu
bixin karaa caddeyn qoraal ah oo ku saabsan mushaarkii horay loo siiyey qofka
Shaqaalaha ah iyo sida uu ula baayactamo Qofka Shaqaalaha ah.
8.2
Lama Oggola Shaqo-joojin Iyo In Shaqada Irridaha Loo Laabo
Inta lagu jiro shuruuda heshiiskan, Ururka shaqaalaha midkoodna, bixiyayaasha
daryeelka ilmaha wakiiladooda midkoodna si toosa ama si dadban ugu lug yeelan
maayaan, awood u yeelan maayaan, caawinmaayaan, dhiirigalinmaayaan,
cunaqabataynmaayaan ama taageeri maayaan shaqo joojintii kasta, mudaharaad, shaqo
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
12
kacagajiidis, shaqo ka jirranaan ama faragalino kale oo iskumida oo lagu sameeyo
adeegga la siiyo carruurta ee ay bixiyeen daryeel bixiyayaasha ilmaha.
Ururka Shaqalaaha, daryeel bixiyayaasha ilmaha iyo wakiiladoodu ma samayn doonaan,
ujeedooyinka lagu hirgalinayo Heshiishkan, ee ah shaqo iska hor istaagista ka dhanka ah
mid kastoo ama dhammaan laamaha iyo waaxyaha uu ka kooban yahay Gobolka dawlada
Washington, Gobolka Washington, wakiiladiisa ee /ama wakiiladooda. Haddii uu
Gobolku rumeysan yahay in ay jirto ama dhacayso hawl uu mamnuucayo Qodobkan,
wakiillada Gobolka waxa ay la xiriiri doonaan Guddoomiyaha Ururka ka hor inta aan
shaqaalaha lagu sameyn wax tallaabo sharci ah si Ururka Shaqaalaha fursad loogu siiyo
in ay xubnahooda ku wargeliyaan shuruudaha kunturaadda iyo sharciga.
Iyada oo la aqoonsan yahay xuquuqda uu waalidka/masuulku ku xulan karo, ku
shaqaaleyn karo, ama uu sabab awgeed iyo sabab la’aan shaqada uga joojin karo Qofka
Shaqaalaha ah ee carruurta haya, ayey labada dhinac ee heshiiska waxa ay isku raaceen in
uusan Gobolku wax awood ah u lahayn in uu irridaha u laabo Ururka Shaqaalaha ama
shaqaalaha carruurta haya.
8.3
Dukumiintiga Qofka Shaqaalaha ah:
Qofka Shaqaalaha ah ee carruurta haya wuxuu u kuurgali karaa waraaqaha shaqada ee uu
leeyahay ee ay Gobolku gacanta ku hayaan. Haddii waraaqaha shaqada la eegayo kolka
lagu guda jiro saacadaha shaqada, waxaa waajib ah in ay joogaan wakiillo ka socda
Gobolka haddii aysan iyagu ka tala bixin. Haddii ay Ururka Shaqaalaha doonayaan in ay
arkaan qof Shaqaale ah waraaqihiisa shaqada, waxaa laga rabaa in ay haystaan
oggolaansho qoraal ah ka hor inta aysan dalban. Qofka Shaqaalaha iyo/ama Ururka
Shaqaalaha midna ma baddeli karo waxyaabaha ku qoran waraaqaha shaqada; haddaba
Qofka Shaqaalaha Carruurta ah wuxuu keeni karaa diidmada oo qoraal ah oo ay la socoto
waraaqaha dacwada lagu tixgelinayo. Bixiye kasta ayaa laga yaabaa inuu codsado
nuqulka waraaqihiisa ama waraaqaheeda wuxaanu ku heli doonaa wuxuu codsaday
muddo shan iyo afatan (45) gudahooda taariikhda maalmaha la helo codisga oo qoran,
marka laga reebo gudbitaanada hadda arrinkoodu uu taagan yahay iyo cabashooyinka aan
la xallinin. Gobolku wuxuu ku dallaci karaa lacag macquul ah oo lagu sameeyo koobbiga
waraaqaha ay soo codsadaan Shaqaalaha ama Ururka Shaqaalaha. Haddii bixiyayaashu
ay hayaan su’aalo ku saabsan mid kamida macluumaadka kaas oo la bixiyey, waxay
faylgarayn karaan codsi qoraala oo wata Waaxda Barashada Waqti hore ogaanshaha
(DEL) dib u eegistooda, faahfaahintooda iyo sixitaankooda, haddii loo baahdo.
Sida waafaqsan Xeerka 3 ee Heshiiskaan, Qaybtan qaybna loo tarjuman maayo inay u
taagan yihiin bixiyayaashu in ay u isticmaalaan sida loo isticmaalo waraaqaha.
8.4
Waraaqaha oo La Turjumo iyo in Turjubaan La Diyaarsho
Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Waxbarashada Carruurta yar waxay sii wadi doonaan
inaay soo saran dokumentiyo luqada Isbaanishka iyo Ingiriiska, ay ku jirto foomamka
shatiga, foomamka baahida gaarka ah, Su’aalo & Jawaab, hagaha kharashka dib loo gudo
iyo macluumaadka Guul-gaareyaasha Horey QRIS. “Dokumentiyada” ee qaybtaan waa
inaysan ku jirin RCW ama WAC.
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
13
Gobolka waa inuu sii isticmaalo turjubaano, sida loo baahan yahay iyo sida loo codsadey,
markii ay la xiriirayaan bixiyayaasha xannaanada cunugga. Gaar ahaan, adeeg turjubaan
ayaa loo bixin doonaa wicitaanyada telefoonka, tababarka, kullamada, iyo dhegeysiga
shacbiga markii horey loo soo codsado.
8.5
Xuquuqda Shaqaalaha
Gobolku wuxuu aqoonsan yahay xuquuqda shaqaalaha si ay u soo helaan meel ay ku
hayaan carruurta, si ay u joojin karaan shaqada ay u hayaan Waalidka/Masuulka, iyo si ay
xiriir hoosaad u gaar ah ula yeeshaan Waalidka/Masuulka; xiriirkaas waa in uusan ka hor
imaan karin sharciga dowladda dhexe, kan gobolka, sharciyada Waaxda Waxbarashada
Bilowga ah (DEL) iyo sharciyada kale ee u deggan barnaamijyada dhaqaalaha lagu kabo
ee dowladda dhexe ama gobolka.
QODOBKA 9
MUSHAAR-BIXINTA
9.1
Mushaarka oo Aan Soo Daahin iyo ikhtiyaakra Cadhbuunta Mushahar bixinta
Tooska ah
Qaansheegaha la bixiyey ayaa lagu gudbinayaaa sida saxda ah ee ugu haboon, Gobolka
ayaa xaqiijin doona in daryeel ilmo bixiyayaashu ay sid ugu haboon u helaan, mushahar
bixin joogta ah oo saxa oo loogu talogaly daryeelka ayaa la bixinayaa. Bixiye ayaa laga
yaabaa inuu dhammaystiro qaansheegta boostada, ama doorasho kale ayaa laga yaabaa in
uu sameeyo si loo gudbiyo qaansheegta iyagoo ka wacaya Qaansheegta Degdega ah ee
laga bilaabo telefoonka hal mar la taabto. Bixiyayaashu ma isticmaali doonaan labada
qaab ee qaansheegta qaan sheeg isku mida. Mushahar bixinta ay sabab u noqotay
qaansheegta macquulka ah ayaa laga shaqayn doonaa arrinteeda maalinta koowaad ee
ganacsiga bisha soo socota ee bilihii ugu danbeeyey adeegga ku saabsan qaansheegta,
ama kadib wacitaanka qaansheegta, kuu doono ha ka danbeeyee.
Mushahar bixinta ayaa boosta loogu diri doonaa iyadoo loo sii marin doono Adeega
Boostada United States, kaas oo arrinta Gobolku aanu damaanad qaadi karin taariikhda
bixinta, ama codsiga bixiyaha ayaa ugu ti toosa uga shaqayn doona cadhbuunta tooska
ah. Mushahar bixinta la siinayo bixiyayaasha dooranaya cadhbuunta tooska ah ayey gu
wareejin doonaa maxadka maaliyada bixiyaha shanta (5th) oo sharaxaaad ka bixinaya
maalinta ganacsiga soo socota ee lagaga shaqaynayo mushahar bixinta.
Haddii qaansheegtu ay tahay sax oo ay jirto mushahar aan la bixin, bixiyaha waxa la
gudboon inuu gudbidyo dhammaan qaansheegta mushahar bixint marka hore kadibna uu
la xidhiidho Isku xidhka Shaqada Daryeelka Ilmaha (WCCC) Khadka Bixiyaha ama
Maamulka Carruurta (CA) aaminaada goboleedka ama shaqaalaha bulshada loo
qoondeeyey si uu warbixin uga bixiyo mushaharka aan la bixin. Mushaharka aan la bixin
ayaa la sixi doonaa helitaanka dheeraadka ah eek u xiga ama qaansheegta joogtada ah,
kolba tii soo horumarita ta ay doonto ha noqotee.
9.2
Mushaarka oo Lagu Saleeyo Shaqadii La Qabtay
Xadiga mushahar bixintu waxay weeye xadiga mushahar siinta gaarka ah ee bixiyaha
ama xadiga Gobolka, kay doontaba ha kayaraatee. Mushahar bixinta ayaa waxaa siin
doonaa:
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
14
A.
Isticmaalaha u qalma iyo loo soo saaray abaalmarinta/warqada badalka, ama
bixiyaha qoraalka lagu wargaliyey qoraal ahaan (abaalmarinta/warqada badalka);
iyo
B.
Isticmaalaha la dootay:
C.
1.
Bixiyaha u qalma ee ruqsada u haysta; ama
2.
bixiyaha FFN kaas oo dhammaystiray Qaybta 2 ee codisiga ee aan u
qalmin macluumaadka jeega; ee
Bixiyaha runt haantii siiya dareyeelka ilmaha, isla taariikhda gudaheeda u
qalmanaanta ay uka kooban tahaya warqada abaal marinta ama qorshaha
daryeelka ilmaha.
Haddii uu bixiyuhu helo cadayn afka ah oo ah ogolaanshana laga helo WCCC,
cadayn email ayaa loo diri doonaa haddii uu cinwaanka bixiyaha uu kuu jiro
faylka bixiyaha. Macluumaadka ku saabsan xaalada qoyska, bixiyayaasha ayaa
laga yaabaa inay sidoo kale wacaan Lambarka Iskuxidhka Shaqada Telefoonka
Macluumaadka Iskii isku wada (WCIP) ku yaalo in Qoraalka Sharraxaadda E, ee
ku lifaaqan. Macluumaadka ku saabsan khadkan iskii isku wada waxaa dib loo
cusboonaysiiyaa afar iyo labaatankii (24) saacadood ee kasta.
D.
9.3
Markii la dhameystiro iyo la aqbalo codsiga koowaad ee macmiilka, maalinta
koowaad ee ogolaanshada wuxuu noqon doonaa midka taariikhda shaabadda ku
taalo codsiga, ama markii la geliyey kombyuutarka, midka ugu horeysa.
Bixiyayaasha waxaa la siin doonaa lacagta oo dhan ee xannaanada cunugga la
ogolaadey. Haddii dawladda macmiilka ka codsado macluumaad taageerid
dheeraad ah ka dib markuu helo codsiga koowaad, iyo macluumaadka lagu
baxsho waqtiga la ogol yahay iyo macmiilka loo ogol yahay inuu helo adeegyada
xannaanada cunugga, markaa maalinta koowaad ee la ogol yahay wuxuu noqon
doonaa taariikhda ku qoran shaabadda, ama markii la geliyo kombyuutarka,
midka ugu horeysa.
Dhammaadka Taariikh Xusuusiyaha iyo Ogaysiiska Shaqo kacadhaynta aan
Qoshaysnayn – Iskuxidhka Shaqada Daryeelka Ilamaha (WCCC) iyo Xiliga
Daryeelka Ilamaha (SCC)
A.
Dhammaadka Taariikh Xasuusiyaha
Dhammaadka taariikh xasuusiyahu waxa weeye ogaysiiska in loo diro bixiyaha
kahor dhammaadka muddada ogolaanshaha, xasuusinta bixiyaha in muddada
ogolaanshahu uu waqtigiisu dhici doono muddo waqtigeedu uu cayiman yahay.
Ee WCCC, dhammaadka taariikhda xasuusiyayaasha aya boostada loogu diri
doonaa shan (5) toddobaad kahor dhammaadka ogolaanshaha.
B.
Shaqo kacaydhinta aan Qorshaysnayn
Shaqo kacaydhinta aan qorshaysnayn waxay dhacdaa marka daryeelu uu
dhammaado kahor dhammaadka taariikhda la filanayo ogolaanshaha. Shaqo
kacaydhinta aan qorshaysnayn waxay had iyo jeer ay sabab u tahay xaaladaha
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
15
isticmaalaha, sida kulan aan sii yeelan doonin dhammaystirka shuruudaha
uqalmanaanta lagaga qaybqaadanayo shaqada la ogolaaday ee waafaqsan
shuruudaha Xeerka Uruursan ee Washington (WAC) 170-290.
Gobolka ayaa ku wargalin doona daryeel bixiyayaasha ilmaha shaqo ka cayhsinta
aan qorshaysnayn ee waxtarada deeq kaabista loogu talogalay illmaha ama
isticmaalaha isla waqtiga isticmaalaha la wargaliyo. Haddii bixiyuhu uu
leeyahay cinwaanka emaylka ku yaala faylka bixiyaha, bixiyaha ayaa ku heli
doona ogaysiiska shaqo ka caydhinta aan qorshaysnayn emayl. WCCC iyo
bixiyayaasha SCC ayaa la siin doonaa muddo tobon (10) casho ah maalmaha
taariikhda ogaysiiska qoraalka ah kahor shaqo ka cayhsinta aan qorshaysnayn.
Haddii bixiyuhua uu helo ogaysiiska kadib taariikhda shaqo ka cayhsinta aan
qorshaysnayn, bixiyaha ayaa lacagta la siin doonaa marka ay hirgasho dhammaan
daryeelka loogu la bixiyey kadib taariikhda shaqo ka caydhinta aan qorshaysn
iyo kahor helitaanka ogaysiiska, lasiiyey daryeelkii dhacay intii lagu gudo jiray
muddadii ogolaanshahii hore ee la filanayey.
9.4
Shaqo kacaydhinta Qorshaysan iyo ta Aan Qorshaysnayn – Maamulka Carruurta
(CA)
Dhinacyada aqoonsan dabeecada gaarka ahi ee kaliya ee baahida daryeelka ilmaha
Maamulka Carruurta. Maamulka Carruurta waxaa amra wakaalada dadwaynaha
samafalka ilmaha ee Gobolka Washington kaas oo u shaqeeya caruurta lagu tacadiyey
ama la dayacay iyo qoysaskooda. Sharci fulinta iyo maxkamadahu waxay leeyihiin
doorar ay ku ilaaliyaan, ku meeleeyaan iyo qorshaynta adeegga baahida ilmaha.
Dacwadahu waa qaar aad u qalafsan, oo leh waqtiyo aad u balaadhan oo dawlada dhexe
ay dajisay iyos xeerar ay waajib tahay in loo raaco sida ay dantu ugu jirto ilmaha.
Dhinacyada ayaa aqoonsan in guud ahaan aragtida ku xeeran iyo qaab dhismeedka
waajibka ah, ay jiraan waqtiyo degdeg ah iyo dhaqaaq aan la adorosgarayn oo laa yaabo
inay lagamamaarmaan u tahay ilmaha.
A.
Oggolaanshaha iyo Soo_Afjarida Qorshaysan
1.
Haddiba ay dhacdo in daryeelka ilmuhu bilabmo kahor imaanshiyaha
bilawaga oggolaansha ogaysiisaka ee daryeelka ilmaha cusub, bixiyaha
ayaa damaanad qaadaya mushahar bixinta adeegga la bixiyey kahor
helitaaanka oggolaanshaha. Laga soo bilaabo oggolaanshaha Maamulka
Carruurta ayaa ah bilb bisha kadanbaysa, bixiyayaasha ayaa sii
odorosgarayn kara oggolaanshaha inuu sii socdo bisha ku xigta ilamaa
lagu wargaliyo qoraar ama hadal.
2.
Marka uu daryeelka ilmuha la oggolaado, haddii Maamulka Carruurta uu
sii odorosgareeyo isbadalka qorshaha adeegga intaas ka dib daryeelka
ilmuha waa soo afjari donaa oo ilmahana waxaa lagu meelayn doonaa
guri ka duwan, Maamulka Carruurta ayaa siin doonaa bixiyaha ogaysiis
qoraala ama afka ah ugu yaraan (10) maalmaha kahor taariikhda soo
afjarista qorshaysan.
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
16
B.
9.5
Soo-Afjarista aan Qorshaysnayn
Haddiiba ay dhacdo in ay jirto ku dhaqaaqid degdeg ah iyo iyadoon la sii
odorosgarayn ilamha taas oo lagamamaarmaan ka dhigaysa adeegga daryeelka
ilmaha, waxaa jiri doona xaqiiqda kadiba ogaysiis la habeeyey oo loo soo marin
doono Nidaamka Mushahar bixinta Adeegga Bulshada
DSHS (SSPS)
adeeggaasna oo la joojiyey. Bixiyayaasha ayaa lacagtooda dib loogu celin
doonaa adeegga daryeelka ilmaha ay bixiyeen awgeed. Bixiyayaasha ayaa laga
yaabaa inay codsadaan magdhaw marka ay galaan kharashka (tusaale ahaan,
shaqalaysiinta dheeraadka ah) ka qaybqaadashada bixinta daryeelka ilmaha ee
socda si loogu gudbiyo Maamulka Carruurta ilmaha la kulmay joojinta aan
qorshaysayn, oo ay sabab u noqdeen bixiyaha oo ka balanqaaday si aanu
kharashaadka dib u bixin.
Kolka Mushaarku Khalad Galo
Bixiyayaasha waxaa la gudboon inay gudbiyaan qaansheegta mushahar bixinta si ay
Gobolka ugu gudbiyaan adeegga daryeelka ilmaha muddo aan ka danbayn laba iyo toban
(12) bilood kadib taariikhda adeegga.
Iyada oo la doonayo in la saxo wixii khalad ee xagga mushaarka ah (kolka waqtigii la
rabay lagu soo gudbiyo wixii la isku leeyahay), waqtiga kama dambeysta ah ee dhinac
walba laga rabo in lagu saxo wixii khalad mushaar ah oo dhacay waxa uu noqon doonaa
sida soo socota:
A.
Laba (2) sano haddii uu khaladku ka yimaado dhinaca sicirka mushaarka ah ee
da’da iyo/ama meesha degaanka ah; Iyo (Labadan (2) sanno xadidistu wax
saamayn ah ku yeelan mayso hanti dhawrka dawlada dhexe, kaas oo ay dib ugu
laabanayso saddex (3) sannadood.)
B.
Ilaa iyo saddex (3) sano haddii khaladku ka yimaado meelo kale.
Gobolka iyo qofka shaqaalaha ah waxa ay tixgelin siinayaan caddadka lagu leeyahay iyo
waxyaabaha kale ee soo ifbixi kara haddii la rabo in mushaarka la bixiyo. Gobolku uma
raacanayo qofka Shaqaalaha ah wixii mushaar dheeraad ah oo waqti kasta ku qaata kolka
mushaarka si khalad ah lagu bixiyo oo uu khaladkuna ka socdo dhinaca waalidka.
Wixii khalad ee ka yimaada qof mushaar lagu yareeyey waa in cabasho laga keenaa.
Wixii khalad ah oo ka yimaada qof mushaar dheeraad ah la siiyey wax cabasho ah
lagama keeni karo, laakiin waxaa lagu sameyn doonaa baaris dhageysi oo caddaalad ah.
9.6
Isbeddalada Oggolaanshaha iyo Codsiyada Labaad
Qofka Shaqaalaha ah waxaa cinwaanka intarnetka (email) koobbi ahaan, ama fakis lagu
siin doonaa xaqiijinta xannaannada oo qoraal ah ama in uu sameeyo xannaano ka hor inta
aysan bilaaban xannaannada.
Marka loo baahdo codsi kol labaad la keeno, Waalidka/Masuulku waa in uu soo gudbiyo
codsiga labaad ee dhaqaale kabista ah oo buuxa oo wuxuu u baahnaan doonaa
oggolaansho ka hor inta uusan dhammaan oggolaansha uu hadda haysto. Haddii
xannaannada kol dambe la oggolaado qofka shaqaalaha ah waxaa mushaarka looga soo
bilaabayaa markii ay xannaannadu bilaabatay, xitaa haddii ay dhacday wakhti u
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
17
dhaxeeyey oggolaanshaha. Haddii aan xannaannada la oggolaan Gobolku ma bixinayo
wax mushaar ah oo la siinayo qofka shaqaalaha ah ee carruurta hayey ilaa uu
Waalidka/Masuulku soo diro waraaqaha muhiimka ah.
Qofka Shaqaalaha ah wuxuu Waalidka/Masuulka ka heli karaa in warbixin looga gudbiyo
Gobolka si uu xukuumadda shaqaalaha uga soo caddeeyo in loo oggol yahay dib-u-codsi
iyo in kale.
9.7
Wakhti loo Fasaxey Waalidka/Masuulka
Qofka shaqaalaha ah si loogu mushaaro wakhtiga shaqada waa in Waalidka/Masuulku u
shaqada dibeddiisa loo fasaxo iyo waa inuu wax-qabadka la fasaxey soo sheego ama
taleefan soo diro haddii uu u baahan yahay xannaanada lagama maarmaanka u ah inta uu
ku jiro wakhtiga wax-qabadka la fasaxey. Marka uu Gobolka oggolaado wakhtiga waxqabadkaay u baahan yihiin Waalidka/Masuulka, Qofka Shaqaalaha ah waxaa lagu
mushaari doonaa mid dib loogu raaco xannaannadii hore ee waqtiyada wax-qabadka laga
fasaxey shaqada. Haddii waqtiga wax-qabadka la fasaxey uu sababo in bixiyaha ruqsada
haystaa uu kabadiyo muddo dhan (10) saacadood daryeelka afar iyo labaatan (24)
saacadood, shuruucda Xeerka 10.2 ee Saacadaha aan Joogtada ahayn iyo Waqtiyada
dheeraadka ah ee Mushahar bixinta ayaa la dabbakhi doonaa.
QODOBKA 10
LACAGAHA KALA DUWAN EE LA BIXIYO
10.1
Lacagta Is-diiwaan-gelinta
Gobolka ayaa ka bixin doona lacagta tasjiilinta sannadkiiba ilaa konton doollar ($50.00)
ilmihii kasta ee bixiyayaasha ruqsada haysta oo isagu leh siyaasadda qoran si lacag looga
qaado dhammaan qoysaska lacagta is-diiwaan- gelinta. Gobolku wuxuu lacagtaas bixin
doonaa in ka badan hal mar sannadkiiba haddii uu cunuggu ka tago xannaano oo uu dib
ugu soo noqdo in ka badan lixdan (60) maalmood ka dib.
Shaqaalaha oo dhan waa in ay hubiyaan in ay lacagta diiwaangelinta ah ee ay ku
dallacayaan Gobolka aysan ka badnayn inta ay ku bixiyaan diiwaangelinta laga rabo.
Haddii bixiyuhu uu lacag ka qaato Gobolka oo ah xadi ka sarreeya ta uu ay si gaar ah loo
siiyo isticmaalaha, bixiyaha ayaa leh masuuliyada inuu mushahar dheeraad ah bixiyo iyo
inuu dib lacagta ugu celiyo Gobolka ku leh.
10.2
Saacadaha aan Joogtada ahayn iyo Mushahar bixinta Waqtiga Dheeraadka ah
Shaqaalaha shatiga leh waxa loo raacayaa sharciga haatan u yaalla saacadaha dheeraadka
ah, gaar ahaan wixii saacado ah ee ka badan toban saac (10) maalintii, waxaa loogu
darayaa maalin nuskeed oo mushaar ah (1/2) saacaddiiba, waxa kale oo uu Gobolku ugu
darayaa hal maalin oo mushaar ah haddii ay shaqeeyaan hal maalin muddo ka badan
shan-iyo-toban (15) saac oo ah afar-iyo-labaatan (24) saac gudahood.
Gobolka ayaa isla markiiiba u oggolaan doona ikhtiyaarka mushahar bixinta saacadaha
aan joogtada ahayn marka ay u cadaato shaqaalaha oggolaanshaha haysta, ku
salaysnaaanta macluumaadka la xidhiidha shaqada la oggolaaday ee laga helay loo
shaqeeyaha, dugsiga, maareeyaha dacwada WorkFirst, ama u adeeggaha bulshada
Maamulka Carruurta, kaas oo uu ilmuhu u baahan doono soddon (30) saacadood ama
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
18
wax ka badan daryeelaka aan joogtada ahayn bishiiba. Saacadaha aan joogtada ahayn
ayaa ku qeexan sida ka hor 6:00 g.h., kadib 6:00 g.d. ama saacadaha maalmaha Sabtida,
Axada ama fasaxa. Marka bixiyaha ruqsada haystaa uu gaadho soddon (30) saacadood
xaddi ahaan, Gobolka ayaa ku ogolaanaya inuu bixinaya gunooyin dhan toddobaatan iyo
shan doolar saacadaha aan joogtada ahayn ($75) ilmihii kasta bishiiba. Lacagta guud ee
lagu bixinayo lacagta dheeriga ah ee saacadaha aan caadiga ahayn waa in aysan ka badan
shan milyan doollar ($5,000,000) labadii sano, laba milyan iyo shan boqol kun oo doollar
($2,500,000) sannadka hore iyo laba million iyo shan boqol kun oo doollar ($2,500,000)
sannadka labaad ee Heshiiska; bixinta, taas haddii lacagta loo qoondeeyey boonooyinka
saacadaha aan joogtada ahayn qoyska daryeel bixiyayaasha ilmaha oo uu gaadho xadiga
xadidista oo dhan laba milyan iyo shan boqol kun oo doollar ($2,500,000) hal sanoo ama
laba sanno midkood Heshiiska,kasokow qiyaasta xadiga xagga sare ku xusan, Gobolka
ayaa bixin doona boonooyinka saacadaha aan joogtada ahayn qoyska daryeel
bixiyayaasha ilmaha bishii kasta taas oo boonooyinka la siinayo xarumaha daryeelka
ilmaha ruqsada du haysta boonooyinka. Gobolka ayaa ku ogolaan doona inuu siiyo
macluumaad Ururka shaqaalaha bishiiba iyadoo la xidhiidho isticmaalka boonooyinka
saacadaha aan joogtada ahayn.
10.3
Lacagta Lagu Qaadanayo Saacadaha Shaqada Ka Baxsan /Tayada Lagu
horumarinayo Lacagta
Gobolka ayaa lacagta dib ugu celin doona qoyska ruqsada u haysta daryeel daryeel
bixiyaasha ilamaha kuwaas oo leh siyaasad qoran sinay lacag ug qaadaan dhammaan
qoysaska lacagta socdaalka shaqadoodu ay gaadhayso ilaa soddon doolar ($30) ilmihii
bishii kasta, iyadoon loo eegayn da’da, lacagta oggolaanshaha iyo hawlaha kale ee lagu
socodsiinayo hawsha. Isugaynta kharashaadka lacagahan ka badan maayaan toddobo
boqol iyo labaatan kun oo doolar ($720,000) intuu ka socdo Heshiiskan. Lacagta ayaa
dabooli doonta shaqooyinka gaarka ah, sida:
A.
Kharashaadka ogolaanshaha (tusaale ahaan: beerta xayawaanka, guriga hidaha
iyo dhaqanka, shaneemooyinka, baraagaha dabaasha, iwm.);
B.
Barnmijyada horumarinta iyo/ama casharada socda (tusaale ahaan, fasalada
luqada, jimicsiyada, casharada dabaasha ma casharada muusiga);
C.
Gaadiidka dadwaynaha (dib u celinta kharashka maylka sicirka Xafiiska
Maamulka Maaliyadda ee isticmaalka baabuur la leeyahay);
D.
Kharashaadka kiraysiga qof aan ahayn shaqaale si uu u qabto shaqada jiida
daryeelka ilmaha (tusaale ahaan, ka qosliye, faras raacis, muusig ku ciyaarsiin,
iwm.); ama
E.
Iibsiga ka hor manhajka dugsiga carruurta, ama, haddii bixiyuhu uu leeyahay
aqoon ay aqoonsan tahay DEL, bixiyaha ayaa laga yaabaa inuu kobciyo
manhajkiisa ama manhajkeeda iyo iibsiga qalabka uu ku taageerayao.
Lacagta lagu horumarniyo tayada shaqada goobta ma dabooli doonto; lacagta
kharashaadka ama ogolaanshaha loogu talogalay dadka waawayn ee ku jira safarrada
shaqada; ama cuntada laga soo iibsday safarka shaqada.
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
19
10.4
Lacagta Lagu Aado Dibad-bax Waxbarasho ah
Si loo helo qiyaasta baahida gaarka ah, waxaa waajib ah in codsiga la dhammaystiro.
Codsiga baahida gaarka ahi wuxuu u baahan yahay:
A.
Warbixin qoraala oo ka socota adeegga caafimaadka, caafimaadka maskaxda,
adeega bulshada, ama xirfad waxbarasho wadata ugunyaran shahaadad
Maastarta, ama ka socota kalkaaliye tasjiilsan. Cadayntu waa inay faahfaahisaa
heerka daryeelka looga baahan yahay daryeelka xaalada ilmaha;
B.
Warbixin qoraala oo ka socota daryeel bixiyaha ilmaha taas oo sharaxaad ka
bixinaysa baahida daryeelka gaarka ah ee ilmha ku jirta daryeelka xaalada
ilmaha iyo kharashaadka la xidhiidha daryeelka gaarka ah; iyo
C.
Saxeexa waalidka ama masuulka.
Gobolka ayaa aqbali doona Qorshaha Adeegga Qoyska Gaarka ah (IFSP), Qorshaha
Waxbarashada Gaarka ah (IEP) ama Qorshaha Caafimaadka Gaarka ah (IHP) sida ku cad
baahida daryeelja gaarka ah/qiyaasta, ilaa iyo inta dhammaan macluumadka lagu daryo
sida ku qeexan xeerka WAC 170-290. Dhammaadka taariikhda oggolanshaha baahida
gaarka ayaa lala xidhidhin doonaa qiyaasta dhammaadka taariikhda dhaqaale kaabista.
WCCC iyo SCC, bixiyeyaasha waa loo sheegi doonaa ogolaanshada ama diidmada ee
fasaxa baahida gaarka ah afar iyo toban (14) maalmood gudaheeda ee go’aanka guddiga
gaarka ah. CA, shaqaalaha bulshada ama shaqaalaha kale ee CA ayaa si toos ula xiriri
doono bixiyayaasha wixii ku saabsan fasaxa baahida gaarka ah. CA wuxuu ogolaan
doonaa ama diidi doonaa codsiga soddon (30) maalmood gudaheeda.
Marka baahdida gaarka ah la oggolaado, bixiyaha ayaa isla markiiba la siin doonaa laga
bilaabo taariikhda codsiga daryeeka la bixiyey. Haddii daryeelka baahidu aan la
oggolaan, Gobolku ma bixin doono xaddi ka wayn ta qiyaasta dhaqaale kaabista joogtada
ah.
Waraaqo u qoran si xirfad leh oo caddaynaya baahida gaarka ah ayaa si sharciya
mudddada xirfadaa la xaqiijiyo warbixintiisa/warbixinteeda, IFSP, IEP, ama IHP ama
sideed iyo tobonka (18) bilood haddii waqtiga aan ka badnayn la xaqiijiyo. Bixiyayaasha
ayaan looga baahnayn sida loo muujiyo ama loo bixiyo waraaqaha waqti kasta ilmaha in
dib loogu oggolaado darayeelka ilmaha. Ilaa iyo inta waraaqaha xirfadaha iyo qoraalka
bixiyaha ilaa hadda uu qoysku u sii qalmi karo daryeelka ilmaha, ilmaha ayaa dib loogu
oggolaan dooonaa xaddiga baahida gaarka ah.
Marka codsiga isticmaalaha ilmuha leh baahida gaarka ah uu ka codsado isbadal
bixiyayaasha, sii wadista codsiga gaarka baahida gaarka ah ayaa si af haan aha loo
xaqiijin doonaa. Waraaqaha shaqada, haddii ilaa iyo hadda ay yihiin sida xagga sare ku
xusan, inay ku haboonaan doonaan bixiyaha cusub. Bixiyaha cusub waxaa la sin doonaa
sicirka bixiyaha koowaad ilaa soddon (30) maalmood si bixiyaha cusub loo siiyo fursad
uu ku qiimeeyo baahida cunugga deegaanka cusub. Soddonkaan (30) maalmood
gudaheeda, bixiyaha cusub ayaa ka mas’uul noqon doono dhammaystirka iyo keenidda
dib-u eegida bayaanka bixiyaha oo ku qoran baahida iyo codsiga xannaano gaar ah
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
20
goobta cusub ee cunugga lagu daryeeli doono iyo qiimaha ku bixi doono bixinta
xannaanada gaarka ah.
Haddii codsiga la helo soddon (30) maalmood gudaheeda iyo la ogolaado, ogolaanshada
baahida gaarka ah wuu sii socon doonaa ama waa la beddeli doonaa. Haddii codsiga la
diido, sicirka baahida gaarka ah ma sii socon doono wax ka badan waqtiga qiimeynta ee
soddonka (30) maalmood.
Haddii codsiga la helo soddon (30) maalmood, ogolaanshada baahida gaarka ah ee horey
wuxuu dhamaan doonaa soddon(30) maalmoodka dib, iyo fasax walba ee baahid gaar ah
wuxuu bilaaban doonaa taariikhda ogolaanshada.
QODOBKA 11
SICIRKA LACAGTA MUSHAARKA
11.1
Sicirka Lacag-Kordhinta
Laga bilaabo 1, Luulyo 2015, sicirka dhaqaalaha lagu kabayo Shaqaalaha Shatiga Leh
wuxuu ahaanayaa sicirka uu ku dhaqangalo 30-ka Juun, 2015. Laga bilaabo 1 Luulyo
2016, sicirka lacag-kordhinta ee shaqaalaha shatiga leh waxaa la kordhin doonaa
boqolkiiba labo (2%). (Eeg Qoraalka Sharraxaadda A)
Laga bilaabo 1, Luulyo 2015, sicirka dhaqaalaha lagu kabayo Shaqaalaha aan Shatiga
Lagu Xirin wuxuu ahaanayaa sicirka uu ku dhaqangalo 30-ka Juun, 2015. Laga bilaabo 1
Luulyo 2016, sicirka lacag-kordhinta shaqaalaha FFN waxaa la kordhin doonaa
boqolkiiba labo (2%). (Eeg Qoraalka Sharraxaadda C)
Shaqaalaha oo dhan waa in ay hubiyaan in sicirka ay ku dallacayaan Gobolku uusan ka
badnayn sicirka ay iyagu si gaar ugu dallaci lahaayeen meelo kale oo ay u shaqeeyaan.
Haddii uu qof Shaqaale ah Gobolka ku dallaco in ka badan inta ay ku dallaci lahaayeen
Waalid/Masuul kale, qofka Shaqaalaha ah wuxuu oggolaan doonaa in la siiyey lacag
dheeraad ah oo uu Gobolka dib ugu soo celin doono. Lacagtan mushahar dheeraadka ahi
wax saamayn ah ku yeelan mayso nidaamka saluuga shaqalaha, laakiin waxay saamayn
ku yeelanaysaa hanaan socodka maamulka dacwad dhagaysiga.
Haddii guddiga sharci dejinta ogolaado kordhinta Sicirka Ugu Sareeya ee Xannaanada
Cunugga oo ka adan kuwa ku qoran Lifaaqa A intii uu Heshiiskaan ka socdey, labada
dhinac waxayogol yihiin inay isla kulmaan iyo ka heshiiyaan hirgelinta is-beddelkaas.
11.2
Kala duwanaanshaha Lacagta mushaharka Ilamaha iyo xadiga lagu horumariyey
socod baradka xadiga saacadii kasta
Qoyska ruqsada u haysta daryeel bixiyayaasha ilmaha, qiyaaasta ilmahu waxay noqon
doontaa ugu yaraan boqolkiiba shan iyo toban (15%) xagga sare socod baradka/qiyaasta
dugsiga kahor; hase yeeshee, qiyaasna hoos looga dhigi maayo sida ku cad natiijada
Heshiishkani.
Shaqaalaha Shatiga Leh ee Xannaannada Carruurta Qoysaska waxaa u diyaar ah Sicirka
Mushaarka Ilmaha Sida Fiican u Socda, codsi u gaar ah bilaha laba-iyo-toban (12) ilaa
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
21
toddoba-iyo-toban (17), kaasoo u qalma boqol iyo shan-iyo-toban (115%) Sicirka
Mushaarka Ilmaha Socodbaradka Caadiga ah. Korodhka boqolkiiba ku jira qiyaasta
dhaqaale kaabista sida ku cad Xeerka 11.1ee xagga sare ayaa marka hore loo isticmaali
doona qiyaastii hore ee socod baradka si looga qiyaas qaato qiyaasta socod baradka cusub
ee joogtada ah. Sicirka Lagu haynayo Ilmaha Sida Fiican u Socda wuxuu ka sarreyn
doonaa Sicirka Lagu Haynayo Ilmaha Caadiga ah boqolkiiba shan-iyo-toban (15%).
Qiyaasta joogtada ee socodbaradka ayaa loo isticmaali doonaa si loo xisaabiyo
kaladuwanaanshiyaha lacag siinta ilmaha sida ku cad Xeerkan.
11.3
FFN Qiyaasta Saacadiiba iyo kuwa la kordhiyey
A.
Qiyaasta dheeraadka ah ee labadii carruura ee walaalao ah saacadiiba ayaa la siin
doonaa bixiyayaasha FFN boqolkiiba sideed iyo sagaashan iyo kala badh
(98.5%) ta lasiiyey ilmihii ugu horeeyey (1st) ee dhammaan carruurta
adeeggooda la bixiyey.
B.
11.4
Laga bilaabo 1 luulyo 2015, shaqaalaha FFN ee dhameeyey tababaradaan
la iska baahan yahay waxay heli doonaan siciro saacadle la wanaajiyey ee
boqolkiiba labo ah (2%) ka badan sicirka saacadlaha aasaasiga ah:
1.
Soddon (30) saac tababar aasaasi ah sida uu sheegey Waaxda
Waxbarashada Horey;
2.
Shahaadada Gargaarka Caafimaad ee Nuunaha iyo Cunugga
(Infant and Child CPR) iyo Gargaarka Koowaad; iyo
3.
Siddeed (8) saacadood tababar uu oggolaadey Gobolka iyo xiriir
la leh mawduucyada xannaanada cunugga labo (2) sano walba ka
dib markii la dhameeyo tababarka aasaasiga ah.
Nidaamka Lacag-isu-celinta
Barnaamjka tijaabada ee shuruudaha nidaamka lacag-isu-celinta waxaa la fidiyey
ilaa 30 Juunyo 2016, sida uu ku qoran yahay Qoraalka Sharraxaadka B. Labada
dhinac waxay ku heshiiynayaan inay dib u furaan Heshiiskaan si ay u gorgortamaan sicirka lacag-isu-celinta 1 Luulyo 2016 ilaa 30 Juunyo 2017, kaasoo ku
salaysan natiijoyinka barnaamajka tijaabada. Labada dhinac waxay bilaabi
doonaan inay heshiiyan ka hor ama ka dib 15 Juunyo 2015. Haddii sicirka lacag dib
u celinta lagu heshiiyey uu baahan yahay maalgelin dheeraad ah, labada dhinac waxay
isku raacsan yihiin in heshiiska la ogolaado iyo la maalgeliyo sida uu qabo RCW
41.56.028 ka hor intii la hirgelinin.
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
22
QODOBKA 12
DARYEELKA CAAFIMAADKA SHAQAALAHA
12.1
Kharashka Caafimaadka Lagaa Bixinayo
Kolka loo eego shurrudaha Qodobkan ku ebyoon, Gobolku wuxuu oggol yahay in uu bil
kasta lacag ku bixiyo shaqaalaha shatiga leh ee xaqa u leh in kharash laga daboolo kolka
loo tixraacayo Heshiiskan oo lala galay SEIU 775 iyo hay’ad lagu aammino barnaamijka
caafimaadka shaqaalaha, Multi-Employer Health Benefits Trust (oo loo yaqaan “Trust”).
Wixii kharash ah ee laga daboolayo shaqaalaha shatiga leh sida kor ku xusan waxa uu u
bilaaban doonaa kolka ku xigta oggolaanshaha maalgalinta dharci-dejinta ah.
Barnaamijka hay’adda Trust waxa uu kharashka caafimaadka ka daboolayaa shaqaalaha
shatiga leh, laakiin taasi waa inta uu Barnaamijka Caafimaadka ee Trust oggol yahay iyo
haddii uu Gobolku waqti fiican ku bixiyo kharashka shaqaalaha la isku ogyahay bisha ka
horreysa bishaas. Shaqaalaha shatiga leh ee la isku ogyahay ee aan keenin qoraal
oggolaansho ah marka la iska goynayo lacagta mushaarka laga reebo sida ku xusan
Qeybta 12.3-aad, lagama bixin doono kharashka caafimaadka lagu daboolo ilaa ay ka
keenaan qoraal oggolaansho ah Gobolkuna waqti go’an ayuu ku bixiyaa wixii laga qaadi
lahaa.
*Haddii Ururka Shaqaalahu uu isticmaalo bixyaha daryeela caafimaadka ee aan ahayn ka
isku haylaynta Waxtarka Caafimaadka faraha badan SEIU 775 inta lagu joro muddada
Heshiishkan, dhammaan tixraacyada Aaminaada Heshiishkani waxaa loo gudbin doonaa
dib u badaaada bixiyaha.
12.2
Ujeeddada Caafimaadka Shaqaalaha
Labada dhinac sida ay isku raaceen ee ujeedada caafimaadka shaqaalaha ee Qodobka 12aad waa in kharashka caafimaadka lagu daboolo laga bixiyo shaqaalaha shatiga leh oo
keliya haddii aysan heli karin meel kale oo ka dabooleysa kharashka caafimaadka, taasi
waa xadka uu sharciga oggolyahay kolka loo eego ku-dhaqanka iyo shuruudaha uu
dhigayo Qodobka 12-aad.
12.3
Lacagta Dowladdu Shaqaalaha Ku Soo Biiriso
Laga bilaabo muddada bisha Luuliyo 1, 2015 ilaa inta laga gaadhayo bisha Juunyo 30,
2017, Gobolka ayaa ku deeqi doona Guddiga caddaad ) bishiiba oo uu xaq u yeelan
doono bixiye kasta oo rusqad u haysta; caddadkaan waxaa go’aamin dono Guddiga.
Guddiga wuxuu ogeysiin doonaa Gobolka caddadka bishiiba ee la siin doono Guddiga
iyo lagu tabbaaruuco dhammaan bixiyayaasha ruqsada leh laga bilaabo Luulyo 1, 2015;
caddadkaan waa inuu ahaada isla midkiiba bixiyayaalka ruqsada leh iyo waa in la
beddelaa iyo waa inuu ahaadaa isla midkaa bixiyayaalka ruqsada leh iyo waa in la
beddelaa intuu Heshiiska ka socdo soddon (30) maalmood gudaheeda goortta ogeysiiska
la baxshey. Hase-yeeshee, haddii ay is-beddelo ka dhicin caddadka bisha lagu
tabbaaruucey bixiyayaalka shati-bixiyaha xaqa u leh. , Isku halaynta iyo iskugaynta
gacan kagaysashada uu Gobolku sameeyeyey oo aan ka badan doonin four hundred
Seventy-three thousand three hundred and seventy-six dollars ($473,376.00) per month
for fiscal year 2016, and five hundred nine thousand seven hundred and eighty-three
dollars ($509,783.00) ee dhammaan bixiyayaasha xaqa u leh ruqsada oo aanay ku jirin
lacagta mushaharka laga jaray sida ku lagu faahfaahiyey xagga hoose:
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
23
12.4
A.
Gobolku wuxuu sameynayaa lacag-bixinta kor ku xusan ka dib kolka ay
shaqaalaha la isku ogyahay ee shatiga leh doortaan in ay wax ka bixiyaan lacagta,
taas oo ay sameynayaan Dadka hay’adda La Aamminay ee Trust, iyaga oo
siinaya isla Trust. Xadigan la bixiyey ee ay xaqa u leeyihiin bixiyayaha ruqsada
leh ayaan ka yaraan doonin sodon doolar ($30) bishiiba, taas uu oo gobolku ka
hayn doono bixiyaha mushaharka bishiiba oo loo diri doono bishiiba Hayada La
aaminay ee Gobolka. Gobolku wuxuu ka shaqeyn doonaa wixii maamul iyo
sharci ah, nidaamyo iyo habab lagu fududayn doono lacagtaas, iyada oo laga
goynayo lacagta dhaqaalaha lagu kabo ee mushaarka shaqaalaha la isku ogyahay
ee shatiga leh, weliba gobolku wuxuu la shaqeyn doonaa Ururka Shaqaalaha iyo
Trust si uu si wacan ugala xiriiro shaqaalaha shatiga leh ee heeganka ah iyo in uu
la shaqeeyo wixii sharci ah ee khuseeya.
B.
Gobolku wuxuu maamul saddexaad oo u dhaxeeya iyaga iyo Trust u gudbin
doonaa nidaamka mushaarka shaqaalaha shatiga leh ee la isku ogyahay, waxa
kale oo la gudbinayaa macluumaadka kale ee ay caadi ahaan Trust u baahan
karaan si ay u fududeeyaan lacagta la ururiyo bil kasta ee lagu go’aamin doono
wixii xaq loo yeelan lahaa. Maamulka saddexaad ee u dhaxeeya gobolka iyo
Trust wax ay go’aamin doonaan sidii xaq loo yeelan lahaa sida hoos ku qoran,
waxaa la bilaabi doonaa in Gobolka lagu dallaco lacagta daryeelka caafimaadka
ee shaqaalaha xaqa u leh.
C.
Gobolka ayaa bixin doona qaybta la rabo in lagu daro oo waxay u keeni doonaa
macluumaadka mushaharka maaulkaha Trust ee qolada saddexaad soddonka
(30ka) bil kasta, ee lacagta bishii hore. Ku-darista bisha hore waa in la bixiyaa
soddonka (30ka) bisha soo socota (bisha labaad kadib shaqada), iyo kadib
markuu Gobolku helo gudbinta Trust in qofku yahay ruqsad hayste daryeel
bixiye ah oo lacagtaas uu leeyahay.
D.
Ururka Shaqaalaha ayaa kula taliyey Hayada la aaminay xadiyada looga baahan
yahay si loo maalgaliyo waxtarada qorshaha hadda taagan. Lacagta la ururiyo ee
halkan la isku afgartay waxa ay u taagan tahay lacagtii Gobolka waajibka ku
ahayd inta lagu guda jiro nidaamka Heshiiska. Gobolku kuma khasbana in uu
bixiyo lacag dheeraad ah ama lacag ka duwan lacagaha kale taas oo ay
qorsheeyaan hay’adda ammaanada ee Trust iyo Xubnaheeda Guddiga
Ammaanada u xil saaran.
Sida Arrin Xaq Loogu Yeesho
Shaqaalaha shatiga leh ee xaqa u leh caafimaadka waa shaqaale shati leh oo:
A.
soo buuxiyey waraaqaha Trust oo dhan;
B.
soo doortay in mushaarkooda laga gooyo lacagta la iska ururiyo ee kor ku
xusan;
C.
oo la daryeelay ugu yaraan soddon iyo lix (36) meelood oo si wadajir ahaan ah
lacag loogu kabay [kow (1) halkii meelba waxay la mid tahay hal (1) maalin oo
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
24
buuxa ama laba (2) maalmood oo nusnus ah] inta lagu gudo jiro bisha Qof
Shaqaale ah loo go’aamiyey in uu xaq u yeesho daryeel caafimaad;
D.
ay ku qancaan waxyaabaha kale ee ay hay’adda ammaanada ee Trustees
go’aamin karto; iyo
E.
kuwa aan haddii kale xaq u lahayn in ay helaan daryeel caafimaad oo ay ku
helaan si kale oo qoyskooda ah ama meelo kale oo ah meelo looga helo goob
shaqo ahaan.
Hay’adda la aamminay ee Trust waxa kale oo ay wax ku xaddidi kartaa marka ugu
horreysa inta aan caymiska caafimaadka la bilaabin.
Gobolka ayaa oggolaan doona inuu la shaqeeyo Ururka shaqaalaha si ay si wadajira
iskuugu raacaan isbadalada xagga sare shuruuadaha u qalmanaantoodu ay ku xusan yhiin
si ay u dhammaystiraan ujeedooyinka barnaamijka lawadaagay.
12.5
Dhibaato La’aan Iyo Waxyeello La’aan
Lacagta Trust ee qorshaha caafimaadka caymiska ama lacagta daryeelka caymiska
caafimaadka waxa ay soo mareysaa isla hay’adda la aamminay ee Trust. Marka siyaasad
hayuhu, Hay’adda la aaminay ayaa dabooli doonta oo aan waxyeeo gaadhsiin doonin
masuuliyada Gobolaka, dhammaan laamaha iyo waaxyaha ay ka kooban yahay dawlada
Gobolka Washington, iyo Gobolka Washington, wakiiladeea ee/ama wakiiladeeda, ku
andacoodistii kasta ee ka socota ka faa’idaystayaasha, daryeel caafimaad bixiyayaasha,
iibiyaasha, caymis qaadayaasha ama bixiyayaasha ku jira sida ku cad Heshiiskani Ma
dhaceyso in la sameeyo wax Heshiiskan ka baxsan oo uu sharcigu mamnuucay.
12.6
Xisaabi Xil Ma Leh iyo Xaqiijinta Shaqada Wanaagsan
Hay’ada la aaminay ayaasiin doonta Ururka shaqaalaha hanti dhawrka sannadkii kasta ee
Hayada la aaminay uu u samaysay shirkadn dadwayne hanti dhawris oo sugan. Ururka
shaqaalaha ayaa u diyaarin doona warqadaas helitaankeeda Gobolka.
12.7
Hay’ad Kale oo Lagu Doorto Haynta Ammaanada
Labada Dhinac ee ka wada hadlaya mushaarka waxa ay isku ogyihiin in ay Trust tahay
hay’ad sharci ahaan kala shaqeyneysa arrimaha u dhaxayn kara shaqaalaha iyo maamulka
iyo in ay tahay meel kale oo saddexaad oo Heshiiskan ku jiri karta laakiin aysan wax
shaqa ah ku lahayn mushaarka ay Labada Dhinac ka wada hadlayaan. Sida Heshiiskan
ku cad Trust ma aha, ma noqon doonto, looma tixgelin karo, loomana qaadan karo in ay
tahay xafiis dowladeed, lacag dowladeed, wakaalad ama qorshe dhaqaale oo hela lacag
dowladeed. Gobolku wuxuu oggol yahay in uu sharciga ku qaban karo shuruudaha ay
Trust Heshiiskan ku Caddeyso sida Heshiiskan lagu muujiyey oo la isku waafaqay.
12.8
Ciddii Lagu Bedeli Lahaa Hay’adda Ammaanada ee SEIU 775 Trust
Waxaa haboon in La aaminyaasha Hayada la aanminay aanay aqbalin Heshiishkan, ama
Ururka shaqaaluhu uu dabagal ku sameeyo ikhityaarada kale ee daryeel bixiyayaasha
caafimaadka, shuruudaha uu ka kooban yahay Xeerkani kaas oo la hirgali doona dayeel
bixiye caafimaadka cusub lagu magacaabo. Dhinacyada ayaa isla oggolaan doona haddii
Ururka Shaqaalaha aanu dooran inaanu isticmaalin Hayada la aaminay ee SEIU 775,
dhinacyada ayaa la kulmi doona si ay ula xaajoodaan doorashada Ururka shaqaalaha ee
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
25
loogu talo galay bixiyayaasha caafimaad daryeel bixiyaha. Waxaa kaasi dheeraad u ah,
intii uu Heshiiskaan ka socdo labada dhinac waxay ku heshisyeen inay isla kulmaan iyo
ka hadlaan xulashoyinka suurtogalka ah ee xannaanada caafimaadka laga helo Kala
Beddelashada Caymiska Caafimaadka Gobolka Washington oo la sameeyey markii la
aasaasey Xeerka Xannaanada La Iibsan karo.
QODOBKA 13
TABABARKA IYO AQOON-KORORSIGA
13.1
Bixiyayaasha ruqsada Haysta
A.
Deeqaha waxbarasho ee tababar
Bixiyayaasha ruqsada haysta ee u baahan caawimaada, Gobolka aya sii wadi
doona inay bixiyaan deeqaha waxbarasho gaaraayo ilaa seddax boqol kun
doolars ($300,000) ama wax kabadan sida Waaxda Waqti Hore u oggaanshahag
(DEL) haddii a ay lamagama maarmaan u aragto (ugu yaraan boqol iyo konton
($150) bixiyaha haysta ruqsad si loo caawiyo qiimaha tababarka, oo ku jiri karo
tobanka (10) saacadood ee loo baahan yahay sannadkiiba. Bixiyayaasha waxaa
lacagta loo celin doonaa lixdan (60) maalmood gudaheeda laga bilaabo waqtiga
ay keenen documentiyada laga rabo.
B.
Maalgelinta waxnarashada ee shahaadada GED ama Shahaadada Koowaad ee
Waxbarashada Hore
Gobolka wuxuu ogol yahay inuu diyaariyo qasnad maalgelin ee boqol iyo labo
iyo toddobaatan kun iyo siddeed bol doolar ($172,800) sanadka koowaad boqol
iyo labo iyo toddobaatan iyo labo kun iyo siddeed boqol doolaar ($172,800)
sanadka labaad ee Heshiiska, si lagu kaalmeeyo bixiyayaasha la shatiyeeyey ka
hor Maarso 31, 2012 oo aan qabin shahaadada dugsiga sare, Horumarka
Waxbarashada Guud (GED) amaor Initial Early Learning Certificate.. Hal mar
intii uu heshiiskaan ka socdo, dadka ruqsada leh ee xaq u leh waxaa loo celin
karaa ilaa shan boqol doolar ($500) ee qiimaha shahaadada GED ama helo deeq
waxbarasho si uu u helo Shahaadada Koowaad ee Waxbarashada Hore.
C.
Maalmaha Kobcinta Shaqada
Bixiyayaasha ruqsada haysta ayaa laga yaabaa inay biilkooda ay gaadhsiiyaan
ilaa saddex (3) shaqo kobcin sannadkiiba, si loogu isticmaali taxadarka ay
leeyihiin bixiyayaashu. Kobcinta maalmaha shaqada makra bixiyaayshu ay u
dhawyihiin daryeelka waalidkood guriga/fudaaydanta si ay u yimaadaan
tababarka. Haddii ilmuha waqti loo qabto si uu u yimaado maalinta hawl
fududaynta la xidhayo ee loogu talogalay maalinta la xidhayao kobcinta shaqada,
bixiyaha ayaa laga yaabaa inuu ku dalo biilasha marka haddii uu imuhu yimaado.
Bixiyaha ruqasada haysta ayaa bixin doona lacagta maalmaha kobcinta shaqada
lagu qaatay toddobaadkii ama toddobaadka dhammaadkiisa, bixinta maalinta sida
joogtada ah loo waqtiga loogu qoondeeyey. Maalmaha kasta ee ay bixiyayaashu
xidhaan fududaynta tababarkooda marka lgu daro saddex (3) maalmaha kobcints
shaqada ee la oggolyahay ayaa loo tixgalin doonaa maalmaha la xidhayo.
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
26
13.2
D.
Barnaamijka Tayada Gunada Guul-gaaritaanada Horey ee Kooxda Shaqada
Gobolka iyo Guddiga waxay ogool yihiin inay sameeyaan koox shaqo si ay u
kulmaan iyo ka hadlan tayada iyo dhirrigelinta dhammaan dhinacyada
barnaamajka Guul-gaareyaasha Horey ee bixiyayaalka ruqsada leh si ay u
raacaan tababar ka heer sare ee horumarka cunugga si ay u baxshaan
saxitaanyada koorsada. Waxaa kani dheeraad u ah, kooxdaan shaqada way isla
kulmi doonaan iyo ka hadli doonaan bixinta dugsiga xannaanada cunugga ka hor.
and Dhalashada -to-three programs in licensed family homes.
E.
Kredidka STARS waa in lagu baxsho dhammaan tababarka aysan ku jirin First
Aid, CPR iyo Ka shaqeynta Cuntada.
Bixiyayaasha iyo Tababarada loogu talogalay FFN
A.
Gunooyinka Ruqsada
Gobolka ayaa ku oggol inuu asaaso lacagta deeq ah oo dhan afar kun oo doolar
($4,000), labo kun oo doolar ($2,000) sannadkiiba iyo labo kun oo doolar
($2,000) labadii sannoba hal amr Hesshiiska, si ay u caawiyaan FFN loona siiyo
bixiyayaasha noqonaya ruqsadle. Bixiyayaasha FFN kuwaas oo noqonaya
ruqsadle ayaa la siin doonaa laba boqol iyo kontodn doolar ($250) muddo lixdan
(60) casho ah marka uu noqdo ruqsadle. Mushahar bixinta ka timaada lacagta
deeqda ayaa la samayn doonaa marka hore iyadoo laga duulayo ilaa afar kun oo
doolar ($4,000) ayaa lagu kharashgaraynayaa ama ilaa taariikhda uu dhacayo
Heshiiskani, kuu doonaa ha soo hormaree.
B.
Deeqda Tababarka Gobolka FFN
Gobolka ayaa ayaa ogaalan doona inuu asaaso lacag deeq dhan boqol iyo soddon
kun oo doolar ($130,000), lixdan iyo shan kun oo doolar ($65,000) sannadka
gudihiisa iyo lixdan iyo shan kun oo doolar ($65,000) muddo laba sanno
gudaheeda Heshiishka, si loo caawiyo bixiyayaasha FFN qaadanaya fasalada
tababarka DEL- al ansixiyey.
Bixiyayasha FFN ayaa lacagta dib loogu celin doonaa ilaa saddex boqol oo
doolar ($300) kharashaadka barashada ee lagu qaadanaypo tababarka la la
ansixiyey DEL. Isla marka tababarka la dhammeeyo, bixiyaha ayaa us usoo
gudbin doona nuqalada shahaadooyinka Ururuka shaqaalaha lacagta dib loogus
oo celinayo. Bixiyaha ayaa lacagta dib loogu celin doonaa muddo lixdan (60)
casho ah gudahjood marka la helo shahaadooyinka. Si aad ugu qalintid
gunooyinkani, bixiyayaasha waxaa uu waajib ka saaran yahay inay kaalmeeyaan
carruurta daryeelkooda ku jrita waqtiga tababarka.
Mushahar bixinta ka timid deeqda ayaa marka heore la samayn doonaa iyadoo
laga duulayo boqol iyo soddon kun oo doolar ($130,000) oo la kharashgarany
doono ilaamaa taariikhda uu dhacaayo Heshiishakani, kuu doonaa hasoo
horumaree.
Kharashaadka Lacag celinta Tababarka gaarka ah:
Ururka shaqaalaha ayaa bixin doona lacagta tababarka gaarka ah ee DEL ee
tababarka la ansixiyey sida ku cad Xeer hoosaadyada 13.2B. Gobolka ayaa
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
27
lacagta u celin doona Ururka shaqaalaha kharashadka waxbarashada gaarka ah ee
waafaqsan Xeer hoosaadka. Ururka shaqaalaha ayaa sii wadi doonaa dhammaan
waraaqaha tababarka taageeraya cosiyada laccagta dib loogu celinayo ee
tababarka kaga qaybqaateen bixiyayaasha FFN. Ururka shaqaalaha ayaa siin
doona Gobolka bishii kasta, oo aan ka danbayn doonin Salaasada ku xigta
maalinta ugu danbaysa ee bish, warbixin dhagaysiga dhammaan bixiyaayasha
FFN kuwaas oo lacag celinta waxbarashada la codsaday. Warbixinta waxaa
waajib ka saaran yahay inay ku jiraan macluumaadada soo socda:
1.
2.
3.
4.
5.
6.
7.
Magaca bixiyaha;
Lambarka bixiyaha;
Taariikhda tababarka;
Cinwaanka tababarka;
Tirada saacadaha ah ee tababarkii kasta;
Magacaa macalinka iyo lacagta; ee
Kharashaadka fasalkii kasta ee laqaatay.
Gobolka ayaa xaqiijin doona in bixiyaasha FFN waa inaanay ka badan saddex
boqol oo doolar ($300) qiyaasta lacagta waxbarshada loo celinayo.
C.
Qorshaha Gunnada Tababarka Daryeelka Ilmaha SEIU FFN
Gooblaka ayaa fayngarayn doona qorshaha tababarka laga bilaabo boqolkiiba
boqol (100%) ilaa sideed iyo sagaashan iyo badh boqolkiiba (98.5%) qiyaasta
ilmaha dheeraadka ah. Dhinacyada aya isla oggolaan doona xadiga ugu badan ee
la gunooyinka la bixin karo ita ay qiyaastoodu ay le’ ekaan doonto oo ah toddobo
boqol iyo siddeetan iyo lix kun oo doolar ($786,000) (seddax boqol iyo sagaal
iyo seddax kun oo doolar ($393,000) heshiiskii kasta sannadkiiba), kharashaadkii
kasta ee ka yar kharashaadka maamulka ku haboon. Mushahar bixintu lagama
dheerayn karo. Bixiyayaasha wuxuu waajib ka saaran yahay inay carruurta
dhaqaale kabista qaadata ee ku jirta daryeelkooda waqtigaa tababarka ama la
ogolaado inuu xannaaneeyo carruurta lacag deeq lagu baxsho toban (10)
maalmood gudaheeda laga bilaabo goorta tababarka la bilaabey inay u qalmaan
mushahar bixinta gunnooyinkan. Bixiyayaalka waxay codsan doonaan dib u
eegid aqli-gal ah ee xaaladaha gaarka ah.
1.
Bixiyayaasha FFN ayaa heli doona ugu yaraan (10) saacadood oo ah
tababr la ansixiyey kaas oo u qalmi doona shan boqol oo doolar ($500)
gunooyina, kaas oo hirgali doona bisha Julaay 1, 2011. Gunooyinka
ayaa lagu bixin doonaa soddon casho gudahood (30) maalamaha ka
bilaabma taariikhda Gobolka marka uu helo codsiga soo socda
dhammaystirka tababarka.
Dhammaan tababarka ayaa waxaa waajiba in la uruuriyo oo ay
ansixiyaan DEL. Uururka shaqaalaha ayaa sii wadi doona warqaaha
tababarka taageeraya dhammaystirka tobonka (10) saacadood ee
tababarka. Tobanka (10) saacadood ee tababarka ayaa ka koobnaan kara
isku daristii kasta: tababarada STARS sida tooska ah loo barto ama
aanay cid kale idiin dhaxaynin; tababarada uu bixiyey Xafiiska
Kormeeraha Waxbarashada Dadwaynahu (OSPI) iyo ilmaha Dawlada
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
28
dhexe iyo Barnaamijka Cunnada Dadka waawayn (CAFP) ee ay
maamulaan Gobolka OSPI Washington; kaqaybqaadashada ku jirta
“Ciyaar ama Baro” oo loogu deeqay degmooyinka qaarkood ee gobolka
daryeel bixiyayaasha FFN; ama tababarka kaleee ay ansixiyeen DEL.
Dhammaystirka soo socda ee tobonka casho ee ugu horeeya (10) ee
saacadood ee tababarka iyo marka la helo gunooyinka, bixiyayaasha ayaa
qaadan doona tobon (10) saacadood e dheeraad ah waxaana la siin doona
gunnooyin dheeraada sannadka labaad ee Heshiishka.
2.
Ururka shaqaalaha ayaa heli doona ilaa boqol kun oo doolar ($100,000)
(konton kun oo doolar $50,000 heshiiskii kasta sannadkii kasta) ee
toddobo boqol iyo siddeed iyo lix kun ee doolar ($786,000) si lacag loo
siiyo tababarayaasha, kharashaadka hawl fududaynta kirada macquulka
ah (ee la siiyey goobta aan ku jirin goobta ay iska leeyihiin Ururka
shaqaalhu ayaa muujin kara kharashaadka dhabta ah e kirada),
kharashaadka boostada iyo daabicista macquulka ah, iyo kharashaadka
maamul ee leh ujeeddada kaliya ee kor u qaadista, shaqaale qorista iyo
bixinta tababarkan.
Ururka shaqaalaha ayaa u gudbin doona
qaansheegaha Gobolka lacabgta dib u cleinta ee loogu talo galay
tababarkan, waxaana dib lacagta loogu celin doonaa muddo lixdan (60)
maalmood marka la helo qaansheegta Gobolka.
Gobolka ayaa samayn doona booqashooyinka kormeeris ee maaliyadeed
ugu yaraan laba jeer inta lagu jiro inta u jirayo Heshiiskani. Gobolka
ayaa laga yaabaa inuu kormeeris booqasho ku sameeyo inta badan
haddiiba la isla qaato inay lagamamaarmaan tahay. Gobolka ayaa siin
doona Ururka shaqaalaha saddex (3) maalmood oo ganac ogaysiinta
kormeeristu inay dhacdo ah. Haddii Ururka lagu ogaado iyagoo aana u
hogaamsamin xeerarka Heshiiskani, Gobolka ayaa xaqy u leh inay la ka
xaajoodaan hanaan socodka xeerarka lacag celinta.
Gobolka iyo Ururka shaqaalaha ayaa oggol si ay u qiimeeyaan
barnaamijka dhammaadka sannadka hore iyo ka ku xiga muddada uu
hirgalayo. Gobolka iyo Ururka shaqaalaha ayaa oggolaan doona
ujeedada mashruucu inay tahay sidii loo isticmaali lahaa dhammaanteed
deeqdani si loo dhiirigaliyo tababrka iyo sidii loo bixin lahaa gunooyinka
guusha leh ee maaliyadeed si kor loogu qaado tayada daryeelka iyo sidii
ugu suurtalgal ahaan lahayd ee loo maamuli lahaa barnaamijka.
13.3
Biilasha Tababarka Dhaqaale kaabista
Dhammaan bixiyayaasha ayaa lagu dhirrigelinaayaa inay qaataan biilasha tababarka
dhaqaale kaabista ugu yaraan hal mar inta lagu jiro inta uushaqaynayo Heshiishkani,
midkood si toosa ama qaab elaktarooniga (khad toosa, CD, ama DVD). Gobolka ayaa
siin doona biilasha tababarada dhaqaale kaabista gobol kasta, khad toos ah, qaab
elektaroonig ama waqtiyo, maalmo, galabyo iyo dhammaadka todobaadkii, ee luuqadaha
tirade badan. Gobolka ayaa bixin doona kharashaadka bixinta tababarka, laakiin ma bixin
doonaan kharashka bixiyayasha ruqsada leh inay dhammaystiraan tababarka. Gobolka
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
29
ayaa lacagta u celin doona bixiyayaasha FFN tobon doolar ($10) dhaqaale kaabista
daryeelka carruurtooda waqtiga ay dhammaystiraan tababarka.
13.4
Tababarka ku saaban Oggolaansho siinta WACs
A.
Tababarka shati siinta WAC waa in la helo si uu ruqsad u siiyo bixiyayaasha
gobolka, khadka tooska ah ama waqtiyada kala duwan, galabaha iyo
dhammaadka todobaadka. Gobolka ayaa bixin doonta kharashka tababar bixinta,
laakiin ma siin doonan kharashka bixiyayaasha ka qaybgalaya tababarka.
B.
13.5
Gobolka iyo Uururka Shaqaalaha ayaa oggolaan doona inay isku keenaan
hogaamiyayaasha Ururka shaqaalaha oo ay weheliyaan wakiilada ka tirsan DEL
si ay u horumariyaan isfahanka labada dhinac ee bixinta ruqsada WACs.
Tababarka STEM
Gobolka wuxuu diyaarin doonaa lacag gaaraayo ilaa lix boqol kun oo doolar
($600,000) (seddax boqol kun ($300,000) sanadka koowaad iyo seddax boqol kun
($300,000) sanadka labaad) si loo baxsho alaabo iyo tababarka Sayniska,
tiknolojiiyada, injiniirka iyo Xisaabta (STEM). Gobolka wuxuu beddeli doonaa
tababarka labada saac uu baxsho Xafiiska Kormeeraha Waxbarashada Shacbiga si
uu shaqaalaha wax baro carruurta jiro 0-5 sano jir looga dhigo mid waxtar leh.
Gobolka wuxuu heshiis la samayn doonaa qolo seddaxaad oo qabo macallimiin
raacsan habka MERIT si ay tababarkaan u sameyaan. Tababarka si bilaash ah
ayaa loo siin doonaa shaqaalaha shatiyaysan ee FFN. Qalabyada STEM oo u
habboon carruurta jiro 0-5 sano jir ayaa shaqaalaha ka soo qaadan karo
maktabaddooda deegaanka, si bilaash ah.
QODOBKA 14
GUUL-GAAREYAASHA HORE
14.1
Sicirada Lacag-celinta heerarsan
Shaqaalaha shatiyaysan ee Guul-gaareyaasha Hore ee gaaro Heerka II, III, IV iyo V
waxay heli doonaan siciradaan lacag celinta heerarsan inta u dhexeyso Luulyo 1, 2015
ilaa Juunyo 30, 2016.
Guul‐gaareyaasha Hore Heerka Sicirka Heerka II 2% ka sarreeyo sicirka aasaasiga ah Heerka III 4% ka sarreeyo sicirka aasaasiga ah SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
30
Heerka IV 10% ka sarreeyo sicirka aasaasiga ah Heerka V 15% ka sarreeyo sicirka aasaasiga ah Lacag-celin heerarsan walba waxaa ku jiro boqolkiiba (%) kordhin ee sicirka kaalmo
dhaqaale ka sarreeyo sicirka aasaasiga ah ee wakhti walba.
Mar walba ee sicirka
aasaasiga ah la kordhiyo, waxaa lagu sii daraa kharashka tayada sare ee ka koreeya
sicirka aasaasiga ah ee sare.
14.2 Abaalmarinta Wanaajinta Tayada
Abaalmarinta Wanaajinta Tayada waa abaalmarin sanadle ah ee la siiyo shaqaalaha Guulgaareyaasha Hore ee gaarey Heerarka II-V. Bixintaan wuxuu dhici doonaa 30 Juunyo
2016.
•
Heerka II ---
$750.00 sanadkiiba
•
Heerka III --- $2,000.00 sanadkiiba
•
Heerka IV --- $2,250.00 sanadkiiba
•
Heerka V ---- $2,750.00 sanadkiiba
14.3 Deeqyada Ku Salaysan Baahi
Gobolka wuxuu ogol yahay inuu diyaariyo lacag ah labo boqol iyo konton kun doolar
($250,000) sanadka koowaad iyo labo boqol iyo konton kun ($250,000) sanadka labaad
ee Heshiiska, deeq hal mar kaliya la baxsho oo ku salaysan baahi ee shan boqol doolar
($500.00) oo la siiyo shaqaalaha ku qoran Guul-gaareyaasha Hore. Shaqaalaha ku qoran
Barnaamajka Cuntada Heerka 1 ama ku nool degmo ay joogaan ugu yaraan 20% carruur
ka socdo qoys dakhli hooseeyo qaba sida uu sheegaayo macluumaadka OSPI waxay xaq
u lahaan doonaan deeqyadaan. Deeqyada waxaa la bixin doona ka dib markii talo laga
helo Kaaliyaha Farsamada (TA) iyo/ama tababaraha si loo wanaajiyo dhibicyada
Cabbirka Heerka Deegaanka (ERS). Deeqyada waxaa loo isticmaali karaa in lagu
iibsado waxyaabo gaar ah sida buugaag, alaabta lagu barto sayniska, qalabyada motorka,
waqtiyada beddelka iyo waxyaabo kale sida uu sheego tababaraha ama TA. Laga bilaabo
Oktoobar 2014, Gobolka iyo Ururka waxay ku heshiyeen inay seddax bilood walba kala
qaybsadaan macluumaad khuseeyaa deeqyadaan iyo caddadka la siiyo shaqaalaha.
14.4 Dib u furid
Gobolka wuxuu ogol yahay inuu la gor-gortamo Ururka Shaqaalaha wakhti aan ka
dambayn 15 Maajo 2015, kaaso qayb ka ah dib u furitaanka wanaajinta tayada iyo
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
31
sicirada Heerka dib u celinta heerarsan. Labada dhinac waxay ku heshiinayaan in gorgotanka la dhamayn doono ka hor 15 Luulyo 2015. Haddii labada dhinac aysan awoodin
inay isla heshiiyaan, markaa arrinta waxaa la hoos keeni doonaa Dhex-dhexaadin sida uu
qabo RCW 41.56.
QODOBKA 15
BARNAAMIJKA RAASHINKA
15.1
Qoyska, saaxiibada iyo Jaararka (FFN) daryeel bixiyayasha ilmaha kuwaa oo ay
oggolaadeen mushahar bixinta ka timid barnaamijyada dhaqaale kaabista daryeelka
ilmaha ee Gobolka Washington ayaa dhammaantood isticmali doona Waaxda Beeraha ee
U.S. (USDA) Barnaamijka Cunnada Daryeelka Dadka Waawayn (CACFP) marka ay
daryeelaan carruurta ku sugan deegaankooda. Isticmaalka ayaa ku tiirsanaan doona
saxeexa u dhaxeeeya bixiyaha FFN iyo Wakiilka Guriga Daryeelka Maalintii kuwaas oo
ay oggolaadeen heshiishka ay lagaleen Xafiiska Kormeerista Waxbarashada
Dadwaynaha. Bixiyayaasha FFN ayaa u hoggaansami doona dhammaan shuruudaha
USDA lagaga qayb qaadanayo CACFP.
Gobolka ayaa siin doona liiska Daryeelka Maalin Qoys ee Guriga Ku Kafaalo Qaada ee
ah bixiyayasha FFN. Sida lagu helo CACFP waxa ay ku xiran tahay hadba sida ay tahay
tirada iyo awoodda dadka deeqda bixiya iyo tirada dadka soo codsada. Sidaas awgeed in
helo waxa ay u baahan tahay in muddo la sugo iyada oo ay ku sii xiran tahay tirada dadka
kaa horreeya.
Bisha Julaay Gobolku wuxuu hal sano ka hor Ururka Shaqaalaha ku soo wargelin doonaa
shaqaalaha ka qeybqaadanaya barnaamijka cuntada ee carruurta iyo dadka waaweyn,
CACFP. Warbixinta la soo saaro waxay isugu jireysaa liiska dadka shaqaalaha ah oo
lagu garan karo lambarkooda shaqaalaha.
QODOBKA 16
FASAXYADA IYO MAALMAHA SHAQADA LAGA MAQNAADO
16.1
Fasaxyada
Haddii bixiyayaasha ruqsada haysta ay xidhan yihiin fasaxyada soo socda ee gobolku uu
la socdo, waxaa loo magdhabi doonaa sda uu hadba uu ilmuhu u yimaado:
Maalinta Sannadka Cusub
Maalinta Lagu Xuso Martin Luther King Jr.
Maalinta Madaxweynaha
Maalinta La Xuso Askartii Dhimatay
Maalinta Xornimada La Qaatay
Maalinta Shaqaalaha
Maalinta Askarta Da’da ah Lagu Xuso
Maalinta Mahadcelinta
1-da Jannaayo
Isniinta Saddexaad ee bisha Jannaayo
Isniinta Saddexaad ee bisha Feberaayo
Isniinta Ugu Dambeysa ee bisha Meey
4-ta Julaay
Isniinta Ugu Horreysa ee Bisha
Sebteembar
11-ka Nofeembar
Khamiista Afaraad ee Nofeembar
Jimcada xiga Khamiista Afaraad ee
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
32
Nofeembar
Maalinta Hidaha Mareykanka Dhaladka
Maalinta Ciidal-masiixiga
25-ka Diseembar
Bixiyaayasha shaqeeya maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha oo kaliya: Haddii ay u qalmaan
fasax waxaa weeye maalinta Sabtida, jimcaha wuu u qlamaa fasax. Haddii fasaxa u
qalma uu yahay Axada, isniinta soo soocta ayaa ah fasax u qalma.
Bixiyayaaha shaqeeye dhammadka todobaadkii, fasaxa dhabta ah ayaa ah fasax u qalma.
Bixiyayaalka waxay xulan karaan inay joogaan ayagoo furan maalinta fasaxa, iyo
xirnaadaan maalinta fasaxa ama maalinta isku xig-xiga isla bisha oo ku jiro fasaxa
rasmiga ah. Bixiyayaalka ma codsan doonaan labo maalmood hal fasax.
16.2
Maalmaha Shaqada Laga Maqnaado
Gobolku wuxuu Shaqaalaha Shatiga leh ku mushaari doonaa dhammaan maalmaha uu
cunugga lagu qaato barnaamijka kabista dhaqaalaha laga rabo inuu yimaado laakin ka
maqan yahay xannaanada. Maalmaha qorshaysan waxaa loola jeedaa maalmaha cunugga
caadi ahaan la qorsheeyey inuu tego bishiiba. Maalmaha ay maqan yihiin ayaa laga
yaabaa in aan loo eegin tirade kala badhka ah ee maalintii ama maalmaha buuxda ee la
oggolyaha, haseyeeshee usugaynta tirade maalmahu waa inaanay ka badan tirade
maalmaha la oggolyahay bisha gudaheeda. Ujeedada looga danleeyahay Xeerkan,
maalmah ayaa xidhiidhsanaan doona muddo afar iyo labaatan (24) saacadooda.
Bixiyayaasha ruqsada haysta ayaa laga yaabaa in hal maalin haddii oo maqnaanshiyo ah
in kabadan hal (1) oggolaansho muddo afar iyo labaatan (24) sacaadood ah gudahahood.
Carruurta hoos yimaado Barnaamajka Maamulka Daryeelka Cunugga, ee ku qoran
Xeerka 9.4.
16.3
Maalmaha Xirraanta
Bixiyaasha Ruqsada haysta ayaan lacag la waydiin doonin muddo maalmo ah
daryeelkooda hawl fududaynta marka ay xidhmaan arrimaha aan ahayn saddex (3)
maalmood kbicin shaqo sida ku faahfaahsan Xeerka 13.1C ama u qalmidda fasaxyada.
QODOBKA 17
XUQUUQDA GOBOLKA
17.1
Xuquuqda Maamulka Guud
Waxaa la fahamsan yahay oo ay labada dhinac iku raaceen in uu Gobolku leeyahay
xuquuqda guud ee maamulka. Haddii laga reebo wixii is beddel ah oo uu Heshiiska
sameeyo, Gobolka ayaa iska leh xuquuq kasta iyo awoodda lagu maamulayo looguna
shaqeynayo meelaha iyo barnaamijyada uu gobolku leeyahay. Labada dhinac ee
heshiiska waxa ay isku raaceen in aan xuquuq kasta oo Heshiiskan ku qoran looga harin
Gobolka oo keliya, iyo in uusan Gobolka oo keliya xaq u lahayn in uu go’aansado sidii
uu ugu dhaqmi lahaa xuquuqda maamulka. Sida ku cad sharciga RCW 41.56.028(2)(c)
labada dhinac waxay ogsoon yihiin in ay arrimaha dhaqaalaha u ahaan doonaan kuwa si
joogto ah loogu baayactabilood
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
33
17.2
Xuquuqda Gobolku Gaarka u Leeyahay
Gobolka, wakiilladiisa iyo hawl-wadeennadiisa ayaa tusaaleyaal u ah in xuquuq badan
iyaga looga hara, laakiin xuquuqaha noocaas ah waxaa lagu xaddidi karaa shuruudo
Heshiiskan ku jira, xuquuqda laga harayo qaar ka mid ah waxa ay noqonayaan kuwa
sheegaya:
A.
in shaqada lagu qabto iyada oo lagu fulinayo sharciyada hoose ee Gobolka u
deggan;
B.
in sharciga lagu sameeyo waxyaabaha uu awood kuu siin karo, sida in loo adeego
danaha Gobolka, barnaamijyadiisa, ujeeddooyinkiisa, hawlihiisa kale, iyo sida ay
howluhu u kala muhiimsan yihiin;
C.
si loo gaaro hadafka danaha Gobolka, barnaamijyadiisa, ujeeddooyinkiisa,
hawlihiisa kale, iyo sida ay howluhu u kala muhiimsan yihiin, waa in qorshe la
sameeyo, la maamulo oo lala socdo hadba wixii la awoodo sida miisaaniyadda
iyo siyaabaha loogu shaqeynayo; hase yeeshee qoraalka sare looma fasiran karo
in uu hor istaago xuquuqdii Ururka Shaqaalaha, sida xuquuqda loogu hadlo sida
loo qeybinayo miisaaniyadda taas oo ka duwanaan karta sida uu Gobolku soo
jeediyo;
D.
in la maareeyo, la maamulo, iyo in lala socdo hawlaha Gobolku uu ka fulinayo
barnaamijyada iyo adeegyada;
E.
in la sameeyo, la beddelo oo isha lagu hayo sharciyada hoose, nidaamyada,
sharciyada waaweyn oo la go’aamiyo hababkii iyo sidii hawlaha loo fulin lahaa;
F.
si loo aas’ aaso aqoonsiga bixiyayaasha iyo heerarka macquulka ah ee
masuuliyada marka laga reebo haddii kalese sida ku xaddidan Heshiishkan sida
ku cad Xeerka 13, Tababarka;
G.
si loo sameeyo ama loo fuliyo heshiisyada iyo dhammaan qalbada kale ee lagama
maarmaanka ah ama ku haboon fulinta waajibaadada Gobolka iyo isticmaalka
awoodaha Gobolka, oo ay ku jiraan heshiishyada wakaaladaha dawlada iyo kuwa
gaarka loo leeyahay, ururada, isbahaysiga ama shaqsiyaadka, iyo in la siiyo
lacagta adeegga ay galeen ama la qalabeeyey;
H.
in la go’aamiyo maamulka ururka, sida shaqaaleynta, soo-xulashada, haysashada
arrin iyo dallacsiinta oo ka mid ah meelaha uusan Heshiiskan taaban;
I.
si loo balaadhiyo, loo xadidi ama heshiis loola galo dhamman adeeggyada
ee/ama barnaamijyda Gobolka marka laga reebo sida haddii kale se ku xadidan
sida uu dhigayo Xeerka 7 Maaraynta Kulanada Guddiga Shaqaalaha, iyo ta u
gaarka ah la xidhiidhsamaynta lagula gorgortamayo waaxda shaqada;
J.
in la qaato wax kasta oo ficil ah oo uu Gobolku u soo hindiso in lagu fuliyo
hawlaha xaaladaha degdegga ah. Gobolku wuxuu ahaanayaa midka keliya ee
go’aansan kara ilaa iyo xadka xaalad degdeg ah lagu dhawaaqi karo iyada oo loo
eegayo sida macquulka ah iyo hadba heerka ay gaareyso;
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
34
K.
in la beddelo qaar ka mid ah ama dhammaan shuruudaha hawlaha iyo shaqada si
adeegyada loogu sameeyo si hufnaan iyo waxtar leh kolka la raacayo sharciyada
cusub ee hadda jira iyo/ama kuwa horay u jiray, sharciyada iyo shuruudaha la
tiigsanaayo iyo/ama kuwa ka soo jeeda dowladda dhexe oo burin kara hannaanka
uu Gobolku u qaban lahaa adeegyada;
L.
in la go’aamiyo hababaka, qalabka casriga ah sida laga yeelayo, lambarrada iyo
meelaha hawlaha shaqaalaha loo kala qeybinayo;
M.
in la ambaqaado iyo in kor loo soo qaado waxyaabaha ka soo baxa hawlaha
dadweynaha loo qabto ee Gobolka laga sugayo.
17.3
Waxyaabaha ka Baxsan
Waxyaabaha dusha ku xusan ee uu gobolku xaqa u leeyahay waa ay ka baxsan yihiin oo
kuma jiraan xuquuqda kale ee Gobolka ee aan ku jirin ama aan lagu dhex sheegin
waajibaadka, waxqabadka iyo awoodda ku xusan sharciyada RCW 41.56 iyo RCW
43.215 ilaa xad aan si cad loogu xaddidin Heshiiskan. Xuquuqda ku-dhaqanka iyo in aan
lagu dhaqmin sharci jira oo uu Gobolku leeyahay looma fasiran karo in ay tahay in
Gobolka laga qaaday wax xuquuq ah.
17.4
Dacwad Ku Oogista Gobolka
Ma jireyso ficil uu Gobolku sameeyey oo ay xuquuqda maamulku ka dambeyso oo aan
cabasho laga sameyn karin ama laga codsan karin in gar loo dhigto ama laga sameyn
dacwad loo dhan yahay; midda keliya ee gobolka looga harayo waa marka ay ku
dhaqmaan shuruudaha ku cad Heshiiskan.
17.5
Fulinta Sharciga Waajibka ah
Sida lagu caddeeyey sharciga RCW 41.56.028, Heshiiskan gebi ahaan waa mid hoos
yimaada xaqa ay Dadka Sharciga Sameeya ee Gobolka Washington u leeyihiin in ay
oggolaadaan ama in aysan oggolaan lacagaha la bixinayo iyo dhaqaalaha kale ee
shuruudaha heshiiskan ku qoran. Heshiiskan waxaa sii dheer in ay Dadka Sharciga
Sameeya leeyihiin xuquuqda lagu sameyn karo barnaamijyo wax lagu beddeli karo si
Gobolka loogala shaqeeyo adeegyada arrimaha barnaamijyada dhaqaalaha xannaannada
carruurta, adeegyadaas waxaa ku jira siyaabaha ay waalidku xaq wax ugu yeeshaan,
masuulka waalid ahaan u sharciyeysan, shaqaalaha xannaannada carruurta qoysaska ee ka
qeybqaadanaya barnaamijyada dhaqaalaha xannaannada carruurta, iyo noocyada hawlaha
ay shaqaaluhu qabtaan.
Ma jiraan wax Heshiiskan ku jira si ay ahaataba oo loo fasiran karo in looga jaro, lagu
beddelo ama haddii kale lagu yareynayo xuquuqda la soo sheegay; sidoo kale ma jiraan
wax yareyn kara xuquuqda Waalidka/Masuulka sida ku cad Qodobka 3-aad.
17.6
Waajibka Lagu Baayactami Karo
Ma jiraan wax uu Heshiiskan ka kooban yahay oo hoos u dhigi kara waajibaadka ay
labada dhinac uga wada hadli karaan iyo/ama uga wada xaajoon karaan arrimaha ku
habboon sharciga iyo in uu Gobolku sharci ahaan xukumi karo arrimaha la soo sheegay
oo dhan. Arrimahaas waxaa ka mid ah gaar ahaan lacagta la isu celiyo; arrimahaas iyo
sicirka dhaqaalaha iyo lacagta waxbarashada la isugu soo celiyo oo ay ka mid tahay
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
35
nidaamka lacag-isu-soo celinta; caafimaadka iyo dhaqaalaha cayrta; tababarka iyo aqoonkororsiga meheradda lagu shaqeysto; iyo arrimaha kale ee dhaqaalaha ah.
QODOBKA 18
NIDAAMKA HESHIISKA
18.1
Arrimaha Ku Lammaan Kunturaadda Lagu Heshiiyo
Heshiiskan waxa uu hoos imaanaya sharciyada hadda jira iyo kuwa mustaqbalka la
sameyn doono ee u yaalla dowladda dhexe, gobolka iyo dowladda hoose; waxa kale oo
uu hoos imaanaya shuruudaha xukuumadda iyo dowladda kuwaas oo aan wax shaqo ah
ku lahayn in lagala hadlo arrimaha ku xiran mushaarka. Haddii ay dhacdo Heshiiskan
ama shuruudaha uu ka kooban yahay in ay jabiyaan dhinac ka mid labada dhinac, sharci
jabinta noocaas ah oo uu dhinac sameeyo ma burineyso in sharciga intiisa kale si buuxda
loo adeegsado. Kolka la arko in uu sharciga ku tumanaayo hal dhinac, labada dhinacba
waa in si degdeg ah loo kulmaa oo loo wada hadlaa si ixtiraam leh oo shuruudaha lagu
beddelo kuwa kale haddii ay jiraan shuruudo loo arko wax sharciga ka baxsan, aan jirin,
ama aan lagu dhaqmi karin.
18.2
Nidaamka Heshiiska
Heshiiskani wuxuu dhaqangalayaa bisha Luuliyo 1, 2015 waxaanu si buuxda u hirgali
doonaa ilamaa bisha Juun 30, 2017. Dhinacyada bilaabaya wadahadalada heshiishkii kan
ka horeeyey kama danbayn doono bisha Abril 1, 2016. haddii heshiiska kan ka horeeyey
lagaadhay, ama haddii sharcigu aan ansixin xadiga lacagta ah ee looga baahan yahay si
loogu deeqo xeerka dhaqaalaha ee heshiiskii kan ka horeeyey bisha Juun 30, 2017,
dhammaan shuruudaha heshiishkani ayaa hirgali doona ilaaa taariikhda heshiiskan ku
xiga, oo aan ka badnaan dooni (1) sanoo laga bilaabo taariikhda uu dhacaayo.
QODOBKA 19
HESHIIS BUUXA
19.1
Labada dhinac waxa ay halkan ku yeeleen inta lagu guda jiro wada-hadalka heshiiskan ka
soo baxa in uu dhinac kasta xuquuq buuxda iyo fursad u haysto in la soo bandhigo baahi
iyo fikrad cusub iyada oo si ixtiraam leh loo muujinayo wax kasta oo la doonayo in laga
saaro sharciga, iyo is-fahamka heshiiska cusub ee la gaaro in ay labada dhinac si buuxda
ugu hirgelin doonaan isla Heshiiskan. Waxa kale oo si fiican loo fahmay in ay
Heshiiskan si buuxda gebi ahaanba ugu cad yihiin shuruudaha u dhaxeeya labada dhinac,
oo uu weliba yahay Heshiis isaga oo idil ka yimid labada dhinac, iyo labada dhinac iyaga
nafsad ahaantooda iyo xubnaha dhinacooda ka soo jeeda, in ay ka tanaasulaan wixii
sheegasho iyo baahi ah oo ay leeyihiin ama u yeelan karaan wixii fal illowsho ah oo
noqon kara dhinacooda, dhinaca xubnahooda, wakiilladooda, shaqaalahooda ama ciddii
kale oo ay soo dirsadaan.
19.2
Heshiiskan oo halkan lagu caddeeyey qoraal ahaan waxa uu u taagan yahay Heshiis u
dhaxeeya laba dhinac mana jireyso wax af laga yiri iyo wax la qoray oo lagu dari karo oo
ka sara mari kara shuruudaha la socda ilaa ay labada dhinac si wadajir ah isugu raacaan
sida ku cad Heshiiskan.
SEIU 925 Xannaannada Carruurta 2015-17
36
QORAALKA SHARRAXAADDA A-1
SICIRKA AASAASIGA UGU BADAN EE XANNAANNADA CARRUURTA
LAGA BILAABO 1 LUULYO 2015
Nuunne (Dhalashada ‐ 11 bilood) Qeybta 1 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Spokane Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 2 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 3 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 4 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 5 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 6 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin $26.80 $13.40 $27.40 $13.70 $28.30 $14.15 $37.54 $18.77 $44.17 $22.09 $29.78 $14.89 $29.78 $14.89 Wanaajiyey Socod‐barad (12‐
17 bilood) $26.80 $13.40 $27.40 $13.70 $28.30 $14.15 $37.54 $18.77 Socod‐barad (18 ‐ 29 bilood) $23.30 $11.65 $23.83 $11.92 $24.61 $12.31 $32.36 $16.18 $44.17
$22.09
$38.41
$19.21
$29.78 $14.89 $29.78 $14.89 $25.89 $12.95 $25.89 $12.95 SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-1
Da’‐iskuul ku dhow (30 bilood ‐ 5 sano) $23.30 $11.65 $23.83 $11.92 $22.01 $11.01 $28.48 $14.24 $32.36 $16.18 $24.61 $12.31 $25.89 $12.95 Da’‐iskuul (5 ‐ 12 sano) $20.73 $10.37 $21.18 $10.59 $22.01 $11.01 $25.89 $12.95 $31.06
$15.53
$22.01 $11.01 $24.61 $12.31 QORAALKA SHARRAXAADDA A-2
SICIRKA AASAASIGA UGU BADAN EE XANNAANNADA CARRUURTA
2% KORDHIN LAGA BILAABO 1 LUULYO 2016
Nuunne Wanaajiyey Socod‐barad (Dhalashada ‐ 11 bilood) $27.34 $13.67 $27.95 $13.98 $28.87 $14.44 $38.29 $19.15 Socod‐barad (12‐
17 bilood) (18 ‐ 29 bilood) $27.34
$13.67
$23.77
$11.89
$27.95 $13.98 $28.87 $14.44 $38.29 $19.15 $45.05 $22.53 $30.38 $15.19 $24.31 $12.16 $25.10 $12.55 $33.01 $16.51 $39.18 $19.59 $26.41 $13.21 $30.38
$15.19
$26.41
$13.21
Qeybta 1 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Spokane Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 2 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 3 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 4 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 5 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 6 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin $45.05 $22.53 $30.38 $15.19 $30.38 $15.19 SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-2
Da’‐iskuul ku dhow (30 bilood ‐ 5 sano) $23.77 $11.89 $24.31 $12.16 $22.45 $11.23 $29.05 $14.53 $33.01 $16.51 $25.10 $12.55 $26.41 $13.21 Da’‐iskuul (5 ‐ 12 sano) $21.14
$10.57
$21.60 $10.80 $22.45 $11.23 $26.41 $13.21 $31.68 $15.84 $22.45 $11.23 $25.10
$12.55
QORAALKA SHARRAXAADDA B-1
SICIRKA UGU BADAN EE XANNAANNADA CARRUURTA
DIB U CELINTA HEERARSAN LAGA BILAABO 1 LUULYO 2015
Guul‐gaareyaasha Hore Heerka 2 (2% ka sareyo aasaasiga) Nuunne Wanaajiyey Socod‐barad (Dhalashada ‐ 11 bilood) $27.34 $13.67 $27.95 $13.98 $28.87 $14.44 $38.29 $19.15 $45.05 $22.53 $30.38 $15.19 $30.38 $15.19 Socod‐barad (12‐17 bilood)
$27.34 $13.67 $27.95 $13.98 $28.87 $14.44 $38.29 $19.15 $45.05 $22.53 $30.38 $15.19 $30.38 $15.19 (18 ‐ 29 bilood) Qeybta 1 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Spokane Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 2 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 3 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 4 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 5 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 6 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin $23.77 $11.89 $24.31 $12.16 $25.10 $12.55 $33.01 $16.51 $39.18 $19.59 $26.41 $13.21 $26.41 $13.21 SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-3
Da’‐iskuul ku dhow (30 bilood ‐ 5 sano) $23.77 $11.89 $24.31 $12.16 $22.45 $11.23 $29.05 $14.53 $33.01 $16.51 $25.10 $12.55 $26.41 $13.21 Da’‐iskuul (5 ‐ 12 sano) $21.14 $10.57 $21.60 $10.80 $22.45 $11.23 $26.41 $13.21 $31.68 $15.84 $22.45 $11.23 $25.10 $12.55 QORAALKA SHARRAXAADDA B-2
SICIRKA UGU BADAN EE XANNAANNADA CARRUURTA
DIB U CELINTA HEERARSAN LAGA BILAABO 1 LUULYO 2015
Guul‐gaareyaasha Hore Heerka 3 (4% ka sareyo aasaasiga) Nuunne Wanaajiyey (Dhalashada ‐ 11 bilood) $27.87 $13.94 $28.50 $14.25 $29.43 $14.72 $39.04 $19.52 $45.94 $22.97 $30.97 $15.49 $30.97 $15.49 Socod‐barad (12‐17 bilood)
$27.87 $13.94 $28.50 $14.25 $29.43 $14.72 $39.04 $19.52 $45.94 $22.97 $30.97 $15.49 $30.97 $15.49 Qeybta 1 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Spokane Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 2 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 3 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 4 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 5 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 6 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Socod‐barad (18 ‐ 29 bilood) $24.23 $12.12 $24.78 $12.39 $25.59 $12.80 $33.65 $16.83 $39.95 $19.98 $26.93 $13.47 $26.93 $13.47 SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-4
Da’‐iskuul ku dhow (30 bilood ‐ 5 sano) $24.23 $12.12 $24.78 $12.39 $22.89 $11.45 $29.62 $14.81 $33.65 $16.83 $25.59 $12.80 $26.93 $13.47 Da’‐iskuul (5 ‐ 12 sano) $21.56 $10.78 $22.03 $11.02 $22.89 $11.45 $26.93 $13.47 $32.30 $16.15 $22.89 $11.45 $25.59 $12.80 QORAALKA SHARRAXAADDA B-3
SICIRKA UGU BADAN EE XANNAANNADA CARRUURTA
DIB U CELINTA HEERARSAN LAGA BILAABO 1 LUULYO 2015
Guul‐gaareyaasha Hore Heerka 4 (10% ka sareyo aasaasiga) Nuunne Wanaajiyey Socod‐barad (Dhalashada ‐ 11 bilood) $29.48 $14.74 $30.14 $15.07 $31.13 $15.57 $41.29 $20.65 $48.59 $24.30 $32.76 $16.38 $32.76 $16.38 Socod‐barad (12‐17 bilood) $29.48 $14.74 $30.14 $15.07 $31.13 $15.57 $41.29 $20.65 $48.59 $24.30 $32.76 $16.38 $32.76 $16.38 (18 ‐ 29 bilood) Qeybta 1 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Spokane Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 2 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 3 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 4 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 5 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 6 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin $25.63 $12.82 $26.21 $13.11 $27.07 $13.54 $35.60 $17.80 $42.25 $21.13 $28.48 $14.24 $28.48 $14.24 SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-5
Da’‐iskuul ku dhow (30 bilood ‐ 5 sano) $25.63 $12.82 $26.21 $13.11 $24.21 $12.11 $31.33 $15.67 $35.60 $17.80 $27.07 $13.54 $28.48 $14.24 Da’‐iskuul (5 ‐ 12 sano) $22.80 $11.40 $23.30 $11.65 $24.21 $12.11 $28.48 $14.24 $34.17 $17.09 $24.21 $12.11 $27.07 $13.54 QORAALKA SHARRAXAADDA B-4
SICIRKA UGU BADAN EE XANNAANNADA CARRUURTA
DIB U CELINTA HEERARSAN LAGA BILAABO 1 LUULYO 2015
Guul‐gaareyaasha Hore Heerka 5 (15% ka sareyo aasaasiga) Qeybta 1 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Spokane Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 2 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 3 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 4 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 5 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Qeybta 6 Maaliin Buuxa Nus‐Maaliin Nuunne (Dhalashada ‐ 11 bilood) $30.82 $15.41 $31.51 $15.76 $32.55 $16.28 $43.17 $21.59 $50.80 $25.40 $34.25 $17.13 $34.25 $17.13 Wanaajiyey Socod‐barad (12‐17 bilood) $30.82 $15.41 $31.51 $15.76 $32.55 $16.28 $43.17 $21.59 $50.80 $25.40 $34.25 $17.13 $34.25 $17.13 Socod‐barad 18 ‐ 29 bilood) Da’‐iskuul ku dhow (30 bilood ‐ 5 sano) Da’‐iskuul (5 ‐ 12 sano) ( $26.80 $13.40 $27.40 $13.70 $28.30 $14.15 $37.21 $18.61 $44.17 $22.09 $29.77 $14.89 $29.77 $14.89 $26.80 $13.40 $27.40 $13.70 $25.31 $12.66 $32.75 $16.38 $37.21 $18.61 $28.30 $14.15 $29.77 $14.89 $23.84 $11.92 $24.36 $12.18 $25.31 $12.66 $29.77 $14.89 $35.72 $17.86 $25.31 $12.66 $28.30 $14.15 SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-6
QORAALKA SHARRAXAADDA C-1
ADEEG-BIXIYAYAASHA QOYSKA, SAAXIIBADA IYO DERISKA AH
(FFN)
Sicirada Aasaasiga Laga bilaabo 1, 2015 Cunugga u baahan saacadaha ugu 2.42 Saacaddiiba badan ee xannaano Carruur dheeraad ah 2.39 Saacaddiiba Sicirada Aasaasiga 2% kordhin Laga bilaabo 1, 2016 Cunugga u baahan saacadaha ugu 2.47 Saacaddiiba badan ee xannaano Carruur dheeraad ah 2.44 Saacaddiiba 2% Sicirada la Wanaajiyey * Laga bilaabo 1, 2015 Cunugga u baahan saacadaha ugu 2.47 Saacaddiiba badan ee xannaano Carruur dheeraad ah 2.44 Saacaddiiba 2% Sicirada la Wanaajiyey * Laga bilaabo 1, 2016 Cunugga u baahan saacadaha ugu 2.52 Saacaddiiba badan ee xannaano Carruur dheeraad ah 2.49 Saacaddiiba *U qalmidda si loo helo Sicirada la Wanaajiyey, eeg qodobka 11.3 (B)
SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-7
QORAALKA SHARRAXAADDA D
KAALMO DHAQAALE UU DABOOLO HESHIISKA GORGORO WADAREEDKA
Liiska soo socda waxaa ku qoran barnaamijyada kabista ee xannaannada carruurta ee uu
Heshiiskan ka hadlayo iyo kuwa kale ee aan Heshiiskan looga hadleyn.
Kharashka la daboolayo sida ku qoran Heshiiska
1.
Xannaannada Carruurta ee waalidka Shaqo Lagu Meeleeyo
Caawimaadda Qaxootiga iyo Ajaanibka ee Shaqo-raadinta)
2.
Xannaannada Xilliyeedka Carruurta
3.
Daryeelka Ilmaha Waalidka Korinaya ee la shaqaalasysiiyey
4.
Adeegyada Ilaalinta Carruurta
5.
Adeegyada Danaha Carruurta
(Xafiiska
Waxyaabaha Uusan Heshiiskan ka Hadleyn
1.
Xannaannada Carruurta ee qofka aan guri lahayn
2.
Adeegyada Xannaannada iyo Qabashada Kumeelgaarka ah
3.
Xannaannada Ka-nasinta ah ee Waalidiinta Carruur Korisa
4.
Daryeelka Daawaynta Ilmaha Medicaid
5.
Adeegyada Dhaqaaleynta Carruurta Hindiga ah / Xannaannada Carruurta
Qabiilada Hindiga ah
6.
Qeybta Qaabbilsan La-qabsiga Shaqada
7.
Qaybta Dabeecadaha Caafimaadka iyo Bogsashada
8.
Xannaannada Hadalka Daawada ah ee Carruurta
9.
Talaabooyinka Koowaad/Maamulka Adeegga Dib u dajinta Caafimaadka
10.
Waaxda Gaashaandhigga
Labada dhinac waxay isku raacsan yihiin in la kulmo oo laga wada hadlo wixii ah
barnaamijyada kabista ah ee xannaannada carruurta cusub iyo barnaamijyada
xannaannada ah ee baddeli doona kuwa hadda jira iyo xaaladda ay hoos imaan doonaan
heshiiska guud ee RCW 41.56.
SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-8
QORAALKA SHARRAXAADDA E
ILOYINKA
Khadka BixiyahaWCCC
Bixiyayaasha ayaa laga yaabaa inay la xidhiidhaan Khadka Bixiyaha WCCC:
▪▪ Hubiyaan xaalada codsiga ama dib u eegista WCCC
▪▪ Hubiyaan mushahar bixinta oggolaansha ma biilgaraynta, sida: saacadaha daryeelka,
waaxda ama nooca mushahar bixinta
▪▪ Inay bixiyan macluumaadka ku saabsan siciradaada
▪▪ Inay warbixin qalad khuseeya oggolaanshaha hadda
Bixiyayaasha ayaa la xidhiidhi kara Khadka:
1. Telefoon lambarka : 1-800-394-4571 Isniinta ilaa Jimcaha, 8 g.h. ilaa 5 g.d.
Caawimaada Luqad ayaa heli karaa .
2. E-mail: [email protected] U dir macluumaadka DSHS ama haddba wixii
su’aallo ah 24 saacadood maalintii waxyaalaha ku saabsan daryeelka ilmaha WCCC.
Isku celceliska waqtiga jawaabta waxaa ay dhantahay hal maalin oo shaqo ah.
3. Fax: 1-888-338-7410
http://www.dshs.wa.gov/ssps/
Adeeg bixiyayaasha waxay heli karaan macluumaad waxtar leh sida:
 Sida la isku diiwaangeliyo Lacag-bixin Toosan

Sida Qaansheegaaga u bixiso adigoo isticmaalaayo Invoice Express (Qaansheegta
Degdega badan)

Qofka la Waco haddii su’aalo ka qabtid foomamka bixinta canshuurta aad hesho

Jadwalka Taariikhda Qansheegga SSPS oo muujinaayo maalmaha ugu dambeeyo
loo baahan yahay in la sameeyo ogolaanshada daryeelka cunugga si lagu daro
qansheegga caadiga ah ama midka dheeraadka ah ee bishaas.
Telefoonka Macluumaadka Iskuxidhka Shaqada (WCIP) ee Daryeel bixiyayaasha
Ilmaha 1-866-218-3244
Macluumaadkan waxaa lagu heli karaa luqadaha afka Ingiriisida iyo Isbaanishka.
Helitaanka iskii isku wada waxaa la heli karaa 24 saacadood maalintii.
▪▪ Isticmaal lambarka si aad u hubiso oggolaansha waalidka, si wadajir mushahar u
bixinta, xaalada dacwada iyo taariikdha uu hirgaliyo caymisku.
▪▪ Macluumaadka ayaa la heli karaa oo kaliya kadib dacwada marka la wado.
▪▪ Haddii u qalmanaanta waalidka aan la oggolaan, macluumaadka ayaa waxaa laga heli
doonaa WCIP.
Qaansheegta Degdega badan 1-888-461-8855
▪▪ Isticmaal lambarka si loo gudbiyo adeegga Qaansheegta SSPS ee mushahar bixinta
daryeelka ilmaha adigoo isticmaalayo telefoonk hal mar aad taabanaysid.
SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-9
▪▪ Waxaa lagu heli karaa luqada Ingiriisida iyo Isbaanishka.
WCCC Telefoonka Jawaab celinta ee Qoysaska 1-877-980-9220
▪▪ Qoysaska sisticmaal lambarkan si ay u hubiyaan xaalada dacwadahooda.
▪▪ Bixiyayaasha ayaa ku dhiirigalin doona qoysaska si ay u wacaan ama hubiyaan xaalda
dacwadahooda.
Qoysaska waxay codsi ka samayn karaan internetka www.washingtonconnection.com
Qoysaska waxay macluumaadka ku diri karaan khadka fakiska DSHS 888-338-7410
Codsiga Baahiyaha Gaarka ah (SN)
Wac khadka bixiyaha (1-800-394-4571)
Isticmaal lambarkan si aad u codsato qiyaasta baahida gaarka ah. Cosidaaga waxaa loo
gudbin doonaa kooxda SN.
Xarunta Xubinta Qaniimaadka SEIU 925
1-877-734-8673
▪▪ Isticmaal lambarkan haddii aad hayso wax su’aalo ah oo ku saabsna heshiiskaga
SEIU, kulanada iyo aqoon iswaydaarsiyada SEIU, ama wakiilada ku jira jiidaada, ama
haddii aad u baahan tahay qaniimaad.
Shirkada Xalitna Lacagaha Waxtarka. 1-866-771-7359, press option #2
Isticmaal lambarkan si aad u waydiiso ama u isticmaasho daryeelka caafimaadka ee
SEIU.
Khadka Saluuga Daryeel Bixiyaha Ilmaha 1-888-270-0613
▪▪ Isticmaal lambarkan si aad ugala hadashid arrimaha la xidhiihda CBA, marka laga
reebo mushahar bixinta dheeraadka ah. Haddii aad hayso mushahar dheeraada oo aad
rabto inaad bixiso, raadi inaad la xidhiidho macluumaadka ku saabsna Oggysiiska
Iibiyaha Mushahar bixinta Dheeraadka ah.
▪▪ Marka aad wacdo khadka saluuga, fadlan u diyaargarow inaa bixiso magacaaga oo
dhammaystiran, lambrka bixiyahaaga iyo tafaasiisha xaaladaada.
www.del.wa.gov
Waaxda Ogaanshiyaha Waqtiga hore Jiida shabakada ee haysa macluumaadka ku
saabsan:
▪▪ Dhaqaale kaabista daryeelka ilmaha iyo shuruucda
▪▪ Qaababka lagu taageerayo horuamrka kobaca ilmo caafimaad qaba
▪▪ Barnaamijyada dawlada dhexe ee ka horeeya dugsiga
Guul-gaareyaasha Hore iyo MeritECEAP iyo Deeq Waxbarasho Head Start
▪▪ Qaniimaadka kale ee daryeel bixiyayaasha
Barnaamijka Daryeelka Cunada
Waaxda Ilmaha Beeraha iyo Barnaamijka Cunnada Daryeelka Dadka Waawayn ee
deeqaha dawlada dhexe si ay ugu adeeggto cunooyinka nafaqada leh iyo cuwaafaha.
Waxaa laga yaabaa inaad u qalmanaanto barnaamijka marka ay oggolaato DSHS si ay u
daryeesho carruurta gurigaaga ku sugan. Macluuumaad intaas dhaafsiisan oo ku saabsan
SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-10
barnaamijka, kala xidhiidh Xafiisla Waxbarashada Kormerka Dadwaynaha telefoon
lambarka 360-725-6200.
www.dshs.wa.gov
Waaxda Bulshada iyo Adeegga Caafimaadku waxay leedahay barnaamijyo badan si
ay u caawiso qoysaska dagan Washington.
http://apps.leg.wa.gov/WAC/default.aspx?cite=170
Waaxda Waqti hore oggaanshaha Washington ee Xeerka Uruursan ee Code
WCCC.
Ururka Daryeelka Ilmaha Qoyska Gobolka Washington
www.wsfcca.com
Ururka Daryeelka Ilmaha Qoyska Eastern Washington
www.ewfcca.org
Ururka Waxbarashada Washington ee Carruurta Dhalinyarada ah
1-800-727-3107
www.waeyc.org
Khayraadka Gobolka Washington iyo Dalada Gudbinta
www.childcarenet.org
SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-11
LABADA DHINACBA, MARKII AY HOOS SAXIIXAAN, WAXAY
OGOLAANAYAAN SHURUUDAHA IYO MAS’UULIYADAHA HESHIISKAAN
GORGORO WADAREEDKA
Waxaa la saxiixey 1ga Luulyo, 2015.
Adeegga Shaqaalaha Ururka Shaqaalaha Caalamka 925:
/s/
_______________________________
Karen Hart
Madaxwaynaha, SEIU Local 925
Gobolka Washington:
/s/
______________________________
Jay Inslee
Guddoomiyaha
/s/
_____________________________
Diane Lutz, Madaxa Qaybta
OFM/SHR, Xafiiska Xidhiidhka Shaqaalaha
/s/
_____________________________
Janetta Sheehan, Madaxa Qaybta
OFM/SHR, Xafiiska Xidhiidhka Shaqaalaha
SEIU 925 Xannaanada Carruurta 2015-17
A-12